Boholyawga Siilaanyo Iyo Ardaydiisu Isku Qaabileen Oo Gaadhay Heer Ay Ugu Yeedhaan Madaxweyne, Halka Uu Siilaanyana Ugu Jawaabay Inuu Safar Shaqo Dibada Ugu Maqnaa Sidii Uu Wali Dalka Madaxweyne Ka Yahay

0
81
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, August 04, 2018- (Foore)- Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Intooda badan Golihiisii Wasiiradda ayaa Soo dhawayn Muusanaab ah isku qaabilay Garoonka Cigaal ee Magaalada Hargeysa,Waxa ay ugu yeedhayeen Madaxweyne,iyagoo sheegay inuu fasax kaga maqnaa dalka,waxa lala sii yaabay kadib markii uu dhinaciisa Siilaanyo-na erayo uu Halkaasi ka jeediyay uu u hadlay sidii uu hadli jiray markii uu Madaxwyenaha ahaa,islamarkaana si caadi ah u tiraabay inuu safar dibadeed oo shaqo uu dalka kaga maqnaa,arimahaasi oo bulshada yaab iyo amakaag ku dhaliyay markii la daawaday.waxay arintani ku soo beegaysaa wakhti Lasoo qufay Hantii ugu badnayd ee ay Xukuumadda Siilaanyo Umadda ka dhacday.

Waxa saacadihii la soo dhaafay ay si weyn shacabka Somaliland ugu faa’qidayeen Baraha Xidhiidhka Bulshada qaabka soo dhawaynta ah ee ay iskugu habar wacdeen Wasiiraddii hore ee Xukuumaddii Siilaanyo iyo Luuqada ay ku soo dhaweeyeen Siilaanyo iyagoo u soo dhaweeyay sidii uu wali dalka Madaxweyne ka yahay,islamarkaana waxa ay dadka siyaasada faaqidaa ku tilmaameen soo dhawayntan mid hor dhac u ah iskaashaan buuraysi siyaasadeed oo ay kooxdani damacsan tahay inay kaga hortagto eedaynta Musuq maasuq ee loosoo jeediyay Xubno ka mid ah Wasiiradii Xukuumaddii Siilaanyo,kuwaasi oo ay suurtagal tahay in Dambigaasi lagu qaado,islamarkaana laga soo celiyo hantida ay dhaceen,sida ay bulshada inteeda badani danaynayso.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Xukuumaddii Siilaanyo Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani) oo ka mid ahaa masuuliyiinta miraaqooday ee kala garan waayay inuu siilaanyo Xilka ka degay iyo in kale ayaa waxa uu yidhi: “Madaxweyne, Golehaagii Wasiiradda ayay halkan intoodii badnayd joogtaa,Haweenkii qaaliga ahaa,Xildhibaannadii,shacabka Jamhuuriyadda Somaliland intooda faraha badan leh oo meel kasta iskaga timid markii ay maqleen Madaxweynihii Qaaliga Umadda Jamhuuriyadda Somaliland ku ahaa,Madaxweynihii Horumarka Umadda Somaliland ku ahaa,Madaxweynihii ku suntanaa Halganka Umadda Jamhuuriyadda Somaliland,dhamaantayo waxaa noo farxad ah in Illaahay mar labaad dalkii oo aad muddo fasax kaga maqnay kugu soo celiyo,waan wax Alle loogu mahadnaqo in adigoo caafimaad qaba inaad umaddaadii iyo dalkaagii hooyo iyo qarankaagii oo ku sugayay oo ku jecel aad ku soo dhawaato oo aad ku soo degto,Madaxweyne waxaad ogaataa inay Umaddu meel kasta oo ay joogto illaa Laasqoray illaa Lawyo-caddo Madaxweyne inay  mar walba Niyadda kugu hayaan,wax kuu ducaynaya iyo wax taariikhdaadii ka sheekaynaya ay yihiin,aad iyo aad ayaad umahadsan tihiin”.ayuu yidhi Cadaani oo markaa bar bar taagnaa Siilaanyo.

Arinta kale ee dooda dhalisay ee ku ladhnayd soo dhawayntan ayaa ahaa kalmadihii ka soo yeedhay Siilaanyo laftiisa oo dareen gaar ah dadka ku abuuray islamarkaana muujiyay inuu isna ilaaway miraaqo darteed inuu kursigii wareejiyay iyo in kale,isagoo sheegay inuu Fasax kaga maqnaa dalka sidii uu madaxweyne dalka ka sii yahay,waxa uu yidhi Siilaanyo“Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta dalkayga dib ku soo laabto anigoo safar dibadeed ku maqnaa,aad iyo aad ayaan idiinku mahadinayaa sida qiimaha iyo qaayaha leh ee aad ii soo dhawayseen,Alle waxaan ka baryayaa inuu kuligeen caafimaad ina siiyo dalkeena iyo dadkeena meel wanaagsan mariyo”. Ayuu kuu soo koobay hadalkiisa.

Gudoomiye Xigeenka labaad ee Kulmiye Axmed Cabdi Dheere ayaa isna yidhi “Madaxewyne waxa farxad noo ah maanta inaanu halkan  kugu soo dhawayno,Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland,waxa uu ahaa aasaasihii Xisbiga Kulmiye, Tacabkaagii Madaxweyne maanu khasaarin, Xisbigii marlabaad ayuu guulaystay, Maanta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye-na ah,waxaan kaga wakiil ahay inaanu halkan kugu soo dhawayno,Cod faro badan ayuu helay,Waxaanu doonaynaa taariikhdaadii Xisbiga Kulmiye,Aad iyo aad ayaanu ugu faraxsanahay”.

Isku soo wada duub oo waxa loo malaynayaa soo labaashada Siilaanyo inay soo dedejisay dhawaaqa hor dhaca ah ee ka soo yeedhay Gudida dabogalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiilada Somaliland ee ku aadan Musuq maasuqii cuslaa ee ay Xukuumaddiisu dalka gaysatay,taasi loo sibir saarayo inay u yeedheen masuuliyiinta ay Gudidaasi magac dhabtay oo uu ka mid yahay Cali Mareexaan iyo Axmed Xaaji Dahir.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here