Boqor Faysal Oo Si Adag Ugu Jawaabay Suldaan Dorraad Ka Hadlay Arinta Ceel Afweyn- “Suldaanka Waxaan Uga Digayaa Gardarrada Uu Wado, Reer Hebeloow Nabadda Ku Midooba Dhadhan Kale Ayay Leedahay……”

0
183
Lawadaag Asxaabta...

Ceerigaabo, June 4, 2018- (Foore)- Boqor Faysal Cismaan Oo Ka mid ah oday dhaqameedka reer Somaliland gaar ahaan ku nool,kuna dhaqan Caasimada Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo ayaa si adag ugu jawaabay Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale oo Doraad ka hadlay Qadiyada Shaqaaqada ka taagan Deegaanka Ceel Afweyn,Suldaankaasi oo Beesha Boqorkani ugu baaqay inay laba mid uun soo galaan Nabadgalyo iyo Colaad,Waxa uu Boqor Cismaan hoosta ka xariiqay in Hadalkaasi aanu ahayn mid maslaxad keenaya ee ay maslaxadu kujirto in Cidda Mar walba dhaarta jabisa farta lagu wada fiiqo oo runta la isku sheego,waxaanu hadalka suldaanka ku tilmaamay mid fidmada taagan sii hurinaya.
Boqor Cismaan oo Shalay warbaahinta lahadlay ayaa waxa uu yidhi“Suldaankii u dambeeyay ee Halkaasi ka hadlayay ee ka baaqay waxaan leeyahay Nabadgalyadu waxay leedahay Wado loo maro Waxa leedahay Weedho loo isticmaalo oo erayo ah,Waxay leedahay “Body Language” u gaar ah kama mid aha in la hanjabaa,Kama mid ah in la handadaa,Nabadgalyadu waxay u baahan tahay Qofku marka hore inuu garto ma eedaysanaa mise waa dhibane, Ma daalinbaa mise waa Madluun,ma nin intaasi oo jeer dhaartaybaa mise waa nin loo dhaartay oo lagaga baxay oo lagu balan Furay”
Waxa kale oo uu yidhi“Waxaan leeyahay Qadiyadda Ceel-Afweyn Ciidan lagaliyo uma baahna,Wakhti faro badan oo lagaliyo uma baahna,Sidii dhaqankeenu ahaan jiray ee aan waligeenba aan ku soo noolayn isku tanaasul, Iscafin,iyo isasaamaxaad,haddii Jufadii Hoose garan wayday,haddii Raaskii hoose garan waayay waa in la helo hal qof oo yidhaahda waxa halkaasi ka dhacay,Maadaama oo aanu intaasi oo jeer aanu dhaaranay,Maadaama oo dhankayaga ay Xabaddu ka istaagi wayday waxa halkaasi ka dhacay anaga ayaa qabna oo ku ceebaysan,ee Tolaw,Xigtooy noo dul qaata oo noo samra,oo arinka soo dhaweeya,Anana khaladkayaga waan qaadanay,eedaysanayaal ayaanu nahay,Qofka dhaarta buriyay ee wacadka furay ee ka baxay intaasi oo jeer,Miyaan mudan innuu maantana yidhaaho ama iikaalaya oo ila kulma”.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi“Inankaasi aan abtiga u ahay ee Suldaanka haddii garasho sidaasi ka tahay oo Caqligiisu sidaasi u gaabtay ilaahay waxaan uga baryayaa igama go’e oo inaadeertay ayaa dhashee caqliga inuu u siyaadiyo,haddii uu u badheedhayayna waxaan uga digayaa waa gardaro oo waa lagu gubtaaye inuu ka joogo waxaasi uu wado,Reer Hebelaw midooba oo nabadda ku midooba dhan dhan kale ayay leedahay,taasna waxaan leeyahay Saaxiibkay waxaa ka wanaagsanayd inaad tidhaahdo Nabadda ku midooba reer Ceerigaabaw,Soomaaliya oo dhamay Nabadda ku midooba,Cid walba waxaan uga digayaa,Qorigii waanu dhignay,Nabad ayaanu rabnaa, Gardaradiina waanu qaadanay,waan garwaaqsanay,Intaasi markay yidhaahdaan Gogosha waad fidsan tahay,Wada hadaladuna waa bilaamayaan, Wax walibana way dhamaanayaan”.
Sidoo kale waxa uu yidhi“Ceerigaabo maanta uma baahna Marawaxado loo iibgeeyo,Bustayaal ayay u baahan tahay, Cid kasta oo Soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa Meel kasta oo ay joogto Nabad, Puntland iyo Somaliland waxaan ugu baaqayaa Nabad,Ceel Afweyn kuwa ka dagaalamaya waxaan ugu baaqayaa nabad,Nabadu way ka wayn tahay wax walba,Hadii nabad lawaayana wax joogaya iyo wax jiraya iyo wax la haysayaa ma jirayaan,aynu Islaamnimada ku midawno, aynu ul iyo diirkeed ahaano, aynu qofka khaldan inaga oo aan u abtirin hal mar aynu farta ku fiiqno,oo sidaasi aanu ugu fiiqay ugu fiiqa nabadu way imanaysaa”.
Ugu dambayn waxa uu ka hadlay Sarkaal Ciidanka Qaranka Somaliland ka goostay oo ka soo jeeda Beeshiisa oo meel cidlo ah Ciidan ku haysta,Waxaana uu yidhi“Qadiyadda Caarre waa Farac ka dhashay Colaadan,Marka aynu colaadan bakhtiino oo aan ka wada shaqayno oo aan dhamayno ayaynu inaga oo isku mid ah qadiyadda Caarre u gudbaynaa”. Ayuu yidhi Boqor Faysal Cismaan oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here