Ciyaartoy Isaga Oo Indho La’ Haddana Guul Kubadeed Kooxdiisa Ku Hogaamiyey Iyo Taageerayaasha Oo Ilmeeyey

0
87
Lawadaag Asxaabta...

Ciyaartoy Maraykanka u dhashay ayay u suuragashay arrin uu ku riyoon jiray tan iyo carruurnimadiisii oo ahayd in uu mar uun u ciyaaro kooxda University of Southern California.

Jake Olson ayaa araga beelay markii uu 12 jir ahaa, laakiin waxaa ka go’nayd in aysan taasi ka hor istaagin in uu u dheelo kooxda USC Trojans.

Wuxuu kooxda ka caawiyay in ay hesho dhibicdii u dambaysay ee ciyaarta.

Wiilkan ardayga ah ee 20 jirka ah ayaa sheegay ” in arrintu ay isu badashay mid quruxbadan”.

In uu kuuliyad u ciyaaro kubbad wuxuu ku talamayay ka hor intii uusan aragga ku beelin xannuun kansar ah, laakiin wuu diiday in uu ka tanaasulo riyadiisii.

Markii ay kooxdiisu ka badisay West Michigan, wuxuu ku hor dabaal dagay 70,000 oo taageereyaal ah, ciyaarta ka dibna wuxuu sheegay in uu aad u jeclaystay arrintaas.

Jake ayaa tan sannadkii 2009kii ku soo jiray barnaamij kubbadeed oo ay leedahay kooxda USC ka dib markii tababarihii hore ee kooxda Pete Carroll uu maqlay in uu jiro wiilkaas yar oo kansar qaba kooxda Trojans taageera.

Isha bidix ayuu beelay isaga oo 10 billood jira, isha midigna waxaa laga soo saaray markii uu 12 sano jiray.

Rajadiisii u dambaysay waxay ahayd in uu daawado layliga kooxda Trojans oo dhacayay habeen ka hor qaliinkiisa.

Trojans ayuuna la tababaranayay tan iyo sannadkii 2015kii, jaamacaddana wuxuu ku soo galay deeq waxbarasho oo la siiyo dadka lixaadkoodu kala dhiman yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here