Caadada Suul-Jaqista Ee Ubadka Iyo Waanooyin Caafimaadku Siinayo Hooyooyinka Ubadkooda Ku Arka Hab-Dhaqankan

0
103
Lawadaag Asxaabta...

Suul nuugistu ama Faro Jaqistu waa caado ku badan caruurta dunida oo ay ka siman yihiin, waalidkana ku haysa welwel badan. Balse aan ahayn wax laga welwelo ama dhibaato ah.

 

Maxay Caruurtu U Nuugaan Suulka?

Caruurtu markay yaryihiin ilaahay ayaa ku abuuray fel-celin nuugis, maadaama nuugista ay ku tiirsan tahay noloshooda si ay naaska u jaqaan, sidaas darteed waxay keentaa arrintani in ay farahooda nuugaan ama jaqaan. Maadaama naasku uu ilmaha siiyo daganaansho, farxad iyo cabsida oo ka yaraata, waxay ilmaha ku badashaan suulka markii ay gaajoodaan, hurdo ay hayso ama ay kacsan yihiin. Haddii ilmuhu ku waynaadaan dabcigaas waxaa dhib noqdo in si sahlan looga gooyo.

Goormaa La Rabaa In Ilmuhu Joojiyo Suul Nuugista?

Caruurtu badanaa waxay ku joojiyaan da’da 2 sano illaa 4 sano inta u dhaxaysa, haddii intaa kadib sii nuugaan, waxay badanaa ka go’aan markii iskuulka la geeyo cadaadis uga yimaadda caruurta facooda ah darteed. Ogow waxaa dhici karta in ilmuhu hadduu joojiyo suul nuugista, uu ku laaban karo markuu welwelsan yahay ama cabsi hayso.

Goorma Ayay Waalidku La Rabaan In Ay Wax Ka Qabtaan Arrintan?

Badanaa waxay dhakhaatiirtu sheegaan in suul-nuugistu aanay dhib keenin illaa markii ilkaha joogtada ah soo baxaan mooyee, maxaa yeelay ilkaha joogtada ah markii ay soo baxayaan, suulka la nuugayo wuxuu qalloociyaa ilkaha ama isdulsaaraa, sidaas darteed markuu ilmuhu gaadho 5 sano, waa in waalidku ka joojiyaa suul-nuugista.

Sidee Looga Gooyaa Caruurta Suul-Nuugista?

Fadlan raac talooyinkaan hoose si raaxo leh ayuu ilmahaagu suulka uga go’i doonaa:

-Isku day in aad marka hore ka dhaadhicisid ilmahaaga inaanu suulka ku nuugin meel bulshada dhexdeeda ah ah oo aad ka aamusto markuu sariiritiisa ku dul nuugayo marka ay billaabayso ka goynta suul-nuugista.

-Dagaal hala galin ilmahaaga oo haku qasbin inuu suul-nuugista joojiyo, badanaa waxaa dhacda inuu kusii adkaysto, isku day in aad faaniso ama qadariso markii aad aragtid isagoo aan suul nuugaynin, maadaama caruurtu jecel yihiin markii waalidku uu faaninayo iyagaa si aayar ah u joojin doona ama ku dadaali doona si ay waalidkooda u arkaan iyagoo amaanaya

-Uga sheekee ilmahaaga in suul-nuugistu aanay u fiicnayn, caruurta in ay weynaadeena waxaa lagu ogaadaa in ay suulka-nuugista ay joojiyaan, maadaama caruurtu ay jecelyihiin in la yidhaa waad waynaatay ama hebel ayaad le’ekaan doontaa laakiin suulka ha nuugin, wuxuu isku dayaa intuu awoodo inuu caadadaas joojiyo iyadoo aan lagu qasbin.

-Hadduu ilmuhu xanuunsanayo ama wax dhibsado, hadduu bilaabo inuu suulka-nuugo ha ku qasbin inuu joojiyo, ka aamus xaaladahaas oo kale, maxaayeelay wuxuu rabaa inuu suul-nuugista isku sasabo ama isku dajiyo, laakiin haddii aad ku qasabtid inuu joojiyo, waad sii dhibaataynaysaa, suul-nuugistana wuu la dhuumanayaa.

-Haddii aad aragtid in ilmahaagu suul nuugayo, waa muhiim in aad xasuusiso inuu suul nuugayo, waydii inuu dareensan yahay inuu suulka nuugayo, tani waxay siyaadisaa ka warqabista xilliyada uu suulka nuugayo, sidaasna waxaa u sahlanaanaysa inuu joojiyo.

