Dablay La Baxsatay Baabuur Uu Lahaa Baanka Magaalada Ceerigaabo

0
96
Lawadaag Asxaabta...

Dablay Hubaysan ayaa Magaaladda Ceergaabo ka kaxaystay Baabuur ay lahayd Laanta Baanka ee Magaaladda Ceergaabo.

Baabuurkan oo uu noociisu ahaa toyota hilux ayaan la garanayn meel ay la tageen kooxda Afduubka u geysatay.

Wariye ku sugan Magaalada Ceergaabo ayaa u sheegay Hadhwanaagnews in aan la garanayn cida kaxaysatay baabuurkaasi, hasayeeshee waxa loo badinayo in ay la baxsadeen ciidamo taabacsan sarkaal sare oo shalay ka goostay ciidamada qalabka sida ee Somaliland.

Dhinaca kale Magaaladda Ceergaabo ayaa waxa soo gaadhay ciidamo kala duwan oo laga soo qaaday ceel afweyn kuwaas oo halkaasi u joogay dhexdhexaadinta Beelihii dhawaan ku dagaalamay Degmadda Ceel Afweyn.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here