DAAWO: Warbaahinta Norway Oo Muuqaallo WAALLI Ah Ka Sameeyey Magacaabistii Man United Ee Ole Gunnar Solskjaer Iyo Jose Mourinho Oo Lagu Bahdilay

0
131

Markii ay Manchester United si rasmi ah ugu dhawaaqday Khamiistii in Ole Gunnar Solskjaer uu ahaanayo tababaraha rasmiga ah ee hoggaaminaya kooxdaas saddexda sannadood ee soo socda, waxa markiiba ka falceliyey dad badan oo uu ugu horreeyey guddoomiye ku-xigeenkii magacaabistiisa ku dhawaaqay oo sheegay inuu si buuxda ugu qancay wax-qabadka iyo haybadda uu Solskjaer usoo celiyey Man United.

Falcelintii ugu yaabka badnayd, waxa uu ahaa muuqaal laga sii daayey telefishanka TV2 Sporte ee fadhigiisu yahay dalka Norway, kaas oo qaab farshaxan leh u muujiyey farxadda Ole Gunnar Solskjaer, isla markaana bahdilaad ku riday Jose Mourinho oo bishii December shaqada laga caydhiyey iyo Mauricio Pochettino oo Tottenham macallin ah laakiin lala xidhiidhinayey shaqada hadda rasmiga loogu dhiibay Solskjaer.

Sida uu muujinayo muuqaalka daawashada ah ee hoose, ayaa farxad kala caddaaday markii uu arkay warqad ay wada jir u saxeexeen Ed Woodward iyo Sir Alex Ferguson oo si rasmi ah loogu dhiibay shaqada.

Solskjaer ayaa usoo orday qaab la mid sidii qisadii jacaylka ee markii dambe filimada badan laga sameeyey ee ‘Lord of the Rings’ isagoo loo ekaysiiyey Bilbo Baggins oo ahaa aktarkii eryanayey duqii Gandalf ee qaybta ka ahaa filimkaas oo waqtigan booskaas la geliyey Sir Alex Ferguson.

Muuqaalkan oo ay sidoo kale ka muuqdaan Jose Mourinho, Paul Ince iyo Paul Pogba ayaa waxa lagu baahiyey barta Twitterka ee TV2 Sporte, waxaana markiiba daawaday dad ka badan 800,000 qof.

Muuqaalkan oo si dhab ah uga turjumaya xaaladda tababaraha ee farxadda ah, ciyaaryahannada oo iyaguna la dhacsan, ayaa waxay uu noqday kan ugu xamaasadda iyo xiisaha badan ee baraha bulshada lagu baahiyey kaddib magacaabistii Ole Gunnar Solskjaer.

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhamaystiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here