Caasimad Afrikaan Ah Oo Laga Mamnuucay In Masaakiintu Ku Dhex Dawarsadaan Wadooyinka Iyo Dadka Oo Soo Dhaweeyey!

0
93
Lawadaag Asxaabta...

Dowladda hoose ee Nairobi ayaa shaaca ka qaaday in ay waddooyinka ku yaalla badhtamaha magaalada ka mamnuucday dadka dawarsada ee masaakiinta ah. Go’aankan kasoo baxay maamulka Nairobi ayaa lagu sheegay in ‘waddooyinku ay noqdaan kuwo ka caagan dawarsiga’, waxaana tallaabadaasi soo dhaweeyey reer Nayroobi. Dorraad oo Khamiis ahayd ayaa la bilaabay howlgal lagu qabqabanayo dadka masaakiinta ah si aanay waddooyinka ugu dhex dawarsan. Go’aanka lagaga soo horjeedo dadka ku dawarsada Nairobi ayaa looga gol leeyahay soo celinta bilicda iyo kala dambaynta caasimadda. Waxaa waddooyinka magaalada Nairobi dhooban boqolaal qof oo dawarsada kuwaas oo isugu jira carruur, haween iyo ragba. Waxaana arrintani loo aaneeyay in saboolnimo ay ku habsatay xaafadaha qaar kuwaas oo nolol ka dhigta dawarsiga. Madaxa fullinta ee waaxda waxbarshada, dhallinyarada iyo jinsidiyaha ee Nairobi Janet Ouko waxay sheegtay in barnaamijkan gudaha magaalada lagaga saarayo dadka dawarsada ayna kala kaashanayaan dowladda hoose iyo golaha qaran ee u dooda dadka naafada ah. Janet Ouko waxay tidhi: “Baryahan dambe magaalada waxaa kusoo badanayay dadka dawarsada oo meel kasta qabsaday, ujeedada howlgalkani ma aha mid maanta oo kaliya ah jiraya balse ay la wadi doono si looga qayb qaato bilicda caasimadda”. ayay tidhi haweenaydani.

Sahan ay sameeyeen ayay ku ogaadeen in 80% dadka dawarsada ay yihiin dad naafo ah kuwaas oo dad kale ay waddooyinka kusoo daadinayaan si ay lacagaha ay helaan uga faa’idaysataan.

Janet ayaa sidoo kale sheegtay in dadka loo qabqabtay dawarsiga la gayn doono xarrumaha dhaqan cellinta halka dadka kale ee kasoo jeeda dalalka deriska ah loo musaafurin doono dalalkooda. Waxaa xabsiga loo taxaabi doona ganacsatada adeegsada dadka dawarsada isla markaana lagu soo oogi doono inay ku guda jireen howl sharci darro ah.

Guddoomiyaha qaran ee ururka naafada waddanka Kenya Maxamed Gaabow ayaa waxa uu sheegay inay jiraan lacago badan oo loogu talagalay naafada balse ay qaarkood dawarsi ka doorbidaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here