Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Maxay Saamayn Ku Yeelaan Doontaa Mashruuca Dibad Baxayaasha Waddanka Suudaan?

0
61

Khartoum (Foore)- Shacabka Suudaan waxay ka walacsan yihiin dhibaatada ka dhalatay dibadbaxyada weli ka socda dalkaasi xilli ay Maanta Dunida Muslim in badan oo ka mid ah ay Kow ka ahayd Curashada Bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dad badani waxa ay ay is weydinaya, su’aasha ah inay hakad geli doonaan dibadbaxyadu ama inay sii socon doonaan bishan Ramadaan iyada oo taariikh ahaan waddanka Suudaan dadkooda lagu yaqaano in ay yihiin kuwo aad u wayneeya xushmadda Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Mucaaradka, dagaalka ugu jira sidii loo heli lahaa dowlad rayid ahi waxay doonayeen in ay Golaha militariga ee talada dalkaasi qabsaday ay heshiis la galaan ka hor bishan Ramadaan balse taasi ma noqon qorshe hir gala walina waxa muuqata sida aanay wax xal ah u gaadhin labada dhinac.

Hoggaamiyeyaasha golaha sare ee militariga waxay ku rajo weyn yihiin in tirada dadka ka qeyb qaadanayo isu soo baxyada ay hoos u dhici doonaan xilligga bishan Ramadaan.

Dadka qaar waxay doonayaan inay joogaan guryahooda ama ay cibaadeystaan si aysan ugu dhibaatoon qoraxda darran ee halkaasi ka jirta iyagoo sooman.

Waxay u muuqata in shacabka reer Suudaan aysan ka laaban doonin go’aankooda tan iyo inta xukunka ay militariga iska wareejinayaan.

Dibadbaxyaasha waxay teendhooyin ka dhisteen afaafka hore ee saldhiga ugu weyn militariga Suudaan ee Khartuum, halkaas oo ah goobta ugu weyn ay dibadbaxyada ka socdeen.

Qaar kamid dibadbaxyaasha ayaa BBC u sheegay inay ku rajo weyn yihiin in dad ka badan kuwii hore ay isugu soo bixi doonaan waddooyinka Khartuum bishan Ramadaan gaar ahaan marka la af-furo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here