Dagaal Beeleed Mar Kale Shalay Ka Dhex Qarxay Beelaha Walaalaha Ah Ee Deegaano Ka Tirsan Degmada Ceel Afweyn Iyo Khasaarihii Ugu Dambeyey

0
30
Lawadaag Asxaabta...

Ceel Afweyn, July 7, 2018-(Foore) – Dagaal beeleed ayaa mar kale dib uga qarxay deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag Kaasi oo u dhexeeyay laba Beelood oo walaalo ah oo dhawr jeer oo hore dirir ku dhex martay deegaankaasi .

Warar xalay naga soo gaadhay oo aanu ka helnay deegaanka Dararweyne ayaa sheegaya inay isku dhaceen labada beelood ee hore dagaalku ugu dhex maray deegaankaasi. kuwaasi oo ay sida la sheegay kala gaadheen Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana si wayn isha loogu hayaa xaaladda Deegaankaasi oo illaa Shalay aad u kacsanayd.

Sidoo kale wararka laga helayo magaalada Ceel Afweyn ayaa sheegaya in dhawaaqa rasaasta laga maqlayo magaaladaasi, iyada oo ciidamada qaranka Somaliland ay ku guulaysteen inay joojiyaan gurmad labada beelood ee dagaalamaya ku socday.

Khasaaraha Dagaalkaasi ka dhashay ayaa sida ay wararkii u dambeeyay Xalay nagu soo gaadheen lagu sheegay laba qof oo dhimasho ah oo midi yahay wiil yar oo sida wararku ay xusayaan si foolxun loo khaarajiyay isagoo wakhtigaadhi eegayay Adhi,halka ay wararkani sheegayaan in qofka kalena ku dhintay Magaalada Ceef Afweyn gudaheeda  arintaasi oo deegaanka xaalad kale u soo labistay. Sidoo kale waxa la soo sheegayaa Dhaawac dhinac walba ah.

Warar kale ayaa sheegaya inuu  baaqday safar uu madaxweyne Muuse Biixi iyo wefti uu hogaaminaya ay ku tagi lahaayeen deegaanada Ceel Afweyn ee colaadu ka taagan tahay.

Colaadda Deegaankaasi ayaa muddooyinkii ugu dambaysay soo noqnoqonaysay kadib mar kasta oo ay isku dhacaana waxa kala dhex gala ciidamada qaranka Somaliland oo Guutoooyin ka mid ah halkaasi la kala dhex dhigay waxaanu dagaalkaasi guud ahan saamayn weyn oo taban ku yeeshay xaaladda Somaliland iyada oo shacab iyo xukuumadda lagu baaqayo in dagaalkaasi la joojiyo balse wali ay xaaladdu xun tahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here