Caaqil Iyo Dhallinyaro Gadoodsan Oo Habeen Hore Ka Baxay Magaalada Ceerigaabo, Kuna Biiray Jabhadda Kornayl Caare Iyo Xaalada Gobolka Sanaag Oo Kacsan

0
374
Lawadaag Asxaabta...

Ceerigaabo, August 27, 2018- (Foore)- Kooxo dhalinyaro ah oo uu hogaaminayo Caaqil ka mid ah Cuqaasha Gobolka Sanaag gaar ahaan Deegaanka ku xeeran Magaaladda Xarunta u ah Gobolkaasi ee Ceerigaabo oo lagu magacaabo sida la sheegay Caaqil Maxamuud Dirir ayaa ku biiray Jabhad ka dhan ah Somaliland oo baryihii u dambeeyay isku urursanaysay Xuduuda Somaliland iyo Puntland u dhexaysa.

Sida ay dhigayaan warar lagu baahiyay qaar ka mid ah Shabakadaha Wararka Soomaalida, Waxa ay Kooxdaasi uu hogaaminayo Caaqil Maxamuud habeen hore ka baxeen Magaalada Ceerigaabo iyagoo sida wararkaasi lagu sheegay u sii jeeday dhinaca Maamulka Puntland oo ay ku sugan yihiin Jabhad uu horgale u yahay Nin lagu magacaabo Siciid Cawil Caare,oo ay isku hayb yihiin Caaqilkaasi,waxaana wararkaasi loo badinayaa inay kooxdaasi uu Caaqilku hogaaminayay si toos ah ugu hagaageen Jabhadaasi islamarkaana ay ku biireen ama ay ka mid noqdeen.

Lama garanayo sababta dhabta ah ee Caaqilkaasi ku kaliftay inuu jabhadeeyo islamarkaana uu dhalinyaro ka kaxaysto Ceerigaabo oo uu ku biiro Jabhaddaasi mudooyinkii u dambeeyay aadka loo hadal hayay ee ka dhanka ah Somaliland,balse wararkan ayaa lagu faah faahiyay in Kooxdani Caaqilku hogaaminayay ee Habeen hore ka baxday Ceerigaabo ka cadhoodeen laba nin oo la sheegay inay ku xidhan yihiin Xarunta dambi baadhista Hargeysa kuwaasi dhawaan ay Xukuumaddu ka soo qabatay Deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ee Somaliland,gaar ahaan waxa wararkan lagu sheegay inay aad uga cadhoodeen mid ka mid ah Labadaasi nin oo Lagu Magacaabo Mujahid Cadib oo ay sheegeen inuu ka tirsanaan jiray Ururkii Xaq u dirirka ahaa ee SNM.

Tan iyo markii ay dhalatay Xukuumadda Cusub ee uu hogaaminayo Muj Muuse Biixi Cabdi waxa Gobolka Sanaag ee Bariga Somaliland ka soo yeedhaysay qaylo dhaan dhiilo leh oo halis ku ah Somaliland. Waxa bilawgii si ba’an Deegaamo Gobolkaasi ka tirsan dagaal dhiig ku daatay ku dhex maray Laba beelood oo walaalo ah oo Gobolkaasi wada dega kuwaasi oo dhawaan gacmaha la iskuu saaray lana soo afmeeray Xaaladii colaadeed ee dhex tiilay,waxana haddana Gobolkaasi ka samaysmay jabhado ka dhan ah Xukuumadda Muuse Biixi kuwaasi oo fadhiisimo ka helay Maamulka Soomaaliyeed ee Puntland oo Colaad dhinaca Xuduuda ahi ka dhex aloosan tahay lamana garanayo halka ay ku dambayn doonto is faham la’aanta ka dhex aloosan Qaybo ka mid ah Dadka Gobolkaasi degan iyo Xukuumadda Muuse Biixi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here