Cadawaaddii Puntland Oo Xadhkaha Goosatay Iyo Shacabkooda Gudo Iyo Dibadba Oo Ay Ugu Baaqeen In La Dilo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Garoowe, (Foore)- Xildhibaan Cali Jaamac Dhagacadde oo ka tirsan Golaha Wakiilada Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa si layaab leh uga hadlay xaaladda dagaal ee u dhaxaysa Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe looga arrimiyo isaga oo sheegay in uu shacabka reer Puntland Gudo iyo Dibadba ku dadaalaan sidii ay u dili lahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Somaliland Md. Faysal Cali Waraabe.

Xildhibaankan naar afuufka ah oo magaciisa lagu sheegay Caali Jaamac Dhagacadde oo dorraad Saxaafadda kula hadlayay Magaalada Garoowe ayaa ku muusannaabay hadallo naxli badani ka muuqdo oo taag-waa oo uu ku duray Faysal Cali Waraabe oo uu ku eedeeyey in uu isagu masuul ka yahay dhibaatada ka taagan Deegaanka Tukaraq ee uu Maamulkiisa Garoowe Gardarrada ka soo wado isaga oo iska indho tiray weeararrada gardarrada ah ee Maleeshiyaadka Garoowe ku soo qaadan mar kasta deegaamada ay kaga sugan yihiin Tukaraq iyo agagaarkeeda.

Xildhibaan Cali Jaamac Faarax (Dhagacadde) ayaa sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay isaga oo hadallo calaacal weyni ka muuqdo ku tiraabaya Maamulka Federaalka sheegta eek u sugan Villa Soomaaliya oo uu ku sheegay kuwo aan dan ka lahayn Soomaali weyn isaga oo dhinaca kalena ku dhaliilay in aanay dawladdaasi Xamar fadhidaa wax taajulayn ah ka gaysan dagaalka ay Puntland kula jirto Somaliland oo uu sheegay in aanay waxba uga baahnayn saanad iyo ciidan toona.

Xildhibaankan oo arrintan ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Ninkaa Faysal Cali Waraabe isaga ayaa wax alla wixii ku baxay eek u dhintay Laascaanood ka dambeeyey. Isaga ayaa ka dambeeyey oo godobteedana qaatay. Reer Soolow taasi ogaada. Umadda reer Puntland waxaan amrayaa oo aan ugu baaqayaa in Faysal Cali Waraabe meel alla meesha ay ku arkaan dal iyo dibadba in ay ku dilaan oo ku khaarajiyaan. Nin Alle ninka ninkiisii maqnaayow halkaasuu Faysal Yaallaa”. Ayuu yidhi waxaanu hadalkiisa ku daray:

“Dawladda Federaalka Soomaaliya waxaan leeyahay waar haddaad waxba an tari waydeen oo hub iyo ciidan toona keeni waydeen hagardaamadiina uun naga daaya. Puntland way isku filan tahay annaga ayaa is difaacayna oo Gobolada Sool iyo Sanaag ka saarayna Somaliland ee hagardaamada uun naga daaya. Puntland waxa ay u taagan tahay Soomaali weyn. Annaga ayaa Soomaali weyn difaacayna oo waligeedba caan ku ah”. Ayuu yidhi Cali Jaamac Dhagacadde oo hadalkiisa laga baahiyey warbaahinta Puntland.

Hadalka Xildhibaankan ayaa ku soo beegmaya wakhti ay durbaano colaadeed ka sanqadhayaan oo laga tumayo Garoowe oo ah caasimadda Maamul Goboleedka Puntland halkaasi oo maamulka Puntland kaga dhawaaqay colaad ka dhan ah Somaliland iyo in aanay dagaalka joojinayn sida ay hadalka u dhigeen halka xukuumadda Somaliland iyo shacabkeedu beesha caalamka iyo dalalka jaarka ahba gaadhsiiyeen in aanay nabad waxba ku doorsanayn Somaliland na halkaa ku soo gaadhay nabad balse aanay marnaba aqbalayn in ay deegaan Somaliland ka mid ah oo xuduuddiisa ku dhex yaalla cid kale soo gasho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here