Daawo Muuqaalka Gabadhii Fulisay Qaraxii Lagu Hoobtay Ee Xarunta Gobolka Banaadir Ee Soomaaliya Iyo Xilka Ay Haysay Wakhtigan Ay Qaraxday.

0
275

Illaa iyo hadda xogta la hayo waxay sheegeysaa in weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee Soomaaliya inay fulisay Basiira Cabdi Maxamed, oo aheyd agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir islamarkaana aragga naafo ka aheyd.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in Gabadha weerarka fulisay ay gacan ku siisay gabadh kale oo caawiye u aheyd qofka is qaxriyay.

Basiiro, oo markii hore ku shaqeyn ku jirtay dhismaha Guri Hooyooyinka ayaa dhowaan ka shaqa bilaawday maamulka Gobalka Banaadir, waxa ayna aheyd qofka kaliya ee aan la baadhin oo albaab gaar ah ka soo gala Gobolka Banaadir.

Dad badan ayaan muuqaal ahaan arkin gabadhan, waxaana helnay wareysi ay ku dhowaad sanad ka hor siisay idaacadda Mustaqbal ee magaalada Muqdisho markii loo magacaabay xilka agaasimaha dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here