Ciidamada Liyuu Booliska Oo Baadhay Bakhaaradii Ganacsiga Ee HARTA-SHEEKH, Cabsida Dadweynaha Iyo Qaylo Dhaan Dadku Deegaanku Xalay Ka Direen Falkan!

0
133
Lawadaag Asxaabta...

Harta Sheekh, August 11, 2018- (Foore)- Ciidamada Booliska Gaarka ah ee Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya ee loo yaqaano Liyuu Booliska ayaa wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno Kililka shanaad waxa ay sheegayaan in ay Habeen hore si arxan darro ah u baadheen bakhaaradii Ganacsi ee Degmada Harta Sheekha.

Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah oo wargeyska Foore xalay ka helay Magaalada Harta Sheekha ayaa noo xaqiijiyey baadhasho iyo bililiqo culus oo ciidamada Liyuu Boolisku habeen Hore oo Jimce soo galayay ay ku galalafeen Magaalo Ganacsiyeedda Harta Sheekh oo ka mid ah degmooyinkii uu dhawaan uun Degmonimada siiyey Madaxweynihii xilka ka dagay ee Kililka shanaad Md. Cabdi Maxamuud Cumar (Ina Ilay) taasi oo keentay in dadweynaha magaaladaasi qaylo dhaan iyo baaq culus ka diraan dhibaatada Liyuu Boolisku ka gaystay halkaasi.

Iyada oo maalmihii ugu dambeeyey tan iyo is baddalkii ka dhacay Kililka shanaad dadka deegaankaasi cabsi weyn ka qabeen falalka ay samayn karaan ciidamada Liyuu Boolisku ayaa waxa habeen hore dhacday in tiro ciidamadaasi ka mid ah oo hubaysan gaadiid ciidana wataa ay albaabada inta ay ku jabiyeen baadhasho iyo bililiqo kula kaceen tiro bakhaaro ah oo ay hanti badan ka dhaceen.

Ciidamada Liyuuga ah ee dhaca kula kacay bakhaarada Harta Sheekh ayaa magaalada isaga baxay markii ay hanta badan iyo lacago ka qaateen bakhaaradaasi lamana oga halka ay ula kaceen inkasta oo wararka qaar sheegayaan in ay dhinaca Bari ula kaceen iyada oo maalmihii ugu dambeeyey la hadal hayay in ay ciidamada Liyuu Boolisku doonayaan in ay isku fidiyaan oo u jihaystaan deegaamada beelaha Ogaadeen ee Kililka shanaad.

Ganacsatada bakhaaradooda la baadhay ayaa xukuumadda federaalka ugu baaqay in ay u soo gurmato oo hantidoodii loo celiyo dadka dhibaatadu ka soo gaadhay ciidamada Liyuu Booliska kuwaasi oo u daacad ah Madaxweynihii xilka ka degay ee Kililka shanaad Cabdi Ilay mana aha markii ugu horraysay ee ay ciidamadan gaarka ahi dhibaatooyin ka gaystaan Kililka Shanaad oo wakhtigan ku jira xaalad xasaasi ah oo aad u adag.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo la sheegay in ay isla Liyuu Booliska yihiin ay dhaawac ugu gaysteen dhinaca Magaalada Wajaale qaybta Itoobiya Ku xigeenkii magaaladaasi kaasi oo dhaawaciisa dadka deegaanku aad uga gadoodsan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here