Caqabadaha Haysta Qoraayaasha Afka Soomaaliga–Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
101
Lawadaag Asxaabta...

Qoraalku waa waxyaabaha ugu mihiimsan ee aadamuhu macluumaadka isugu gudbiyo intii la aqoon ogyahay ee dunidu soo jirtay. Keydka awoodda erayga qorani wuu ka cimri dheer yahay keydinta cododka iyo muuqaallada. Bal ka fikir 40 sannadood ka dib cod maanta la duubay ama muuqaal siduu u eekaan doono, hasayeeshee keydka erayga qorani waxba iskama beddelaan.  Rene Descartes, Filoosoofarkii weynee ee reer Faransiis ayaa yidhi” Akhriska buugta wanaagsan oo dhami waxa ay la mid tahay la sheekaysiga dadkii ugu wanaagsanaa qarniyadii tegay”. Qoraagga af-soomaaliga wax ku qoraa wuxuu la nool yahay bulsho aan weli dhadhamin qiimaha qoraalka iyo kaalinta qoraannimo.

Waxa ay dad badani u arkaan danayste xirfad shaqo ka dhigtay qoraalka, hasayeeshee waxa ay dhaadan yihiin xogta, xigmada iyo macluumaadka ay ka dheefsadaan qoraagga. Inta badan bulshada Soomaalidu waxa ay aragtidooda ku qiimeeyaan reernnimada dhaqanka u ahayd oo weli ku xoog badan intii la soo galay magaalooyinka. Haddii deegaan uu qoraagu qoraal ka diyaariyo, waxa ay markaaba la weydiinayaa goorta uu qofka weydiiyey deegaankiisa qoraal ka samaynayo. Qoraagga Soomaaligu wuxuu marar badan la kulmaa gefef aan garowshiyo lahayn oo aan u qalmin wax-qabadkiisa.

Qoraayaal badan waxa riixaya awoodda wax-qorista ee Ilaahay ‘sxw’ ku abuuray, oo leh qoraalka sii wad illaa inta aad ka god gelaysid. Gabayaagii weynee ee reer Nayjeeriya Wole Soyinka ayaa laga hayey “ Buugaagta iyo wax kasta oo la qoro waxa ay argagax geliyaan kuwa doonaya inay runta daboolaan”. Waa qoraa ay u suurtagashay inuu ururiyo, keydiyo, weeleeyo isla markaan soo saaro tiro buugaag ah, oo dhaxal mustaqbal u noqon doona ummadda Soomaalida geeska afirka ku dhaqan ama adduunka kale. 25 sanno ee ugu dambeeyey qoraagga af-soomaaligu wuxuu qarka u saarnaa inuu ka soo dhalaalo kaalintiisii qoraannimo, nooc kasta oo caqabad ahi ha haysatee.

Caqabadaha Haysta Qoraayaasha Soomaalida

Caqabaduhu way badan yihiin, oo in sida dhacamaha la kala qaad qaado ayey u baahan yihiin, hasayeeshee waxa aynu dul-istaagi doonaa kuwa waaweyn:

Qoraayaasha afka Soomaaliga wax ku qoraa, waxa ugu horeeya ee dhibaato la soo daristaa waa ciddii ka bixin lahayd karashka uu buuga ku daabici lahaa. Madbacadaha dalka gudihiisu maaha kuwa fursad siiya buugta curdinka ah, waxa keliya ee ay ka fikiraan waa dantooda ganacsi, inkasta oo si af-gobaadsi ah xafladaha badhigyadda buugaagta ka yidhaahaan buugta cusub gacan weyn ayaanu ka geysanaa, waa se hadal madal laga yidhi oo xayeysiis weheliyo. Tusaale ahaan qoraagu wuxuu awoodi karaa inuu shilimadiisa ku daabaco 50 buug ama 100 buug, ma jirto madbacad daabacaysaa tiradaasi, waxa ugu yar 300 ama 500 oo xabbo.

Markuu buugu soo  baxo, xaalad kasta ha soo mare, waxaana hadda dhacaysa in aan buugii la iibsan markii la soo badhigay oo shilimadii ka galay anaay ka soo bixin. Waxa ugu daran ee qoraagga ku dhacdaa in dadka qaarkii af buuxa ku yidhaahaan buug na sii bilaash ah.

Qoraayaasha qurbo-joogta ahi haddii ay u suurtagasho inay helaan fursad madbacadi ugu daabacdo buugaagta, iyana waxa ay la kulmaan in caqabad ah in buugtoodu aanay soo dhaafin qurbaha oo dadka intiisii badnayd aanay soo gaadhin.

Bulshada Soomaalida oo weli dabada ku haysa dhaqankii hadlaagga ahaa oo aanay qiimo badan la lahayn qoraalku, in kasta oo kor-u-kac weyni ku yimid dhaqanka wax-akhriska bulshada, haddana weli waa gaabis

Waxa meesha gebi ahaanba ka maqan kaalintii dawladu ku lahayd dhiiragelinta qoraagga la daalaadhacaya buugga uu qoray. Ma jirto maalgelin iyo calaamado kale oo muujinaaya kaalin dawladnnimo. Weli may dhicin dawlada Soomaalilaan oo tidhi waxa aanu daabacaynaa buugga noocaasi ah ee ummadda waxtarka u leh.

Dhaqanka bulshada Soomaalida waxa ku yar ama aan jirinba dhiiragelinta iyo wax-isu-ogolaanta. Qoraagii wuxuu kala kulmayaa doodo qabyaaladeysan iyo af-xumo in marar badan lagula kaco. Fallanqeyntii iyo naqdintii cilmiga ku dhisnayd oo aanay inta badan bulshadu u bislaan maadaamoo qoraalku weli socod barad yahay, marka la barbardhigo afafka kale.

In qoraagu aanau helin dad xirfadda qoraalka uga waayo-aragsan ama uga aqoon badan oo buugii ka haadiya (Editing).

Marka ay dhacdo in qoraagga laga iibsado buugaag jimlad ah, waxa buugtaasi lagu xareeyaa bakhaar ama guri oo halkaasina uu ku dilo dhas iyo kulaylku. Taasina waxa ay caqabad ku tahay in buugii uu suuqyada ka go’o. waxa arrintan inta badan sameeya xisbiyadda siyaasadda Soomaalilaan.

Sumad buugga (ISBN) oo aan dalka laga helin: arrintaasina waxa ay keentay in dalka gudihiisa ay ku bataan buugaag aan wadan sumadda ISBN.

Inta badan buugaagta qiimaha jaban lagu daabaco oo aan tayo lahayn, oo keenta inuu buugu markuu muddo jiro kala daato.

 

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here