Bulshada Oo Isha Ku Haysa Waxa Uu Muuse Biixi Ka Yeeli Doono Xubnaha Xisbigiisa Ah Ee Lagu Eedeeyey Musuqa Oo Qaab Qiiq Isku Qarin Ah Warbaahinta Uga Hanjabay Guddidii Warbixinta

0
151
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 04, 2018- (Foore)- Kadib Markii ay ku soo baxeen Liiska Magacyadii ku jiray Warbixintii Guddida Daba Galka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladu Xubno ka tirsanaa Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayay dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan si weyn isha ugu hayaan tallaabada ay arrintaasi ka qaadan doonaan Hanti-dhawrka iyo Garsoorka qaranku kadib markii Guddida Warbixintaasi soo diyaarisay sheegeen in ay sharciga la tiigsan doonaan xubnaha ku kacay Musuqasaasi oo ay u gudbin doonaan hay’adaha ku shaqada leh.

Xubnaha ama Magacyada caanka ah ee Xukuumadda ka tirsanaan jiray iyo kuwo kaleba ee ku jiray Liiska dadkii ku soo baxay Warbixintaasi Musuqmaasuqa ahi waxa ay si weyn ula socdaan dhaqdhaqaaq kasta oo liddi ku ah iyaga oo lagu qaadi doono iyo doorka Madaxtooyadu ka ciyaari karto in xubnahaasi sharciga lala tiigsado kuwaasi oo xubno ka mid ahi durba bilaabeen in ay qaab qiiq isku qarin ah warbaahinta uga hadlaan iyaga oo is difaacaya, sheegayna in lagu qaldamay oo ay musuqaa baddalkiisa iyagu dhibbane u yihiin warbiixntaasi oo ay guddida soo diyaarisay sharciga la tiigsan doonaan.

Wasiirrada iyo Xubnaha waaweyn ee Liiska Warbixintaasi Musuqa ah ku jiray kana mid ah xisbul xaakimka KULMIYE ayaa qaarkood madaxtooyada ku dul wareegaya iyaga oo hiil ka dayaya balse aan isku hallayn Karin tallaabada uu ka qaadan doono Madaxweynuhu inkasta oo dad badani aaminsan yihiin in Madaxweyne Muuse Biixi aanu wax tallaabo ah oo uu warbixintaasi ku garab joogsanayo qaadan doonin sidoo kalena aanu wakhtigan diyaar u ahayn in uu eedo Musuq ku soo oogo Wasiirradii hore ee xukuumaddii hore kuwaasi oo door weyn ka qaatay soo bixitaantiisii lana soo shaqeeyey wakhtigii uu Madaxweynuhu xisbiga KULMIYE ka soo dhex baxayay iyo intii ka dambaysay ee doorashadaba.

Dhinaca kale waxa shacabku wali is waydiinayaa sida ay Guddida Daba Galka Hantida qaranka uga go’an tahay in ay ka daba tagaan cid kasta oo Musuqaasi ku kacday ee warbixintooda lagu sheegay iyo sida ay hay’adaha sharciga ula tiigsan doonaan ama illaa inta ay ka go’an tahay in arrintaasi ay tallaabo sharci ah ka qaataan maadaama Golaha wakiilada Aqlabiyadiisu u badan tahay xisbiga talada haya ee KULMIYE kuwaasi oo xubnaha lagu soo eedeeyey Musuqmaasuqa badankooda ay ay isku xisbi yihiin. Golaha Wakiilada ayaa la filan karaa in ay u dhaqmaan uun sida uu arrinkaasi u soo dhaweeyo ama u fogeeyo Madaxweynuhu.

Ugu dambayn in badan oo dadka siyaasadda Somaliland u kuur gala ahi waxa ay aaminsan yihiin in arrintaasi maalmo kooban uun la hadal hayn doono, halkaa ay joogtana laga soo qaadi doonin maadaama ka wax Musuqay iyo kan talada hayaaba yihiin koox saf ku wada jirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here