Cabista Biyaha Xareedda Ah Iyo Sida Loo Nadiifiyo- Waxa Kuu Diyaariyey Kambaniga PURE LIVING CO.

0
143
Lawadaag Asxaabta...

Biyaha ugu badan ee dadkeenu helaan waa biyaha Balliyada, Ceelasha iyo Baraagaha kuwaasi oo dadka deegaamada Somaliland ka cabbaan Biyaha. Biyaha Roobku marka ay Waraha, Balliyadda, Baraagaha Biyaha galiyaan dadkeenu maadaama aanay haysan wax ay isaga nadiifiyaan waxa ay hore uga cabbaan biyahaasi oo si kasta oo ay nadiif ama midabkoodu u wanaagsan yahay haddana aan mar walba la odhan Karin waxa ay ka bed-qabaan Jeermisyo ama bakteeriyo kala duwan. Balliyada ku yaalla goobaha dadku ku badan yahay ama ay degan yihiin dadka gudaha ku bara-kacay waxa ay ka halis badan yihiin kuwa deegaaamada kale. Kuwa sidoo kale ka cabba Ceelasha beeraha dhexdoodu waxa ay iyana halis ugu jiraan caafimaad darro ka dhalan karta Cabitaanka biyahaasi maadaama ay ciilashada ka dhalan karaan jeermisyo kala duwani ama ay biyaha ceelasha si uun u soo gaadhi karaan walxo aan nadiif ahayni.

Biyaha Balliyada ee wakhti roobaadka galaa waxa ay u badan yihiin ama ay yihiin biyo xareed ah oo macaan. Biyahaasi midabkoodu ma aha saafi ama caddaan. Waa biyo wiyeerah oo midabkoodu cawlaan yahay. Biyahaasi waa kuwo u baahan in la nadiifiyo oo weel ku habboon lagu shubto si ay u noqdaan biyo cabitaanka ku wanaagsan. Qalabka Biyaha nadiifiya ee ay kuu keento shirkadda PURE LIVING CO. ee loo yaqaano LifeStaraw waa kuwo la mahadiyey oo dadka deegaamada magaalooyinka waaweyn ka baxsan ee isticmaalay ay aad ugu bogeen maadaama qalabkani Biyaha dhooqada ah si degdeg ah uga dhigo biyo nadiif ah oo xareed saafi ah.  Qalabka LifeStraw waa qalab ku habboon Miyi iyo Magaalaba oo aad Biyaha ku nadiifisan karto waana qalab yimid wakhtigii loo baahnaa.

Cabista Biyaha Xareedda Ah:

Biyaha roobka ee Xareedda ah, waa biyaha ugu fiican dunida, sababta oo ah; marka uu roobku da’ayo, wuxuu soo da’aa iyada oo aanay ku jirin wax curiye ah, sida maadada Kalooriinta iyo maadada Flouride.

Laakiin, haddii ay biyaha roobku ku dul da’aan oogada dhulka amma guryaha dushooda, waxaa biyahaas ku dhacaya is badal. Is badalladaas waxaa ka mid ah;  marka uu roobku ku da’o guryaha dushooda, ee ay dadkeenu ka cabbaan Majaroorka Guryaha waxaa soo raaca qashin iyo jeermis badan oo xareeddii ay Biyahaasi ahaayeen wax ka badalla.

Marka uu roobku ku da’o oogada dhulka waxaa la fal gala maadooyinka dhulka ka buuxa. Waxaanay muhiim u yihiin in si degdeg ah looga taxadaro. Biyaha roobka ee laga helo meelaha Balliyada ah iyo meelaha biyo fadhiisinnada ah, waxay u badan tahay in uu is badal ku dhacay. Waxa lagama maarmaan ah in dadku ku dadaalaan in biyahaasi ay iska nadiifiyaan haddii aanay haysan qalab lagu nadiifiyo waxa ay samayn karaan in ay karkariyaan biyaha.

Haddii aad rabtid inaad ogaatid tayada biyaha xareedda ah, u dhigo weel nadiif ah roobka oo da’aya meel banaan ama sacabbadaada u dhigo oo cab.

Faa’iidooyinka Layaabka Leh Ee Biyaja Xareedda Ah Waxa Ka Mid Ah:

-Biyaha xareeddu waa biyo sun saare ah oo jidhka ka saara wixii sun ah isla markaana uu jidhku dareemo fir fircooni degdeg ah.

– Maadaama ay biyaha xareedda ahi sun saare yihiin, waxa ay si aad ah ugu haboon yihiin dadka qaba cudurka kansarka in ay si joogto ah u cabbaan.

– Biyaha roobka, waxa ay sidoo kale u fiican yihiin xanuunada caloosha. Waxaana la cabaa 2-3 koob oo biyo xareed ah, subax kasta caloosha oo madhan, tani, waxa ay hoos u dhigeysaa aysiidha caloosha iyo wixii la mid ah. Biyaha xareedda ah kuma jiraan maadada kalooriinta, maadadaan oo si joogto ah loogu daro biyaha tuubooyinka ee dabiiciga ah, kalooriinta oo xaddi badani caloosha tagtaa waa mid ka mid ah waxyaabaha keena calool xanuunnada.

– Biyaha roobka oo soo saara quruxda timaha.

