Calooshooda Uun Baa Shaqaysa —Qalinka: Cali Cabdi Coomay

0
150
Lawadaag Asxaabta...

Da’doodu ma weyna oo afartanka waxbaa u dheer, mana yara oo soddonka way dhaafeeen, balse muuqooda waxa aad moodaa toddobaatan jiro. Waxa aan ku ogaa isaga iyo saaxiibkii oo shay kasta oo la weydiiyo caqligooda u adeegsanaya, waxa aanay halhays u lahaan jireen’ Dood iyo caqli nagu qanci’ waxa ay sida dayax shan iyo tobnaad u kala soocayeen xaaraanta iyo xalaasha, balse maanta maaha maalintaasi. Muddo yar ka dib waxa ay isu-sharaxeen doorashadii golaayaasha Soomaalilaan, waanay ku guulaysteen,  waxa u beryey waa cusub.  Way isu-muuqaal eekaayeen, oo dadku waxa ay odhan jireen waa weyd caafimaad qabta, oo harag iyo hilib toona may lahayn, maanta se waxaad calooshooda moodaa gabadh ay sagaalkii bilood u dhammaadeen.

Marka ay kacayaan neefta afkooda ka soo baxays ee ‘Fuufta’ haysa waxa aad moodaa sac saddex dhal ah. Markii ay doorashadii ku guulaysteen waxa ay gebi ahaanba beddeleen hab-nololoodkoodii, carruurtoodii waxa ay qoreen dugsiyada gaarka loo leeyahay ee bishoodu qaaliga tahay, dumarkoodii salladoodu ahayd labaatanka kun ee Sl. Shilin, waxa ay noqtay saddex boqol oo doolar, xaasaskoodii suuqa u lugayn jiray waxa lagu qaadaa gaadhi u gaar ah, oo loo bixiyey ’Gaadhigii Salladda’. Labadoodu waxa ay beddeleen dhammaan goobihii ay fadhiisan jireen, waxa kale oo ay beddeleen tilifoonnadii, weliba ma qabtaan Tilifoonnada leh lamabarada dambe, haddii farriin loo diro waxa ay markba kugu soo celinayaan shir ayaan ku jiraa’I’m in meeting’ marka runta laga hadlana shirna kuma jiraan ee waxa ay diidan yihiin inay la kulmaan dadkii ay hore saaxiibada isugu ahaayeen. Dadkan dambe ee ay ku saaxiibeen cunista xoolaha ummadda way faaniyaan oo waxa ay ku sheegeen dad ilbax ah, waa tii se hore loo yidhi’ Ammaan munaafaq waa inta afku qoyan yahay’

Dadkaasi waxa ay ka aamineen in la kulankoodu yahay hoosay’ low Profile’, oo ay ka dallaceen haatan. Hawo been ah iyo khiyaali ayey ku noloshoodii u beddeleen, dhawaan ayaan la kulmay mid ka mid ah, salaan iyo wada fadhiisi ka dib, waxa markiiba ku soo dhacay Tilifoon, waxa aanu yidhi” haa wasiir waan fiicnahay, berri 10:00 ha inoo ahaato”. Haddana mid kale ayuu wasiir ku yidhi, ilaa shan qof oo la soo hadlay ayuu wasiiro iigu sheegay. Wuxuu I tusay lambaro fara badan oo la soo hadlay oo ugu diwaangashan (save), wasiir hebel, wasiir hebel, wasiir hebel, wasiir, wasiir………….

Waxa aan isweydiiyey waa maxay xidhiidhka ka dhaxayn kara waxan oo wasiiro ah iyo xildhibaanka? Tolow ma shaqo dilaal ah ayaa ka dhexaysa? Laga yaabe, lagama yaabo. Muddo yar ka bacdi, wuxuu ii sheegay kii kale ee ay saaxiibada ahaayeen oo ay isku-yara dhaceen in ay been tahay wasiiradan Tilifoonkiisa ugu save-garaysan, waana niman ay saaxiibo yihiin oo uu dadka kale wasiiro ugu dhigo. Waxa ay dhaqan u leeyihiin inuu midba kale xantu markuu maqan yahay. Waxa la yidhi Madaxweynihii hore  Cabdiraxmaan Tuur AHN ayaa lagu yidhi siyaasi hebel maalin kasta hudheel hebel ayuu kaa caayaa, markaasuu ugu jawaabay” markii horaba col baanu ahaynoo ammaan kama sugayn”

Waa nolol been ah ku noolow iga dheh. Nolosha qoysaskooda waxa ay ahayd ‘ caydhi ma bukooto’, hase yeeshe wakhtigan carruurtoodii iyo xaasaskoodii dhakhtar ayuun bay hadh iyo habeen la taagan yihiin, waayo irsaqoodu waa xaaraan cunista xoolaha ummadda. 70$ dhaqaalaha soo galaa wuxuu kaga baxaa caafimaad.

