Cilmibaadhis Lagu Ogaaday Khataraha Caafimaad Ee Ku Jira Cuntooyin Dadkeenu Aad U Jecel Yihiin

0
279
Lawadaag Asxaabta...

Waxaa cilmi ahaan la wada og yahay in Kalyuhu ay yihiin shaandhada dhiigga oo shaqo aad u badan u haysa hannaanka shaqo ee jidhka qofka aadamaha ah, laakiin intaas kuma koobna ee sidoo kale waa isha awoodda iyo tamarta uu qofku ka helo.

Labada kelyood waxa ay jidhka ka soo saaraan qashinka ka hadha cuntada si aanay dhiigga ugu gudbin kadibna sun ugu noqon qofka. Sidaa awgeed hawlgab kasta oo shaqadiisa ku timaadda ama cillad daciifisaa waxa ay khatar ku tahay nolosha qofka aadamaha ah.

Maqaal caafimaad oo lagu baahiyey Shabakadda MBC oo Wargeyska Foore idiin soo turjumay waxa uu qoraalkan akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa noocyo ka mid ah cuntooyinka iyo cabbitaannada dadku aadka u isticmaalo, balse daciifiya shaqada kelyaha ama hawlgab ka dhiga, cuntooyinkaasi oo ah kuwo dadkeenu iyana aad u isticmaalaan una jecel yihiin ayaa waxa ay kala yihiin:

Mac-macaanka oo ay ka mid yihiin keega, noocyada xalwadda iwm.

Maaddooyinka kiimikada ah  oo jidhka gala, gaar ahaan kiimikada samayska ah ee lagu daro cuntooyinka warshadaysan (Qasacadaysan) sida maadooyinka ku jira tamaandhada qasacadaysan.

Hilibka: Noocyada hilibka ee ay ku badanyahay Protein-ka sida hilibka cas ayaa la sheegay inuu halis ku yahay caafimaadka Kelyaha.

Daraasad lagu dabaacay European Journal of Nutrition ayaa lagu xusay in hilibka casi uu sababi karo dhagaxyada kelyaha ku samaysma.

Cusbada: Cusbada badan oo la joogteeyaa waxay sababtaa kelyo xanuun sidoo kalana waxay waxyeelo gaadhsiisaa wadnaha, sababtu waxaa weeye marka aad cusbo badan cuntid kelyahu waxay haynayaan biyaha..

Cabitaanada Soodhaha leh:  Waxa uu soodhuhu fara galin ku samameeya shaqada ay kalyuhu qabtaan taasi oo sabab u noqota in ay samaysmaan quruurux ama dhagaxaan kaadi haysta ku abuurma. Dhammaan shacabka waxa la gudboon in ay iska ilaaliyaan in ay badsadaan cuntooyinkan aan soo xusnay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here