Cabudhinta Saxaafadda Waxa Ka Dhalan Doonna Kacdoon Shacbi, Soconna Mayso Tacadiggaasi Iyada Oo Albaabada Loo Laabay WARGEYSKII FOORE”

0
164

Hargeysa (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa shirkii jaraa’id ee ugu kululaa uguna hadallo caddaa in muddo ah waxa uu maanta eedo culus ku hurgufay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu ku tilmaamay mid fashilan oo dadkii iyo umaddii kala qaybisay taasina aanay ahayn ujeedadii qarankan loo yagleeyey.

Guddoomiye Cirro oo toddobaadkan dalka ku soo laabtay ayaa waxa uu maanta saxaafadda isugu yeedhay shir jaraa’id oo uu si ballaadhan ugu faahfaahiyay dhibaatooyinka is biirsaday ee dalka yaalla iyo sida Muuse Biixi ugu fashilmay hogaamintii qaranka isaga oo dhinaca kalena si adag uga hadlay cabudhinta xukuumaddu ku hayso saxaafadda iyo hagardaamooyinka mar walba lagula kacayo suxufiyiinta isaga oo si gaar ah u soo qaatay Go’aankii xaq-darrada ahaa ee xukuumadda Muuse Albaabada isugu dhufatay wargeyska FOORE oo imika xidhan muddo Saddex Bilood ah.

Guddoomiye cirro oo arrimo badan ka hadlay waxa hadalladiisii ka mid ahaa: “Cabudhinta saxaafadda waxa ka dhalan doonna kacdoon shacbi, soconna mayso in kolba mid la xidho loona hanjabo waxaana hadda Albaabada loo laabay Joornaalkii Foore”.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “”Haddii uu go’aansaday Madaxweyne Muuse in uu laba xisbi Doorasho u qabto annaguna ma doorasha la’aan doono, dhammaan taageerayaasha xisbiga Waddani waxaan ugu baaqayaa in aanay qaadan kaadh diiwaangalineed oo Kulmiye iyo Ucid wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here