Bobi Wine: Fannaankii Isu Baddalay Siyaasiga Laf-Dhuun Gashay Ku Noqday Madaxweyne Museveni

0
105
Lawadaag Asxaabta...

“Marka ay hogaamiyeyaasheenna noqdaan habaabiyeyaal kuwa na hagi jirayna ay jidka naga lumiyaan. Marka ay xorriyadda hadalka noqoto wax la isku bartilmaameedsado, mucaaradnimadu waxay noqoneysaa doorkeenna.”

Erayadaas oo ka mid ah heesta lagu magacaabo Situka, oo micneheedu yahay “Kaca” marki laga soo fasiro luuqadda Luganda, waxaa ku luuqeeyay fannaanka reer Uganda ee siyaasiga isku baddalay ee lagu magacaabo Bobi Wine wuxuuna qaaday markii ay soo dhaweyd doorashadii 2016-ka.

Fannaanka qaada heesaha loo yaqaanno Afrobeats ahna jilaa filimada sameeya ayaa heestaas u adeegsanayay in uu dadka reer Uganda ku guubaabiyo sidii ay door uga qaadan lahaayeen la dagaallanka musuqmaasuqa iyo caddaalad darrada ka jirta dalkooda.

Waqtigaas in badan oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan waddankaas waxay taageersanaayeen dib u soo doorashada madaxweyne Yoweri Museveni balse Wine wuu diiday in uu arrintaas ku qanco.

Haddaba Xilligaas ayay ahayd markii ay dadka qaar tuhmeen in Wine uu doonayay sidii uu door uga ciyaari lahaa siyaasadda.

Waa kuma Bobi Wine?

Xiddigaan heesaha Afrobeats-ka, oo waayihiisa fanka soo billaabay horraantii sannadihii 2000 waxa uu mar kasta howshiisa ku qeexi jiray mid isugu jirta wax barasho iyo madadaalo isku mar ah. Mid ka mid ah heesihiisii caan baxay ee ugu horreeyay, oo lagu magacaabo Kadingo waxay ku saabsaneyd nadaafadda shaqsiga.

Wine oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Robert Kyagulanyi Ssentamu, waxaa loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka ka dib markii uu si madax bannaan ugu soo istaagay doorasho ku celis ah oo dhacday sannadkii lasoo dhaafay, waxaana doorashadaas lagu qabtay degmada bariga Kyadondo ee bartamaha Uganda.

Wuxuu ka guuleystay murashaxiin ka kala socotay xisbiga talada haya ee NRM iyo xisbiga ugu weyn mucaaradka ee FDC.

Ninka sida iskiis ah igu dhawaaqay inuu yahay “madaxweyne xaafadeedka” ayaa guushiisa ka dib u sheegay BBC-da in uu matalayay jiil cusub: “Waxaan doonayaa inaan u istaago arrimo. Waxaan halkaan u joogaa inaan dhallinyarada siiyo kalsooni,” ayuu yiri.

Magaciisa ayaa si weyn u sii shaac baxay ka dib markii uu sii amba qaaday fankiisa, iyadoo ay jirto dhaqaale xumo baahsan iyo saboolnimo hareysay degmada uu ka soo jeedo ee Kamwokya oo ku taalla bartamaha Kampala ahna meesha uu ku soo barbaaray, waxaa sidaas yiri wariyaha BBC-da ee lagu magacaabo Patience Atuhaire.

Canshuurta baraha xiriirka bulshada

Bishii July, Wine waxa uu gacmaha qabsaday dadka u dooda xuquudq aadanaha waxaana ay dibad baxyo ka sameeyeen waddooyinka caasimadda Kampala iyagoo ka mudaharaadaya canshuuro ay dowladda ku kordhisay isticmaalka baraha xiriirka bulshada, taasoo ay xukuumadda uga gol lahayd in sare loogu qaado dhaqaalaha u soo xarooda iyo in meesha laga saaro waxa uu madaxwyne Museveni ugu yeeray “xaad dhaaf” ka jiray WhatsApp, Facebook iyo Twitter.

Dadka dhaleeceeyay tallaabadaas waxay sheegeen in lacagta 200 ee shilinka Uganda ah[$0.05, £0.04] oo canshuurta maalinlaha laga dhigay ay ujeeddadeeda ahayd in la caburiyo codadka dadka ka soo hor jeeda maamulka talada haya.

Dowladda ayaa markaas dib u guratay oo sheegtay in ay mar kale ka fiirsan doonto canshuurtaas.

Wine waxa uu sidoo kale hogaaminayay dhaleeceyntii looga soo hor jeeday isku dayga uu xisbiga NRM ku doonayay in meesha laga saaro qodobka uu dastuurka ku xaddidayo da’da murashaxiinta xilka madaxwynaha in ay noqoto 75 sano.

Wuxuu ka mid ahaa xildhibaanno fara badan oo dood xoog leh oo ka dhan ah arrintaas ka waday aqalka baarlamaanka.

Waxaa la gaaray heer uu gacan qaad ka dhoco xarunta baarlamaanka intii ay doodahaas socdeen.

Hase ahaatee xildhibaannada ka soo jeeda xisbiga talada haya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay hindise sharciyeedka kordhinaya da’da musharaxiinta waxayna taas suurta gelisay in Mr Museveni oo 74 jir ah xukunkana hayay tan iyo sannadkii 1986-kii uu markii lixaad u soo istaagi karo doorashada madaxweyne ee sannadka 2021-ka.

“Wuxuu waayay xiriirkii uu la lahaa dadka [iyo] qiimihii uu u taagnaa. Wuxuu markii hore u yimid in isbaddal lagu sameeyo waxyaabaha aasaasiga ah laakiin hadda wuxuu u taaganyahay is baddal la’aan,” Wine ayaa sidaas ku yiri BBC-da.

Taageerada dhallinyarada

Nicholas Sengoba oo falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa sheegay in doorashadii ku celiska ahayd ee Arbacadii ka dhacday magaalada Waqooyiga-galbeed ee Arua oo uu ku guuleystay nin uu taageersanaa Wine ay ahayd “Mid aad muhiim ugu ahayd Musevei in uu helana uu ku qasbanaa”.

Khubarada kale ee ku xeel dheer siyaasadda, una dhuun daloola arrimaha ka socda Uganda ayaa sheegay in fannaankan siyaasiga isku baddalay uu garab buuxa ka heysto dhallinyarada oo la dhacdan fikirkiisa.

Hogaamiyaha mudadada dheer soo ahaa mucaaradka dalkaas ee Kizza Besigye ayaa marar badan xabsiga loo taxaabay, balse Bobi Wine waligiis lama xirin.

Waxaa la isku raacsanyahay in marka laga soo tago fannaan ahaan uu doorkiisa ku aaddan jilista filimada ku hantay taageerada shacabka u badan dhallinyarada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here