Bilayska Oo Faah Faahiyay Xogihii Layaabka Lahaa Ee Abwaan Abees Ka Gabyay Ee Saldhiga Koodbuur, Shaacana Ka Qaaday In Abwaan Laabsaalax Isna Baadhis Iyo Dabagal Lagu Hayo

0
49
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, January 14, 2019- (Foore)- Hogaanka Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa Faah faahin ka bixiyay Xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees Aadan oo doraad Ciidanka Bilaysku xabsiga u taxaabay, waxa ay ay ka hadleen waxyaabaha loo haysto, iyagoo sidoo kalena ka hadlay dhacdadii layaabka lahayd ee uu Abwaanku ku arkay Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee Magaaladda HARGEYSA ee uu ka gabyay, waxay sidoo kale shaaca ka qaadeen baadhis iyo dabagal ay ku hayaan Abwaanbka kale ee Xasan Dhuxul Laabsaalax oo ay sheegeen inuu isna Ciidanka Bilayska wax ka sheegay.

Afhayeenka Ciidamada Bilayska Somaliland Faysal Xiis Cabdi oo si gaar ah u  faah faahiyay Dacwadda loo haysto Abwaan Abees iyo wixii loo soo xidhay ayaa waxa uu yidhi“Taariikhdu markay ahayd 12-kii Bishan January 2019, Ciidanka Bilaysku Somaliland waxay soo xidheen eedaysane Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan, oo loo yaqaano Ina Abees, kaasi oo lagu eedaynayo inuu ku kacay abaabul falal Nabadgalyo daro, dacaayad iyo ceebayn uu u gaystay Ciidanka Bilayska iyo Qarankaba,Waxaan cadaynayaa inay Waxyaabahaasi yihiin arin hadda  lasoo abaabulay”.

Isagoo ka hadlaya Afhayeenku Arintii uu Abwaanku ka sheegay Saldhiga Ibraahim Koodbuur ee ka gabyay iyo waxa ka jira ayaa waxa uu yidhi “Eedaysanaha Xidhani Gabadha uu sheegayo ee uu leeyahay Saldhiga ayay ku katiinadaysnayd oo waa la kufsaday waa beentii waxaanay u xidhnay khasaare ay u gaysatay Gaadiidka dad weynaha,oo ay jajabisay, Waxaanay ahayd gabadh maskaxda wax uga dhiman yihiin, Kadibna Ciidanka Bilaysku waxay markiiba u gudbiyeen Cisbitaalka Guud ee Hargeysa Qaybtiisa Dhimirka, Waxa kale oo aanu sheegaynaa in Afarta dhalinyaradda ah ee uu Saldhiga ku dhex arkay inay si wada jir ah fal khasaare ah u wada galeen”.

Ugu dambayn waxa uu sheegay in Laamaha dambi baadhistu baadhis iyo dabagal ku hayaan Abwaan laabsaalax oo uu sheegay inuu isna ku gafay Ciidanka Bilayska“Safka hore ee Ninkani (Abwaan Abees) ka hadlayay waxa ka muuqday Abwaan Laabsaalax oo wixii uu ku kacay aad ogtihiin, iyadoo baadhistiisana gacanta lagu hayo iyo rag kale oo u adeegga cid aan Qaranimada Somaliland Jeclayn, Shacabka Reer Somaliland Ciidanka Bilayska way yaqaanaan wixii ay u qabteen iyo waxay u galaanba”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here