Cuqaasha Gobolka Togdheer Oo Ka Qayliyey 25 Dollar Oo Ay Sheegeen Inay Mushahar Ahaan U Qaataan

0
44
Lawadaag Asxaabta...

Burco (Foore) –  Cushaaqa ku dhaqan Gobolka Togdheer oo Shalay isasoo urursaday ayaa cabasho ka muujiyay  lacagta Mushaharka ah ee ay ka qaataan Dawladda, taasi oo ay Saluug ka Muujiyeen, Waxa ay Madaxweynaha iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha u soo jeediyeen in wax loogu daro.

Cuqaashan oo Warbaahinta kula Hadashay Magaalada Burco ayaa waxa ay hadalka u dhigeen sidan “Waxa isku kaaya keenay baahi taala, baahidaasi oo ah waxa aanu ka qaadano dawladda ama Guno halagu sheego ama Mushaharo halagu sheegee, iyo waxa aanu qabano ayaa kala weynaaday, Soomaalidu waxay ku maah maahdaa, laba laguma noolaado ayaa la yidhi, Sad aan Korodhsiimo lahayn, iyo hawl aan jimicsi lahayn, walaahi waa labada aanu anagu maanta aanu qabno. Mushaharka xaq ayaanu ugu leenahay, Muwaadiniin ayaanu nahay,Cuqaashii dalka ayaanu nahay, xaq ayaanu ugu leenahay Dawladda in mushaharka lanoo kordhiyo, oo hoos lanoo eego, xaq ayaanu u leenahay “

Waxa kale oo hadalkooda ka mid ahayd sidan“Anaga oo ah Haldoorkii dadka oo wax waliba ay nagu dhacaan oo xidhiidhkii Hogaanka ah ee Bulshada iyo Xukuumadda u dhexeeyay ah, oo Xukuumad kasta oo timaada anagu aanu la shaqayno waxaanu codsanaynaa in wax laga badelo Qiimaynta aanu dalka ku leenahay, waxaanu qaadanaa laba boqol iyo Todobaatan oo Somaliland Shiling ah, waxaanu leenahay bal hala qiimeeyo, dad ayaanu u shaqaynaa, danahayaga uma madax banaanin, waxaanu ku khasbanahay inaanu meel heblaayo tagno, gaadhiga aanu soo raacno iyo Cashadayada habeenkii ku fila”.

Sidoo kale waxa ay yidhaahdeen“Madaxweynaha waxaan idhi, waxa la yidhi Wacad ama lama galo ama la gogto, wacadbaynu qaadanay, Mushahaaradda ayaad u qaaday, Waxaad tidhi waan kordhinayaa, dee ma hayno, ma cadkii xagaana ka yimid ayaan xaggana soo gaadhin,mahaynee, Madaxweyne Balantii aad qaaday oofi. Anagoo ku hadlayna Magaca Cuqaasha Dalka oo dhan ayaanu cabashoodii idiinsoo gudbinaynaa, Cabashadaasi oo ku saaban waxa guno halagu sheego ama Mushahar halagu sheegee ay qaataan, waxaanu Madaxweyne kaa codsanaynaa in Kor loo qaado Cuqaasha Mushaharkooda,  oo loo kordhiyo”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here