Caruur Kasoo Jeeda Laba Dal Oo Cadaw Isu Ah Oo Isu Diraaqay Waraaqo Saaxiibtinimo

0
66
Lawadaag Asxaabta...

Kumannan arday ah oo u dhashay dalka Hindiya iyo Pakistan ayaa waxay is waydaarsadaan waraaqo taasi oo qayb ka ahayd qorshaha nabadda ilaa warqadahaasi ay ka joogsadeen kaa dib markii ay sii koradhay xiisadda labada dhinac u dhaxeysa.

Wariyaha BBC Marathi’ Prajakta Dhulap ayaa ka waramaysa saaxibtinimada xudduuda isaga talaawday.

Hrishikesh Dubey waa 14 jir hantidiisa ugu qaalisana waa 4 warqadood oo gacanta lagu qoray oo uu Pakistan ka helay.

Waxa ay warqadahan ka yimadeen saaxibkii Samiullah oo ku nool magaalada Lahore.

Sanaddii 2016 ayuu iska diiwaangaliyay iskuulka Anuyog oo ku yaalla magaaalada ganacsiga ee Mumbai – halkaasi oo iskuulka uu ardayad u ogolaanayo in ay warqado u diraan saaxibadooda dhigta Lahore Grammar oo ku yaalla dalka Pakisan.

Warqadahani ayaa waxa lagu aadiyaa iskuuladan islamarkana maclimiinta ayaa isku dubarida ardeyda oo markaasi isu qora warqado.

Intii u dhaxeysay 2016 iyo 2017, 212 ardada iskuulada dhigata ah ayaa waxay iswaydaarsadeen 1,000 warqadood, sida uu sheegay isu duwaha barnaamijkan oo lagu magacabo Routes 2 Roots.

  1. Pakistan oo dhisida gidaar ka bilowday xuduudda Afghanistan
  2. Diyaarad Pakistan leedahay oo dhacday
  3. Sarkaal sare oo laga ‘dilay’ Talibanka Pakistan

Ma aha markii ugu horreysay oo ay arrintan sameeyaan- oo waxa ururka warqadaha ay asxaabta isu direen billaabeen 2010.

Tan iyo xilligaasi 50,000 oo caruur ah oo ku kala nool Mumbai, Delhi, iyo Dehradun ayaa noqday saaxibo dhambaalo iswaydarsada kuwa ku nool Lahore, Karachi iyo Islamabad,waxaa sidaasi sheegay ninka asaasay Rakesh Gupta.

“Haddii aan qof waliba qofka kale dhaqankiisa uu xushmeeyo in nabad lagu wada noolaado ma ahaan lahayn wax lagu murmo,” ayuu yiri Mr Gupta.

“Waxaan doonaynaa in maskaxda caruurta aan ka sarno naceybka aana barno in ay xushmeeyaan wadamada kale .” ayuu intaa ku daray.

Hindiya iyo Pakistan ayaa waxaa ka dhex taagnaa muran tan iyo 1947 markaasi oo ay Hindiya xorriyadda qaadatay islamarkana la abuuray dalka Pakistan.

Murankan ayaa waxaa ka dhashay dagaalo qaraar oo dhexmaray labada dal islamarkana ay ku dhinteen ugu yaraan 1 milyan oo qof islamarkana ay ku barakaceen malaayiin kale.

Tan iyo xilligaasi waxa labada dal dhexmaray saddex dagaal.

Lab ka mid ah dagaaladani ayaa ku salaysnaa dhulka Kashmir, oo ah goob wali uu muran ka taagan yahay.

Mr Gupta ayaa sheegay in dhiirigalinta saaxibtinimada u dhaxeeysa dadka labada dal ay tahay mid sare loogu qaadi karo xiriirka labada dal ee dariska ah.

Bishii October 2016, Hrishikesh ayaa qoray warqadiisii ugu horeysay oo qayb ka ahayd barnaamijka is waydaarsiga dhambaalada ee saaxibada.

Waxa uu warqadaasi ku qoray su’aalo badan sababtoo ah wax badan kama uusan aqoon Pakistan.

Waxa uu doonayay in uu wax ka ogaado in ciyaarta Xeegada laga ciyaaro Pakistan,Waxa uu sidoo kale waydiiyay in Pakistan laga helo cuntada loo yaqaano vada pav, oo ah cuuno aad looga cuno dalka Hindiya.

Muddo toddobaadyo ah gudahood Hrishikesh aya helay warqad jawaab ah oo uu u soo diray Samiullah oo isaga jiro 14 sano.

Iyada oo uu xiriirkoodu sii socday ayaa waxaa sidoo kale sii ballaartay saaxibtinimadooda, waxa ayna isu qoreen warqdo ka hadlaya shaqsiyadooda ,qoyskooda iyo asxaabtooda.

Waxa ay sidoo kale isla wadaageen cunnada ay cunaan,ciyaaraha ay dheelaan iyo waxyaabaha ay jecelyihiin.

Warqadahan ayuu sheegay, Hrishikesh,in ay gacan ka gaysteen in ay bartaan dalalka ay kala joogaan.