Mid ka mid ahi wuxuu xaaskiisa afartii biloodba geeyaa dalka Hindiya, oo lagaga soo furtaa lacagtii xaaraanta ahayd ee uu xoolaha masaakiinta ka dhacay. Maalin dhawayd ayuu mid ka mid ahi dhakhtar geeyey ilma yar oo uu dhalay, ka dib isaga oo sugaya safkii dhakhtarka ayuu si niyada ah u yidhi “ Aabo berigii hore maad  xannuunsan jirin, hase yeeshee beryahan waa lagu helay” dabadeed oday isaga garanayey, oo isku darsaday waayo-aragnimo adduun iyo xigmad eebe, ayaa ugu caqli celiyey” lama heline naar ayaad ku gurtay, markaasaad caqli aad ku garatidna aanad haynin” odaygii umuu jawaabin, ee hawshii ayuu iska watay.  Waxa ay aaminsan yihiin inay kuraastan u soo halgameen, oo ay xaq u leeyihiin inay boosaska qabtaan oo dadka kale aanay xaq u lahayn, waxa jiray kaftan caan noqday oo u dhexeeyey SNM iyo FAQASHTA oo ahaa” Kaadidayda ayaan u soo cabbay ayey SNM tidhi, Faqashna waxa ay tidhi, kuwii ku cabsiiyey ayaan ahaa”

Marka ay ku jiraan shaqada mooshin kasta waa kuwa ugu hor-baayactama, waxa aanay caaqiido u leeyihiin ‘ maxaa inoogu jira’. Labadooda indhood waxa ay ku yaalaan calooshooda, shay kasta waxa ay ku qiimeeyaan wixii calooshooda geli lahaa. Midkood berigii hore  wuxuu ahaa mu-shaki, oo markuu caadi u shaqaysan jiray wuxuu aaminsanaa inuu dhaqaalihiisa u badan ku bixiyo ammaankiisa shaki awgii, maanta se wuxuu dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaan caafimaadka qoyskiisa. Haddii aad la sheekaysato celcelis ahaan sheekadoodu waa falaqanta cuntada ay cunaan iyo sidii ay u heli lahaayeen lacag soo gasha xaaraan ama xalaal tay doonto ah noqotee. Tolow halkuu haaabarkani kaga dhacay, waxa aan maqli jiray awoowgay aabo ayaa dhallinyarta kula talin jiray iska ilaaliya habaarka odhanaya’ laba talo oo la is-agdhigay in Alle ta xun idin waafajiyo’, malaha tii xumayd ayuu Ilaahay waafajiyey. Ilaahow talada wanaagsan na waafaji, iyagana soo hadee.

Guro kiro ah ayey ku jireen, laakiin muddo kooban gudahood waxa ay ku dhisteen laba guri oo ka kooban min lix makhsin iyo deyr weyn, oo tolow xagay ka keeneen lacagta guryahan u goysay? Meel kale ha ka eegin, waa lacago ay u qaateen laaluush, ileyn mushaharkoodu guryo deg-deg ah umuu gooyeeni. Xaaraantii ay calooshooda ku gurayeen ayaa kaga dhacday inay caafimaad daro ku keento qoysaskooda. Markay saddex bilood joogaanba waxa ay deg-deg ugu baxaan dalka dibadiisa xaalad caafimaad, kol Hindiya tag, hadana Maleesiya tag, hadana Taylaan tag. Weli may aqoonsan meesha laga qaniinay, inay helaana waa xal keliya ee ay caafimaad ku heli karaan, mala Habaarkii Maxamed Siyaad ee ahaa’ Iimaanka la idinka qaad, sinxi bariis ah ma dhamaynayaan baag jaad ahna way dhamaynayaan’ ayaa ku dhacay Soomaalida, laga yaabee. Ilaahay ha soo hadeeyo, xaqana ha waafajiyo.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan.

 Calicoomay@hotmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here