Booliska Itoobiya Oo Gacanta Ku Dhigay Nin Nabinimo Sheegtay, Iyo Deegaanka Qisadani Ka Dhacday

0
131
Lawadaag Asxaabta...

Limu, July 23, 2018- (Foore)- Ciidamada Ammaanka waddanka Itoobiya ee gaar ahaan Deegaanka Oromiya ayaa toddobaadkan gacanta ku dhigay nin deegaankaasi ka tirsan oo sheegtay in uu Nabi yahay awoodna u leeyahay in uu soo nooleeyo dadka dhintay balse markii uu ku fashilmay in uu qof dhintay soo nooleeyo ay dadkii garaacis ku bilaabeen sidaana Boolisku kaga soo gaadhay xabsigana u taxaabeen.

Qisadan ayaa ka dambaysay kadib markii Nin la yidhaahdo Belay Biftu oo ku noolaa degmada Limu ee galbeedka Itoobiya uu Isniinti aan soo dhaafnay ee toddobaadkii hore uu shil ku geeriyooday. Qoyskii ninka dhintay oo tacsi u fadhiya ayaa waxaa goobtii tacsida ka kacay nin sheegtay inuu Nabi yahay oo uu soo Nooleynayo ninka afar maalmood ka hor dhintay.

Markii uu reerkii geeridu ku dhacday uu ka dhaadhiciyey inuu wiilkooda soo kicinayo waxaa la wada tagay qabuuraha dadka diinta Kirishtanka aaminsan lagu aaso oo ninkan maalintii uu dhintayba lagu aasay.

Ninkan Nabinimada sheeganaya oo lagu macgacaabo Geta Yawqal wuxuu amar ku bixiyey in qabriga Balay lagu aasay la soo faqo si uu howshiisa uu u wato isaga oo sheegay in uu ninkaasi soo noolaynayo. Meydka markii la soo saaray ayuu marar badan ku dhawaaqay “Belay Kac” isaga oo sanduuqa uu maydkaasi ku jiray marna ku seexanayey marna ku foorarsanayey. Kuna dhawaaqayay ereyo uu ugu dhawaaqayo ninka geeriyooday isaga oo mar walba leh “Belay Kac”. Ugu dambeyntii, ninkii nabinimada sheeganayey ee lahaa waxbaan soo nooleyn wuu daalay sida uu u qeylinayey aakhirkiina wuxuu yidhi: “Waxba lama sameyn karo”, markiiba wuxuu isku dayay inuu goobtii ka dhaqaaqo waxaase ninkani waxa uu sameeynayey si weyn uga war sugayey qoyska ninka dhintay, gacan qaad ayaana halkii ka dhacay kadib markii qoyska ninka geeriyooday ay garaacis ku bilaabeen ninkii Nabinimada Sheegtay ee ay ka sugayeen in uu wiilkooda soo nooleeyo.

Markiiba goobti waxaa yimid Boolis warka la gaadhsiiyey ninkii beenaalaha ahaa oo sidii loo garaacayey qarka u saaran in qudha laga jaro ayay booliskii ka soo gaadheen, ugu dambayna xabsiga u taxaabeen waana Booliska ka hawl gala Magaalada Limu ee qisadani ka dhacday waxaana wali ninkii hadda gacanta ku haya Booliska.

Ninkan Nabinimada Sheegtay ayaa la ogaaday in shaqadiisa rasmiga ahi ahayd xirfadle caafimaad oo ka shaqeeya xafiiska caafimaadka degmada. Muuqaal ficilka ninkan laga duubay oo baraha bulshada la geliyeyna waxay noqotay mid si weyn loo hadal hayo. Waxa ay qisadani noqotay middii loogu hadal hayn badnaa saacadihii la soo dhaafay iyada oo warbaahinta iyo baraha xidhiidhka Bulshada ee Internetka oo aad loogu qaadaa dhigay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here