Daawo: Gabadh Sacuudi Ah Oo Meel Fagaare Ah Isku Duubtay Fanaan Ay Ka Heshay Oo Ciidamada Boolisku Ka Fujiyeen Xabsigana Dhigeen

0
125
Lawadaag Asxaabta...

Waxa waddanka Sucuudi Carabiya ka socda is baddalada dhinaca arrimaha Bulshada ee Furfuran ee uu la shir yimid ama ku baaqay Dhaxal-sugaha waddankaasi ahna Ninka ugu awoodda badan wakhtigan Maxamed Bin Salmaan Bin Cabdulcasiis waxaana soo baxaya arrimo layaab leh oo ka soo noqonaya markii siyaasaddaasi firfuran dawladdu soo saartay waxaana ugu dambaysay arrin hadal hayn badan ka dhalisay waddanka Sucuudiga oo ah Gabadh dhallinyaro ah oo inta ay masrax soo fuushay isku duubtay oo laabta galisay nin fannaan ahaa oo masraxa ka heesayay.

Ciidamada Booliska Sucuudiga ee ilaalada ahaa ayaa si dgedeg ah u soo fara galiyey kadib markii masrax ku yaalla Magaalada Daa’if oo uu ka socday ban-dhig faneed dhinaca muusiga ahi ay gabadh dhallinyaro ahi inta ay kursiga ka soo kaxday si degdeg ah iyada oo u ordaysa ay abbaartay goobtii masraxa ahayd eek u sugnaa fannaanka heesaha qaadayay kadibna ay isku duubtay taasoo ay markiiba ciidamadu ka fujiyeen si degdeg ahna xabsiga ugu gudbiyeen.

Booliska sacuudiga ayaa xidhay gabadhan dhallinyarada ah oo masraxa orod ku soo fuushay si ay isugu duubto ninka wakhtigaasi heesayey, masrax ku yaalla magaalada caanka ah ee Daa’if.

Fiidiyow lagu baahiyey baraha xidhiidhka Bulshada ee Twitter-ka ayaa muujinaya haweenay cabaayad madaw xidhan oo orod kaga soo kacday kursigii ay fadhiday kadibna si toos ah iyada oo xawli ku socota u abbaaraysa Fannaan wakhtigasi hees toos ah qaadayay kadibna isku duubaysa oo ay boolisku gacan bir ah kaga furfurayaan kadibna soo kaxaynayaa iyada oo wararku sheegeen in markiiba haweenayda xabsiga la dhigay. Fannaanka wakhtigaasi heesta qaadayay ee ay haweenaydani isku duubtay ayaa lagu magacaabaa Maajid Al Muhandis oo ah fannaan si weyn looga jecel yahay dalalka Khaliijka gaar ahaan sucuudiga.

Sida ay ku soo warramayso Majaladda Al Nahaar haweenaydii waxa lagu hayaa xabsiga iyada oo lagu soo eedeeyey fal dhaqan xumo ah oo ay tusaale xun u noqotay si dhallinyarada hablaha ah looga digo in ay mar kale fal noocan oo kale ah ku kacaan.  Booliska magaalada Daa’if waxay sheegeen in gabadha la geeyey xabsiga gaar ahaan qaybta dumarka lagu xidho, waxaana kiiskeeda lagu wareejiyey dacwad oogayaasha, iyadoo wajahaysa dambiyo ciqaabeed.

Waa muuqaal ka duwan kii dhowr toddobaad ka hor aad loogu sacab tumayey, markaasoo loo ogoladay dumarka Sacuudiga inay gaadhi kaxeeyaan. Waxaanay dadka arrimahan ka soo hor jeeday wakhtigan kooxaha ku faraxsanaa ku eedaynayaa in durba la hayo midhihii ka soo baxay soo saaridda haweenka iyo in loo ogolaado goobaha garoomada kubadda cagta ah, masraxyada fanka ee heesaha iyo muusiga iyo suuqyada in ay kalidood gaadiidka kaxaysan karaan.

Dumarka Sacuudiga looma ogola inay dhex galaan ragga aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxayn waana arrin sharci ah oo diinta la xidhiidha balse wakhtiyadan dambe waxa soo baxaya falal arrimahaasi lid ku ah oo uu keenay dhaxal sugaha dalkaasi.

Isbeddelka ka dhacaya Sacuudiga ayaa dhakhsiyo ku socday, laakiinse wuxuu dhanka kale keenay cadho ka timid qolyaha muxaafidiinta ah ee dalka.

Daawo Muuqaalka:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here