Daawo Muuqaalka Maxabiistii Budhcad Badeeda Ahayd Ee Madaxweynaha Somaliland Cafiyay Oo Hargeysa Ka Dhoofay Iyo Sagootintii Loo Sameeyay + Sawiro.

0
140

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xalay qaabilay wefti madax-dhaqameed ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha dhaqanka ee beelaha Hawiye, Mudane Maxamed Xasan Xaad.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka ka socda beelaha Hawiye oo ka qabsoomay xalay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayey bahda dhaqanku madaxweynaha ugaga mahad celiyeen cafiska uu u fidiyey 19 maxbuus oo budhcad-badeednimo u xidhnaa, kuwaas  oo laga  soo wareejiyey dalka Seychelles, islamarkaana uu madaxweynuhu dhawaan cafis u fidiyey.

Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii satootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka Madaxda dhaqanka ee beelaha Hawiye, ayaa maantaba u ambo baxay dalkoodii Hooyo ee Soomaaliya, iyaga oo hoggaaminaya 19-kii maxbuus ee uu madaxweynuhu cafiska kusii daayey, kuwaas oo muddo 9 (sagaal) sanno ah ku xidhnaa jeelka weyn ee magaalada Hargeysa, waxana sii satootiyey la taliyaha madaxweynaha ee arrimaha dhallinyarada, Mudane Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan. Kulanka xalay waxa madaxweynaha ku wehelinayeen masuuliyiin isugu jiray wasiiro, taliyeyaal iyo xeer ilaaliyaha qaranka

Halkan Ka Daawo Muuqaalka warka.

Image may contain: 1 person, sitting

 

Image may contain: 4 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 4 people, people sitting

Image may contain: one or more people, people standing, sky and outdoor

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here