-Ilmaha ha u marin suulka waxyaabo qadhaadh ama kulayl ah sida basbaaska, tani waa xaasidnimo oo waxaa laga yaabaa inuu ka qaado dhibaatooyin nafsaani ah, waxayna dhakhaatiirtu ku tilmaamaan arrintan sidii in ilmaha isagoo ku dul taagan salli aad xoogaa uga hoos siibtay, ilmuhu wuxuu ka war helayaa isagoo dhulka ku dhacay, laakiin ma ogaan karo sababta salliga looga hoos bixiyay!!!.

-Waxaa jira waaalidiin ilmaha suulka ka xidha ama gacanta ka daboola si aanu ilmuhu suulka u jaqin, tani waa arrin la isku khilaafsan yahay, qaar waxay yidhaahdaan arrintani waxay wax tartaa markii uu ilmuhu rabo inuu suulka iska gooyo, laakiin aanu ka warhaynin xilliyada uu nuugayo, laakiin haddii uu cunugu afar sano ka yar yahay, waxba gacanta haka xidhin, isagaa si dabiici ah uga go’i doonee.

-Caruurta badanaa suul nuugista ku daahaa waa caruur ay ka maqantahay xanaanayntu ama daryeelka hooyo, khaasatan marka ay hooyadu ka mashquulsan tahay ilmaheeda ama uga tagayso qof aan buuxin karin booskeeda, sidaa daraateed inta aanay hooyadu isku dayin in ilmuhu suul nuugista ka goyso, waa inay ilmaheeda wakhti u heshaa oo kalsooni ku abuurtaa.

-Hadduu ilmuhu uu ka wayn yahay 8 sano, waalidkuna uu ku wareeray qaabkii uu uga joojin lahaa suul-nuugista waa inuu kala kaashadaa qof ku takhasusay cilmi nafsiga caruurta.

Dhareerka Caruurta:

Waa Maxay Dhareerka Siyaadada Ah Ee Caruurta?

Inkasta oo aanay mawduuceenan xidhiidh la lahayn haddana waa amuhiim in aan xasuusino waalidka arrintan. Caruurtu inta ay ka gaadhayaan 4 sano sida caadiga ah ma kontorooli karaan dhareerka afkooda, waalidiintu badanaa way dhibsadaan dhareerka badan ee caruurta khaas ahaan markii ay laba sano gaadhaan.

Dhareerku waa dabiici inta ay da’daas ka gaadhayaan caruurta, laakiin waxaa jiro xanuuno keeni kara dhareerka siyaadada ah, sidaa awgeed waa muhiim in ay hooyadu u fiirsato haddii dhareerka ay la socdaan cillado kale sida afka oo casaan noqda, carabka oo nabaro leh, faruuryaha oo dildillaac ama qallayl leh, korriinka ilmaha oo aan dabiici ahayn ama garaadkiisu inuu ka yar yahay caruurta faciisa ah.

Astaamaha Dhareerka Siyaadada Ah:

Dhareerka siyaadada ahi wuxuu soo dhaafaa afka oo ilmaha wuu ka soo daataa, dharka ayuu iskaga daadiyaa, qofka xambaaraya ama haynayaana wuu dhibsadaa, marmarka qaar dhareerku wuxuu gaadhaa daamanka taasina waxay caruurta qaar u keentaa in daamanku ay xasaasiyad ka qaadaan weliba xilliyada qabowga.

Asbaabaha Dabiiciga Ah Ee Dhareerka Keena:

Waxaa kaloo keeni kara haddii wax liqidda ilmuhu aanay si fiican u kontarooli karin maadaama dhareerku uu banaanka u soo baxayo, wayna ka gudbaan caruurtu arrintan.

Sidee Ku Ogaan Karaa Inuu Dabiici Yahay Dhareerka Ilmahaygu?

Waxaad ku ogaan kartaa in aad u fiirsatid arrimahan soo socdo:

-Hadalka ilmahaagu dabiici ma yahay?

-Maqalka Ilmahaagu dabiici ma yahay?

-Foojignaanta ilmahaaga iyo ka warqabka hareerihiisa waxa ka dhacayaa dabiici miyaa?

-Caafimaadka ilkaha ilmahaagu saw ma fiicna?

-Ilmahaagu ma ka caafimaad qabaa qanjo xanuun, cabbudh sanka ah iyo wax liqid la’aan?

Dhammaan waalidiinta waxa la gudboon in aanay wax dhibaato ah u arkin xaaladda Nuugista Suulka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here