Hrishikesh ayaa u diray Samiullah sawiro goobo can ah iyo waliba ciyaraha ay caanka ku tahay magaalada Mumbai.

Waxa uu sheegay in “saxubkiisa qaaliga ah” sidoo kale u sheegay dhismooyiinka muhimka ah ee Lahore iyo misaajidka Badshahi.

Waxa uu sidoo kale baray Hrishikesh gabadha gabayaagaa ah ee ku gabayda afka Urduuga Faiz Ahmed Faiz.

“Ma ahayn wax sahlan in ay caruur qoraan warqado , balse waxaa caawiyay maclimiinta,” waxaa sidaasi sheegatay Manisha Ghevde, oo ah maclimad wax ka dhigta iskuulka Anuyog School.

“Aad ayay ugu faraxsanaayeen in ay warqado isu qoraan ayna su’aalahooda waydiiyaan, waxa ay si farxad leh u sugayaan jawaabaha warqadahooda.” Ayay intaa ku dartay.

Warqadahani ayaa waxa ay dhamman ku qornaayeen luuqada ingriiska, waxaana ka buuxay macluumaad, tilmaamo iyo su’aallo.

“Waxa aan jecelahay in aan cuno biryani [oo ah bariis ay caanka ku yihiin dadka Hindiya iyo Pakistan], waxa aan jecelahay in aan cuno jalaatada,” waxa sidaasi saaxibkii u qoray wiil Pakistani ah oo lagu magacaabo Hamza.

“Waxa aan jecelahay cunna karinta iyo in aan hooyo caawiyo,” waxaa sidaasi qortay gabadh lagu magacaabo, Aneeqa.

Gabadh kale ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixisay midibka timaheeda, oo ay sheegtay in ay u egyihiin midibka indhaheeda.

Gabadh reer Hindiya ah ayaa soo dirtay sawirkeeda iyo waddooyiinka caanka ah ee goobta ay ku nooshahay.

Warqadahani ayaa waxa ay caruurtani u bidhamiyeen wadanka ay dariska yihiin macluumaadkaasi oo mid ka badan inta ay ku aqristaan buugaagta taariikhda.

Sanaddii 2017, iskuulkii uu dhiganayay Hrishikesh ayaa waxa ay go’aansadeen in qaar ka mid ah ardeyda ay u qaadaan dalka Pakistan.

Balse maclimiinta iskuulka Anuyog iyo waalidiin badan ayaa waxa ay ka cagajiidayeen in caruurtooda ay u diraan dalka Pakistan iyaga oo badqabka caruurtooda cabsi ka muujiyay.

Qaar kale oo ka mid ah waalidiinta waxay sheegeen in aysan doonayn in caruurtooda ay aadaan wadan Muslim ah.

“Waxaan la hadalnay waalidiinta lab ka mid ahna way naga aqbaleen in caruurtooda ay u safraan Lahore, anaga oo maclimiinta ahna aan raacno,” waxaa sidaasi sheegay Satish Chindarkar.

Dal-kugalka Hrishikesh ayaa la ansixiyay islamarkana sidoo kale la diyaariyay tigidkii uu ku aadi laha Lahore.

Saaxibkii Samiullah ayaa waydiiyay waxa uu uga keenayo Mumbai.

Hrishikesh aabihii ayaa soo jeediyay in loo tolo dhar suut ah.

Balse Samiullah ma uusan helin hadyadaasi.

“Waxa noola sheegay in aan baajino safarka sababtoo ah xiisad ayaa ka tagnayd xudduuda ,” waxa sidaasi sheegay Mr Chindarkar.

Balse waxa uu rajaynayaa in maalin maalmaha ka mid ah uu ardeydiisa u qaadi doono dalka Pakistan.

“Toddobaddii sano ee ugu dambeysay waxa aan caruurta ka soo qaadaynay Hindiya anaga oo geynayna Pakistan islamarkana caruurta Pakistan aan ka soo qaadno geynayna Hindiya marka ay dowladaha labada dhinac na caawiyaan,” waxaa sidaasi sheegay Mr Gupta.

Balse 2017, waxa uu sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ee Pakistan aan caruurta Pakistan aan dib ugu celino dalkooda.

Mr Gupta aya ugu dambayntii iska dhaafay barnaamijka dhambaalada ay isu diraan ardeyda Pakistan iyo Hindiya islamarkana waxa uu sheegay in ay adagtahay in dib loo billaabo.

Balse qaar ka mid ah ardeyda ayaa wali sii wada xiriirka ka dhaxeeya.

Shailaja Kumar ayaa jirtay 13 sano 2012 markii ay bilaawday in ay warqad u qorto Asma oo ku sugan dalka Pakistan taasi oo qayb ka ahayd barnaamijkii dhambalada ay asxaabta isu diraan.

Waxa ay booqatay magaalooyiinka Lahore iyo Islamabad 2013.

Hrishikesh wax xiriir lama samayn Samiullah, balse waxa uu rajaynaya in maalin uun uu booqdo dalka Pakistan.

“Ma aqaan in Samiullah uu i aqoonsan doono , balse wali waan jecelahay in aan la kulmo, waa saaxibkey.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here