Booliska Magaalada Burco Oo Sheegay Inay Umadda Ka Qabteen Shaahlayaasha Magaalada Burco

0
55
Lawadaag Asxaabta...

Burco (Foore)- Taliyaha Ciidanka Qaybta Booliska Ee Gobolka Togdheer Gashaanle Dhexe Cabdi Cali Xayd ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen toddoba iyo toban ka mid ah Mulkiilayaasha Maqaaxiyaha shaaha ku iibiya magaalada burco oo bulshadii Qiimaha Shaaca Lagu Cabo Ku kordhiyay.

Taliyaha ayaa sheegay in Mulkiilayaasha Maqaaxiyaha Sharciga La Marin doono iyadda oo lasoo taagi doono maxkamadda,waxaana uu digniin u diray maqaaxiyaha kale ee wali ku hawlan in ay Shaaha bulshadda ka cabaysa ku qaaliyeeyaan.

“Subaxii Ay Iidu Kow Ahayd waxa ay lasoo kaceen Sicir Barar Aan looga fadhiyin,iyadda oo sonkartu ahayd laba iyo kontan dollar ayuu haddana koobka shaahi ahaa kun shilin maanta oo Gadbadda Sonkarta ahi tahay wax intaas ka jabana shaahi ayay sicir barar aan looga fadhiyin dusha kaga keneen,waxaana ay doonayaa ciidanka,culimadda iyo dadka in ay maanta go’aan ay soo gadheen shaaha ku kiciyaan loomana baahna iyadda oo aynu ognahay halka uu sicir bararku inala gaadhay in ay iyaguna mid kale dusha inaga saraan.

Intaas waxa uu ku daray taliyaha ciidanka gobolka togdheer isaga oo hadalkiisa siiwata.”shaah layaasha burco waxa ay samaysteen gudi iyaga oo u heshiiyay dadwaynaha anaguna hadaanu nahay booliskii waanu arkaynaa imikana toddoba iyo tobankaas xidhana sharciga ayaanu hor gaynaynaa sababta oo ah waxa ay ku dhaqmayaan waxaan suurto gal ahayn,waxaana ay cidhiidhi galinayaa noloshii dadwaynaha anaguna sharciga ayaanu horgaynaynaa.

Taliyaha ayaa sheegay in cidkasta oo lagu helo iyaga oo bulshadda ku kicinaya adeegyadda asaasiga ah oo dhan in ay sharciga marinayaan oo ay ka qaadayaan talaano sharciga waafaqsan”Dalka dawlad ayaa ka talisa cidkasta oo sharciga ka hortimaada talaabo ayaanu ka qaadaynaa,waxaana u sheegaynaa kuwa kale ee iyaguna bulshadda ku qaaliyeeyay alaabaha kuwani halka ay mareen ayaad mari doontaan ayaanu idin leenahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here