Daawo Qiso Xannuun Badan Oo Mar Kale Ka Dhacday Ceel Afweyn Iyo Qoys Ka Sheekaynaya Sida Loo Dilay Ilmo Yar Oo Sinta Lagu Siday Oo Goor Habeenimo Ah La Dilay

0
118
Lawadaag Asxaabta...

Ceel-Afweyn, July 23, 2018- (Foore)- Eehelada gabadh yar oo la sheegay in habeen Afraad lagu dilay Bariga Degmada Ceel-Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa shalay lagu aasaay deegaamadaaso iyada oo qaar ka mid ah eheladeedu sheegeen in Ilmahoodaasi yar koox dablay ah oo Lix nin ka koobani ay dileen kadib markii ay rasaas oodda kaga qaadeen sida ay sheegeen kadibna rasaastaasi ay ku dhacday inantaasi yar oo markaasi walaasheed sinta ku sidday.

Aabaha dhalay inanta yar ee ay ku sheegeen in la dilay iyo gabadh yar oo ay walaalo yihiin oo sheegtay in ay iyadu sidday ilmaha yar markii la dilayay ayaa saxaafadda u sheegay sida falkaasi u dhacay mar ay Telefishanka Saab ugu warramayeen Degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Gabadh ay walaalo yihiin inanta yar ee dhimatay oo Telefishanku wax ka waydiiyey sida ay wax u dhaceen ayaa iyada oo ka warramaysa sida xaalku u dhacay waxa ay tidhi: “Sagaalkii iyo Badhkii habeenimo ayay ahayd markii dilka gabadhan yar loo gaystay waxaanan wakhtigaasi sinta ku siday inanta yar. Aniga ayaa sinta ku siday. Meelbay nimankani ku bakhtiisteen kadib dameerihii ayaa naga diday. Dameeraha ayaanu xidhxidhnay. Kadib tooshka ayaanu ku qabanay waxan ay dameeruhu ka dideen. Kadibna niman baaba soo kaakacay kadibna rasaas ayay nagu bilaabeen. Kadib markii ay rasaas nala dhaceen ayay noo yimaaddeen iyaga oo Moobilo naga baadhaya. Markii ay rasaastu nagu dhacaysay waxa ay xabaddii ku dhacday ilmihii yaraa oo gabadh ah oo aan sinta ku hayay. Kadib way naga tageen markii ay biyo badana naga qubeen. Moobilana qaarbaa naga baadhayay. Inantii yarayd sidaasi ayay ku dhimatay oo rasaasta ayaa ku dhacday”.

Cilmi Cali Gaydh oo ah Aabaha dhalay inanta yar ee dhimatay ee ay kus heegeen in la dilay ayaa isna Telefishanka u sheegay in aanay xukuumaddu illaa imika arrinkooda waxba ka qaban inantiisaasi yarna la dilay oo ay xaqiijinayaan. Cilmi Cali oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Sidaasi inantu u sheegtay ayay ammuurtaasi u dhacday. Annagu wakhtigaasi reerka waanu ka maqnayn oo waxa aanu ku sugnayn meel lugtu u socon karto illaa badh. Kadib markii falkani dhacay dawladdii ayaa lala hadlay. Way noo yimaaddeen oo meelihii bay baadh baadheen waxaanay heleen qasharkii rasaasta waanay heleen. Maydkii Ilmaha yar waxa la dhigay saldhigga booliska. Kiiskii sidaasi ayay u qoreen oo wuxuu yaallay maydkii illaa Lix saac. Culimo, Dawlad, Shacab, ergooyin wixiiba way ka war qabaan oo ay ogyihiin xaaladdan iyo sida ay u dhacday oo way u yimaaddeen. Intaasi iyada oo dhacday oo dilkaa foosha xumi nagu dhacay oo ubadkaygii ku timid iyo weerarkaasi maatada badheedhka loo laayay ayaa haddana waxa dhulka laga soo sheegayaa fool xumooyin ah isaga ayaa dilay. Waxaan umadda u sheegayaa in waxaasi aanay waxba ka jirin. Waa been iyo dambi ay sii korodhsadeen. Waxaan ahay ninkaa dhibaatadu ku timid. Waxaanan joogaa Degmada Ceel-Afweyn. Xilligii ay xukuumaddu ku ballan qaaday in ay xabbad joojin qabato shantaa maalmoodba waddooyinka ayaa gaadiidka iyo dadkaba loo galayay. Waxaana ugu dambaysay weerarkaasi reerkayga lagu galay ee maatada lagu laayay. Waxaan xukuumadda ugu baaqayaa in xukuumaddu wax ka qabato sidii ay marka horeba ugu ballan qaaday in ay wax uga qabanayso. Waa in ay dadkii waxaasi gaystay soo qabqabato oo sharciga mariso”.

Dhinaca kale qaar ka mid ah odayaasha ehelada qoyskan sheegay in dhibaatadu soo gaadhay ayaa xukuumadda ugu baaqay in ay dadkii falkan gaystay si degdeg ah u soo qabato oo sharciga la hor keeno waxaanay yidhaahdeen: “Falkaa foolxumada ah ee inanta yar ee siqiirka ah lagu dilay wax la qaadan karo maaha. Weerar habeenimo ah ayaa loo gaystay. Haweenkii iyo ubadkaasi rasaasta lagu furay waxa ay tirada raggaasi soo weeraray ku sheegeen illaa Lix nin. Xukuumadda ayaanu uga fadhinaa in arrinkayagaasi ay wax ka qabato oo soo qabqabato raggii weerarkaasi bahalnimada ah maatadayada ku qaaday”.

Ugu dambayn gabadhii yarayd ee falkaasi la sheegay in lagu dilay ayaa shalay lagu deegaankii ay ku dhimatay iyada oo ay aaska ka soo qayb galeen masuuliyiinta dawladda ee deegaanka, odayaasha iyo wax garadka deegaamadaasi. Waxaana socota baadhitaan lagu hayo arrinkan walina aanay xukuumaddu ka hadal sida falkani u dhacay iyo xaqiiqadiisa.

Halkan Ka Daawo Hadalka Eheladan:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here