Sida aan soo sheegay, biyaha roobka kuma jiraan wax kiimiko ah, sidaas darteed, waa biyo fudud oo khafiif ah. Khafiifnimadaas darteed, markii timaha lagu meydho, waxay dhakhso u gaadhaan timaha guntooda, waxa ayna si fudud ula fal galaan shaambooga iyo saabuunta oo isla markaaba xumbeeya, wixii wasakh ahaa ee timaha ku jireyna soo saara. Ku Maydhashada timaha biyo xareed ah, waxay timaha ka dhigtaa kuwo degdeg u baxa, iyada oo la isticmaalayo shaamboo yar, ka dibna saliid la mariyo, waxaana markiiba la dareemaa in timihii la maareyn karo oo ay aad u nuurayaan.

– Biyaha roobka oo jidhka ku haboon. Haddii uu qofku  ku qubeysto (meydho) biyo xareed ah, wuxuu qofku dareemaa jawi ka duwan biyaha kale, haddii uu si joogto ah ugu maydho intii muddo ah, wuxuu jidhkii qofku noqonayaa mid dabacsan oo dhalinyaro ah, inta badan haaraha iyo finanka jidhka ayaa ka masaxmaya. Waa in aanu qofku ku meydhan roobka oo da’aya muddo ka badan 15 daqiiqo. 15 daqiiqo ka dibna waa in uu qofku cabaa koob wax kulul ah sida koob shaah ah. Caruurta dhax dhaxaadka ahna waa sidaas oo kale. Haddii uu qofku ku dhex jiro roobka oo da’aya muddo badan, waxay u badan tahay in uu qadhqadhyoodo oo uu aad u dhaxamoodo isla markaana uu kaadi badan keeno.

– Biyaha roobka ee keydka ah, waa in si haboon loo keydiyaa, oo la daboolaa,  la shaandheeyaa oo la karkariyaa oo la qaboojiyaa, ka hor inta aan la cabin.

– Haweenka uurka leh iyo ilmaha naaska nuuga waa in ay biyaha keydka ah, iska shaandheeyaan oo la karkariyaa oo la qaboojiyaa, ka hor inta aanay isticmaalin.

– Guud ahaan, nadaafadda jidhka, dharka, hoyga, alaabta iyo suuliga waxaa ku haboon oo si sahlan loogu nadiifin karaa biyaha xareedda ah. Biyahaan oo loo sameysan karo keyd biyood gaar ahaaneed iyo mid guud ahaaneedba.

Ku dadaal ilaalinta nadaafadda biyaha xareedda ah, haddii aad keydineysid si aanaay uga dilaacin cayayaanno kala duwan sida Kaneecada iyo Lulumaha biya ka dhex dhasha.

Ma Ogtahay In Cabista Biyaha Badan Laga Helo 5-taan Faaido

Waa wax ku yar saxaafadeenu in dadkeena ay Afsoomaali ugu sheegaan Faaidooyinka qofku ka helo biyaha uu cabbo balse waxay u sheegaan buunbuuninta qabyaaladda, sida la isugu galmoodo, iyo waxyaabaha xun xun ee aysan dadkeenu waxba kafaaidin.biyo

Qurbo Magazine insha Allah Sanadkaan wuxuu idin soo gudbindoonaa Macluumaadbadan oo ummaddaha caalamku ay kabartaan warbahintooda balse ay teenu kasiijeedo.

Haddaba hadaan gudaha u galno shanta qeybood ee kamidka ah faaiidadda aynu ka helno biyaha aan cabno ayaa waxay kala yihiin.

  1. BIYA CABIDU QOFKA WAA DHALIN YAREYSAA(QURXISAA)

in biyo badan uu qofku cabo waxay u fiicantahay jirkiisa oo way qooyaan haduu jirkaagu hoosta ka qoyanyhay markastana waxay taasi keeneysaa inuusan laa laab yeelan oo uu sidaa u yaraado.

Sidoo kale waxay jirka kadifaacaan waxyaabo badan oo dhib u keeni lahaa sida kor qalalka oo aakhirka kudhamaada in uu jirkaagu jeex jeexmo.

  1. Biya Cabidu Waxay Dishaa Baruurta Jirka Ama Cayilka.

Waligaa hadaad iska diiwaan galisay meelaha cayilka lagu yareeyo waxay kusooqorayaan inaad biyo badan cabto waana sababta ay biyuhu u yareeyaan cayilka.

  1. Biyo Cabistu Waxay Dhisaan Murqahaaga.

Biyo badan oo aad cabtaa waxay dhisayaan Murqahaaga waayo murquhu haddii aysan helin biyo badan waydaalayaan mana dhismayaan .

  1. Biyo Cabidu Masaxkaada Ayeey Kobciyaan

Biyo badan oo aad cabtaa waxay masxakdaada ka saacidayaan in ay hesho dhamaan oxygen-kii ay u baahneyd hadii taasi dhacdana waxaa kordhaya fahankaaga iyo fikirkaaga.

  1. Biyuhu Waxay U Fiicanyihiin Kala Goysyada Jidhka

Biyo badan oo aad cabtaa waxay u fiicanyihiin meelha jidhkaagu ka laablaabmo oo muhiim jidhka u ah. meelahaasi waxay u baahanyihiin qoyaan waayo haddii ay qalalaan waxaa suura gal ah inaad cuuryaanto.

Qalabka Biyaha Lagu Nadiifiyo ee Pure Living Co. Kuu Keento:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here