Ciidamada Ka Goosanaya Maamulka Farmaajo Oo Kusii Qulqulaya kooxda Al-shabaab Iyo Ciidankii Ugu Dambeeyey Ee Isku Dhiiba Kooxdaasi

0
122
Lawadaag Asxaabta...

Marka (Foore) – Askar kasoo goostay Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ee Muqdisho fadhida ayaa isku dhiibay Xarakada Al-Shabaab kuwaasoo lagu soo bandhigay gobolka Shabeelaha Hoose ee dalkaasi Soomaaliya.

Askartan laba ah ayaa waxa ay ka hawl gali jireen aagga deegaamada Marka iyo Shalaambood, waxaana ay lasoo baxsadeen hubkii ay ku shaqeynayeen sidda ay sheegeen kooxda Shabaab oo warka arrinkaasi shalay warbaahinta ku soo ban dhigay.

Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidankaan ay kasoo xanaaqeen Ciidamada ka socda ee dalalka Afrika ee ku sugan Soomaaliya sidda loo tixgaliyo in aan iyaga loo tixgalin.

Dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaanan weli ka hadlin Askartaan la sheegay in Maamulkooda ay ka goosteen ee Shabaabka isku dhiibay.

Al-Shabaab ayaa sheegay inay ragaan sheegeen in qudhoodu ay qeyb ka ahaayeen dhaca iyagoo si gaar ah u qirtay iney dheceen maandooriyaha loo yaqaano Qaadka, balse aysan ku lug lahaan kiisas kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here