Cunnooyinka La Xaqiijiyey In Ay U Wanaagsan Yihiin Dadka Qaba Xanuunka Babaasiirta Iyo Kuwa U Daran Ee Dhibaatada Keeni Kara

0
319
Lawadaag Asxaabta...

Baabasiirtu waa xanuun ku badan bulshada dunida gaar ahaan Soomaalida inkastoo laga aamisan yahay qaldaad badan sida waxa uu yahay xanuunkaasi? waxa keena? astaamaha lagu garto? sida loo baadho? iyo sida loo daaweeyo intaba?. Xagga dambe ayaynu ku sheegi ama ku faahfaahin doonaa xanuunkan Babaasiirtee bal aan imika is dul taagno cunnooyin caafimaadku xaqiijiyey in ay u wanaagsan yihiin iyo cuntooyinka u xun dadka ka cawda xanuunkan Babaasiirta.

Waa Maxay Cunnooyinka U Roon Baabasiirta?

Waa cunno loo adeegsan karo ka hortag iyo daawayn baabasiir intaba.

-Qamadiga: wuxuu ka mid yahay cunnooyinka leh buunshiga oo ah cunto saxarada badisa, kadibna u sahlanaata in si fudud ku soo baxdo isagoo ka shaqaysiiya murqaha mindhicirrada.

-Sisinta: waxay saxarada u sahashaa in si aan juhdi ku jirin u soo baxdo, iyadoo qofku aanu jiiran ama ducan, maxaa yeelay jiirashada ama ducashada iyo baabasiirku way isku daran yihiin.

-Khudaarta Iyo Furuutka: Cunnooyinka Khudaarta ama Furuutiska cunnadaan laguma tiriyo kuwa keeno saxaro adaygga iyo calool fadhiga, isla markiina wuxuu qofka ka faa’idayaa fitamiino iyo macdano leh nafaqo, waxaa ka mid ah oo aad heli kartaa liin Liin Macaanta, Cinabka, Muuska, Tufaaxa, Liin bambeelmada, Cambe Lafka, Babaayga, Koostada, Kaabajka, Salladhka, Bagalka, iyo cagaarka kalba.

-Saliidaha Dabiiciga Ah: sida saliid saytuunka, saliid macsarada, saliid gabbal-dayaha, saliida avocadaha, saliida kalluunka intaba markii cunnada lagu darsado, waxay caawiyaan in baabasiirku aanu ka sii darin, calooshana si dhibaato lahayn ku nadiifsanto

-Cabitaanka Biyaha Badan: waa ahmiyadda 1-aad in aad heshaa biyo jidhkaaga ku filan si aanay saxaradaadu u qallalin, waana dhibka ugu wayn ee Soomaalida haysta, qofkasta oo baabasiir ka cabanaya iyo mid kaleba biyo ku filan ma cabno, biyo cabitaankiisu wuu innagu yar yahay waana caado badawnimo ah waxaana loo baahan yahay in aan biyo badan cabno.

Waa Maxay Cunntada U Daran Ee Aan Ku Habboonayn Qofka Qaba Baabasiirta?

-Roodhida burka ama daqiiqda sida aad u taqaano ka samaysan iyo cunnooyinka la xidhiidha sida buskutka, Quraaca, Saanbuusaha, Canjeerada daqiiqda kalita laga sameeyay, kackaca, Keegagga waxa la isku waafaqsan yahay inay caloosha adkeeyaan taasaana dhib ah

-Hilibka Badan: haddii aad siyaado u cunto hilibka waxaad halis ugu jirtaa calool istaag, sidaas daraadeed waxaa lagu taliyaa in aad ku cuntid saliid macsaro ama saliid zaytuun si aad uga fogaato calool fadhiga.

-Caanaha fadhiga ah: dad badan way ka sheegtaan inuu calool fadhi u keeno, khaasatan caruurta yaryar, waxaa la mid ah burcadka ama cheese-ka adag iyo caanaha lo’da, caanaha gadhoodhka ah way u fiican yihiin iyagu baabasiirta.

– Oonka badan: biyo cabitaan yaridu waa dhibaato baabasiirta u daran,

Waa Maxay Haddaba Cudurka Baabasiirtu?

Babaasiirtu waa sida xidido laamo leh oo ku yaalla marinka dabada. Marka xididadani noqdaan kuwo la bararsan dhiig, waxa timaada babaasiir. Xididka bararsani waxa uu saameyn karaa mareegta qaybteeda wax yar ka sareysa marinka futuda, halkasoo qaybtaasi aanay taageero sidaa weyn ka haysan duubka muruqa ah (sphincter), waxaana taasi ay keentaa babaasiir gudaha ah. Ama waxa laga yaabaa inay saameyso xididada ku yaalla xagga hoose ee walamadka, meel wax yar ka hooseysa maqaarka, taasoo keenaysa babaasiir dibadda ah. Dadka qaarkii waxay qabaan labada noocba. Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.

Calaamadaha Lagu Garto Babaasiirta: Calaamadaha lagu yaqaano waa:

-Cuncun agagaarka futada ah

-Dhiig (aad u cas) oo la arko ka dib marka la saxaroodo

-Xanuun iyo raaxo darro inta la saxaroonayo iyo wax yar ka dib

-Barar la arki karo oo ku yaalla agagaarka futada

-Dareen ah in aan si buuxda caloosha loo faaruqin ama loo saxaroon

Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda futada. Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horreysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adigu dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada. Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xidhiidha kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah (futo dilaac). Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.

Sababaha:

Waxa loo haystaa in babaasiirtu ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka futada. Haddii taasi kugu

dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la xidhiidho kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah. Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fadhiisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.

Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee dabadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxidheyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenayaa in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.

Waligaa waxaad kud adaashaa in aad ka taxadarto in calooshu ku joogsato adiga oo waliba leh babaasiirta.

Xigasho: Dr. Cabdilaahi M. Mahdi – Somali Doctors

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here