Caafimaadka Laga Helo Biyaha Lagu Daro Liinta

0
123
Lawadaag Asxaabta...

Dadka qaar waxay maalintooda ku bilaabaan biyo lagu daray liin inta ay ku bilaabi lahaayeen qaxwo ama shah, sidoo kale waxaa jira maqaaxiyo badan oo dadka ugu adeega biyo lagu daray liin dhanaan, maanta waxaan halkaan ku soo gudbineynaa biyahaas ma wax ufiican caafimaadka baa mise?

Faaidoonyka biyaha lagu daray liinta

Waxaa jira cilmi baaris yar yar ah oo lagu sameeyay saameynta biyaha liinta lagu daray, waxaa jira faaidooyin laga soo tabiyay cilmi baaristaas

  1.  Waxay kor uqaadeysaa fuuqcelinta jirka

Cabirka ugu fiican oo la cabo biyaha maalintii waa 8 ilaa iyo 10 galaas waxaana sidaas ku taliya dadka ku xeel dheere nafaqada iyo cunada. Biyaha waa cabitaanka ugu fiican ee fuuqcelinta laakin waxaa laga yaabaa dadka qaar ineysan jeclayn dhadhanka biyaha caadiga ah sidaa darteed liinta waxay u yeeleysaa dhadhan fiican oo sahli kara in biyo badan la cabo

  1. Waxaa laga helaa Vitamin C

Liin dhanaanta waxay kujira Vitamin C, waana maadado ah antioxidant oo ka hortagta in unugyada jirka ay dhaawacmaan

Vitamin C waxaa laga yabaa inuu hoos udhigo Xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo Xididada, Faaluga iyo in ay hoos udhigto cadaadiska dhiigga, sidoo kale Vitamin C waxay kaloo caawisaa iney ka hortagto ama ay yareeyso muddada Hargabka, in kastoo aan loo dhameyn arintaan

  1. Waxay kor uqaadeysaa tayada maqaarka

Vitamin C-ga laga helo liinta waxay caawisaa iney ka hortago in maqaarka uu duuduubmo, Warbixin caafimaad oo la daabacay ayaa sheegeysa in dadka qaata Vitamin C badan uusan maqaarkooda sida dadka aanan qaadanin oo kale u duuduubmin. Waxaa lagula taliyaa dadka in ay ugu yaraan 8 galaas oo biyo ah ay cabaan maalintii si ay jirkuudu ufuuqceliyaan ayna u qashin saaraan maqaarkooda.

  1. Waxay caawisaa yareynta misaanka jira

Waxaa la aamin sanyahay in ay yareyso miisaanka jirka kaga yimaada cunada dufinka badan, sidoo kale waxay yareysaa iska caabinta hormoonka Insulin

  1. Waxay caawisaa dheefshiidka

Dadka qaar waxay cabaan biyo lagu daray liin subaxdii si ay uga hortagaan calool istaag, in lacabo biyo diiran ama biyo liin lagu daray waxay dhiiragelineysaa dhaqdhaqaaqa habka dheefshiidka

  1. Waxay carfiisaa neefta

Wali maku xoqday liin gacmahaaga si aad uga goysid ur adag? Isla sidaas ayaa loo mariyaa ama loo cabaa si ay uga hortagto neefta oo soo urta am urta ka dhalata cunidda toonta, basasha ama kaluunka

Ku carfi neeftaada adigoo cabaya galaas biyo liin lagu daray subaxdi ama cunada ka dib, liinta waxaa la aamin sanyahay iney soo saarto calyada si ay uga hortagto in afka uu qalalo, taas oo horseedeysa neefta oo soo urto.

  1. Waxay ka hortagtaa dhagaxa kilyaha                        

Maadada la yiraahdo Citric Acid eek u jirta liinta waxay ka hortagtaa in kilyaha ay ku sameysmaan dhagaxyada Kalshiyam, waxaa lagula taliyaa dadka iney badiyaan qaadashada Citric Acid si ay u yareeyaan halista in dhagaxyo cusub ay sameymaan

Dhinaca saameynta ee biyaha liinta lagu daray

Guud ahaan waa amaan in lacabo, laakin waxaa jira waxyaaba yaryar oo keeni kara saameyn oo loo baahan yahay in laga warqabo.

Liinta waxaa kujira maada la yiraahdo Citric Acid oo keeni karta in dahaarka ilkaha ay milmaan, si loo yareeyo waxaad ku cabtaa Straw ama ku luqluqo biyo caadi ah marka aad cabtid kadib.

Marka laga hadlaayo laabjeex biyaha liinta leh waxay noqon karaa kuwo kiciya laabjeexa iyo kuwo damiya, hadii liinta ay kuu tahay mid kiciso adiga waxaa kuu wanaagsan inaad ka fogaato.

Khubarada caafimaadku waxa ay mar walba dadka kula talinayaan cabitaanka biyo badan oo ugu yaraan qofka looga baahan yahay in uu 24-kii saacadoodba uu cabo in ka badan 8 koob oo biyo ah. Waxa sidoo kale qormadan ku jira oo kale caafimaadada Liintu u leedahay qofka gaar ahaan wakhtiyada xilliga qaboobaha ama jiilaalka oo jidhku u baahan in uu helo maaddooyin jidhka awooddiisa (Immunity) kor u qaada waxaana ugu badan ee Jidhku awoodda difaac ka helo waxa ka mid ah Liinta oo ay ku jiraan ama qani ku ah Fiitamiinka C. waxaanay taasi muhim u tahay in uu jidhku si wanaagsan isaga difaaco ama la tacaalo durayga ama Hargabka xun ee wakhtiga qallaylka ama Jiilaalka ku dhaca inta badan dadka. Dhammaanteen aan ku dadaalno sidii aan u qaadan lahayn Biyo badan sidoo kalena wakhtiyada qaar aan ku darsan karno Liin dhanaanta oo la isku raacay faa’iidadeeda caafimaad

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here