Booliska New York Oo Ilmo 7 Jir Ah U Xidhay Xatooyo 5 Dollar Ah Si Aanu Mar Dambe Ugu Noqon

0
184
7 yr. odl Bronx boy Wilson Reyes was handcuffed to a 44th precinct station house pole for five hours and denied access to his frantic mother ó all because he was suspected of stealing five bucks from a classmate. His mother has hired the Yankowitz law firm to file suit against the city and the police. Photo handout.
Lawadaag Asxaabta...

Booliska wadanka Maraykanka, gaar ahaan kuwa magaalada New York umay aabo yeelin da’diisa balse waxa ay markiiba go’aansadeen in ay katiinad labada gacmood kaga jabiyaan wiil da’diisu tahay 7 jir oo lagu magacaabo Wilson Rayes kaasi oo lagu soo eedeeyey in uu xaday 5 Doollar oo lacagta Maraykanka ah wakhti uu saaxiibadii kula sugnaa dugsi hoose oo ku yaalla magaalada New York. Ugu yaraan muddo 10 saacadood ah ayuu wiilkan yari gacmaha ka xidhnaa oo ay Katiinadi kaga jabsanayd su’aalana laga waydiinayay sida ay u dhacday in uu ku kaco falkan tuuganimada ah isaga oo da’diisu yar tahay.

Koox arday ah oo Wilson ay wada dhigtaan dugsiga Hoose ee Holly Angels ee magaalada New York ayaa maamulahooda wax ay u sheegeen in Wilson 5 Doollar ka xaday arday kale oo ay saaxiibo yihiin kaasi oo markii uu lacagtiisii waayay maamulaha u soo ashkatooday Wilson na ku soo eedeeyey in uu lacagtaasi ka xaday. Maamulka Dugsigaasi ayaa Wilson ka soo saari waayay lacagtii uu xaday waxaanu ku adkaystay in aanu wax lacag ah xadin isla markaana aanu arag wax lacag ah oo saaxiibkii sitay.

Arrintan ayaa keentay in booliska la war geliyo kuwaasi oo xabsiga u taxaabay wiilkii yaraa ee lacagta gacantu kaga dhacday. Wilson hooyadii oo lagu magacaabo Frances Mendez ayaa sheegtay in falka lagula kacay wiilkeeda ay aad uga xun tahay booliskana ku eedaysay in ay bah dileen sumcadda qoyskeeda. Wilson ayaa la sii daayay markii uu qirtay in uu lacagtaasi xaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here