Cabdikariin Xinif Oo Lagu Eedeeyey Musuqmaasuq, Qaraabo-Kiil Iyo Lacago Hay’adaha Kasoo Gala Xafiiskiisa Oo Uu Si Gaar Ah Jeebka Ugu Shubto

0
255

Hargeysa, November 17, 2018- (Foore)- Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee dhawaan laga qaaday Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Mudane Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar ayaa eedo culus ku hurgufay, dhaliilo maamulna u soo jeediyey Guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdikariin Axmed Xinif.

Mudane Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Cabdikariin Xinif uu lacago Xafiiskaasi uga yimaad oo ay ka helaan Hay’adaha caalamiga ah ay qaarkood jeebkiisa ku dhacaan oo aanay soo marin nidaam sax ah. Halka uu sidoo kale ku eedeeyey arrimo la xidhiidha eex, qaraabo kiil iyo in uu masuuliyiin xilal ka hayay hay’addaasi oo Gobolka Awdal ka soo jeeda uu ku baddalay kuwo deegaankiisa ka soo jeeda.

Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo qoraal ku baahiyey barta uu xidhiidhka Bulshada ee Facebook ku leeyahay waxa uu yidhi: “Guddoomiye Xinif wuxuu saxaafadda lasoo hor fadhiistay waa caadadii lamana yaabayo, waayo Soomaalidu Waxay tidhaa bahal qaydhiin madaayo. Laba Wajiilenimaduna waa dhawankiisa. 9-kii Bilood ee aan xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxaan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaaradda dib u dajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan laanta Socdaalka Somaliland (Immigration)- ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee uu sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaan iska soo xaadiriyo. Shaqada uu leehay qaybaan u dhiibay Ilaahay buu  been u sheegay. Shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo dagaalbuu ka galay. Lacagaha mushaharka midna waa mushaharkii dawladda midna waa Lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa Account gooniya u samaystay lacagta IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqadda waa la siiyay ma diidani balse anigu waxaan diiday sobobta magacayga loo qariyay. Insha allah musuqmaasuqa uu ku kacay Xinif iyo qabyaaladda uu dhaqan ka dhigtay saxaafadda ayaan soo bandhigayaa”

Dhinaca kale mar uu xil ka qaadistiisa ka hadlayay oo uu u warramayay warbaahinta waxa uu yidhi: “Guddoomiyaha (Xinif) waannu isku dhacnay. Waxa uu samaynayay awood iyo takri-fal awoodeed. Waxa uu cunsurinimo kula kacay shaqaalaha beesha aan ka soo jeedo. Laba agaasime waaxeed oo reerkayaga ah ayuu baddalay. Waxa uu ku baddalay laba agaasime waaxeed oo reerkooda ah isaga oo ogaysiinta I siiyey. Markii aan ku idhi waar igalamaad tashane waa sidee. Maxaad ogta ii siisay. Waxa uu igu yidhi meeshan aniga ayaa ka maamule ah. Isaga oo awood sheegasho ii sheeganaya ayuu sidaa yidhi. Kuna takri-falaya nidaamkii dawladnimo. Anigu saxeex maan lahayn. Jeegna maan qori jirin. Madaxweynuhu ninkaasi ayuu awooddii wada siiyay oo uu xataa ka dhigay maamule iyo xisaabiye. Aniga oo Guddoomiye ku xigeen ah ayuu gaadhay xataa in uu shidaalada ii saxeexo oo uu yidhaa Kontin Litir baad wiiggii qaadanaysaa. Aniga iyo xaafaddiisa ayaa isku shidaal ahayn. Isaguna maalintii waxa uu qorayay in ka badan 400 oo Litir. Waxa aan u arkay uun in ay madaxweynaha hoosta ka midaysan yihiin. aniga oo digreeto Madaxweyne ku magacaaban oo la siman ayaanu Madaxweynuhu ii yeedhin oo aanu waxba I waydiin. Waxa ay ahayd in uu Madaxweynuhu khilaafkayaga xalliyo. Way jiraan Agaasimayaal, wasiir xigeeno iyo wasiirri is qabsadaa way jiraan. Madaxweynuhu qaarkoodbuu xalliyaa laakiin aniga isaga oo aan ii yeedhin ina dhagaysan ayuu xilkii iga qaaday. Booskaygii ayuu boos bannaan ka soo qaaday oo uu yidhi waan baddalay”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Khadar Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar, Gku xigeenkii Hore.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here