Cali Mareexaan Oo Mar Kale U Hanjabay Gudida Dabagalka Hantida Qaranka Wakiiladda

0
78
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 06, 2018- (Foore)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Dhulka Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) ee Xukuumaddii hore ee Siilaanyo ee lagu eedeeyay Musuq Maasuqa ayaa mar kale u hanjabay Gudida Dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda isagoo shalay Xarunta Golaha Wakiiladda Somaliland Tagay islamarkaana ku goodiyay in Cidda Musuq Maasuq ku eedaynaysaa ay timaado Golaha,Waxa uu sidoo kale nidar ku galay inaanu ka hadhayn waxa uu ugu yeedhay Xasar loola badheedhay. Cali Mareexaan oo isla Shalay Warbaahinta kula hadlay Xarunta Golaha Wakiiladda Dhexdeeda ayaa waxa uu yidhi isagoo markaas cadhaysnaa hadalkuna iskaga dhexdaadanayay“Waxaan Anigu mar labaad halkan ka sheegayaa,Golahanna u imid in wixii meeshan laga sheegay aanay wax jira ahayn,qofku marka uu Masuul yahay,ama Muwaadin yahay ama Shirkad yahay Waxa uu xaq u leeyahay intaanad wax ka sheegin inaad marka hore waraysato,dadkii oo dhan ee lagu soo qoray ee Todobaadka Ruux ka badnaa Qof bini-aadam ah oo wax la waydiiyay waa la waayay”. Waxa kale oo uu yidhi“Xisaab xidhka laga hadlayay 2016-kii ayay ahayd,waxyaabaha uu anaga nagu eedaynayay 2017-kii ayay ahayd,markaa isagoo aan Naasir Cali Shire wax na waydiin oo Xisaab xidhkii 2016-kii oo Shalay uun la ansixiyay ayuu haddana nagu eedaynayay meel iskaga baydh iyo dee Xasarad ayay ahayd,markaa sidaasi ayay horta ahayd,musuq maasuqna majiro anaga ayaa ku leh eh,Cidda Musuq Maasuq ayaa jira lehi ha timaado Golaha ama Garsoorka ha timaado ama Halkan ha timaado”. Ugu dambayn waxa uu yidhi “Marka dhul oo kale laga hadlayo Madaxweynaha,Wasiirka iyo Maayarkuba awood sharci ayay u leeyihiin inay bixiyaan,inay iibiyaan iyo inay kireeyaan,saddexdaasi ayay awood u leeyihiin, Musuq Maasuq maaha taasi waa shaqadii Masuuliyadda ahayd ee uu Qaranku noo igmaday,Iskama odhan kartid,magaalada intaasi leegi waxay ku dhisan tahay Warqad Madaxweyne,Warqad maayar ama Warqad Wasiir, Dalka waxa ka dhisan oo dhami ma musuq maasuqbaa,Guryaha umadda leedahay oo dhami,iskama odhan kartid intaad meel iska soo istaagto waa Musuq Maasuq,lagagana hadhi maayo inta hadhay ee Garsoorkana waanu tagaynaa Haddii Alle ka dhigo”.ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here