Daawo: Beel Ceerigaabo Kaga Dhawaaqday Shirweyne Ay Isugu Yimaaddaan Beelaha Habarjeclo Iyo Ujeedadiisa

0
121
Lawadaag Asxaabta...

Ceerigaabo, Sept 01, 2018- (Foore)- Iyadoo mudooyinkii u dambeeyay aad loo hadal hayay Siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha degta Bariga Burco iyo Qaybo ka mid ah Gobolka sanaag ee Ceerigaabo abaabulka dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo ay ku baadi goobayaan hanashada Booska Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Dabadii ayaa  waxa  Xalay lagaga dhawaaqay Gobolka Sanaag shir ay qabsanayaan Beeshaasi Gudoomiyaha Kulmiye doonaysaa,waxaanay wararka Wargeyska Foore ka helay Shirkaasi hoosta ka xariiqeen inuu shirkaasi salka ku hayo Booska Gudoomiyaha Kulmiye iyo sidii ay Beeshaasi Culays ugu saari lahayd Madaxweyne Muuse Biixi inuu booskaasi iska wareejiyo.

Ugu horeyn Suldaan Maxamed Axmed Cali oo ka mid ah Salaadiinta Beeshaasi oo Shirkaasi jaraa’id ee ay Salaadiinta Beeshaasi Icaalmiyeen ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “halkan waxaanu kaga baaqaynaa Shirweyne Beeshu iskugu timaado,sidaad ogtihiin waxaa soo dhacay dagaalo,Waxaa soo dhacay Abaaro, hadda ayaad moodaa in la shiri karo, markaa Bisha 20/11/2018-ka ayaanu shirkaasi inuu qabsoomo ku baaqaynaa, waxaanu ka dhigaynaa magaalada la yidhaahdo Maax, oo ah magaalo aad u qiime badan, ta kale waxa weeyaan Gudida Qaban qaabada iyo ergooyinka, iyo Hawsheeda kale dib ayaanu u dhiganay, oo aanu u soo sheegi doonaa,intaasi waa intaasi, inta kale dadka aanu walaalaha nahay, beesha Aduruxmiin meel kasta oo ay joogaanba taageerada shirka iyo inay kasoo qayb galaanba ayaanu gaadhsiinaynaa”

Sidoo kale waxa uu yidhi “shirkani waa shirkii waligiiba ay Habarjeclada Bari lahayd, Shir Nabadgalyo weeyi, waa shir dhaqan,waa shir aan ceeb lahayn, waatii barigii dhawayd wax dhaceen, Nabadgalyo balaadhan ayaa dalkii ka dhacday, Ceel Afweyn waatii wax laga qabtay, wixii kalena waa la gacan marin doonaa oo waa dhamaanayaa”.

Waxa kale oo Hadaladii Salaadiinta ka mid ahaa sidan“shirkani waxaanu qabanaynaa Habarjeclo Bari,sidii aanu horena ugu dhawaaqnay, shirkani waa shirkii dhaqanka ahaa ee Waligii jiri jiray,waxaanu ugu baaqaynaa Beesha oo aanu leenahay Gacmaha aynu isku qabsano sidii uu shirkaasi ku qabsoomi lahaa,waa in qof kasta oo Beesha ka soo jeedaa ku farxo oo ay noqoto dan la iskugu yimaado, waayo talooyin badan oo dan ahaan inaga dhexaysa dad ahaan iyo dal ahaan ayaa illaa hadda inaga kala daadsan”.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ahna Gudoomiyaha Kulmiye ayaan lagaranayn wakhtiga uu Gudoomiyenimada Kulmiye wareejin doono iyo cidda uu ku Wareejin doono laakiin waxa tan iyo doorashadii Madaxtooyadda ka hor Booskaasi baadi goob ugu jiray Siyaasiyiin kasoo jeeda beesha uu kasoo jeedo Mulkiilaha Xisbiga Kulmiye Axmed Siilaanyo, kaasi oo hore ugu wareejiyay Madaxweyne Biixi. Siyaasiyiintani danaynaya Booskan ayaa qaarkood shirarkani dabada ka wadaan, waxaanay u arkaan inay jidkaasi  ku hanankaraan helista Gudoomiyenimada Kulmiye.

Ugu dambayn wararka naga soo gaadhaya kulankani waxay sheegayaan in kooxo ganacsato ahi dabada ka riixayaan shirweynahan ay ku baaqeen.

Halkan Ka Daawp Odayaasha:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here