Beel Somaliland Degta Oo Fariimo Culus U Kala Dirtay Garaadada, Boqorada, Madaxweynaha Puntland Iyo Farmaajo + Fariin Gaar Oo Ay Ku Socodsiiyeen Madaxweyne Muuse Biixi

0
163
Lawadaag Asxaabta...

Ceel-afweyn, July 7, 2018- (Foore)- Qaar ka tirsan Salaadiinta iyo Cuqaasha Deegaanka Ceel Afweyn ayaa si adag uga hadlay Dagaalka Ceel Afweyn oo Shalay Mar Kale soo laba kacleeyay,Waxa ay sidoo kale Fariimo Culus U Direen Madaxweynaha Puntland,Boqorada iyo Garaadada Puntland iyo Madaxweyne Farmaajo inay ka joojiyaan waxa uu ugu yeedhay hub ay ku soo daabulayaan Deegaanka Ceel Afweyn gaar ahaan beel ka mid ah Beelaha Dirirtu ka dhex aloosan tahay,waxa kale oo ay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu baaqeen inay Gobolkii Sanaag la wareegeen waxa ugu yeedheen jabhad hubaysan.

Nin U Hadlay Beesha Baciido ee Gobolka Sanaag ayaa shirkaasi jaraa’id ka jeediyay Fariimo dhinacyo badan taabanaya waxaana uu ka bilaabay sidan Cabdiraxmaan Xirsi Diiriye“Waxaanu ka cabanaynaa in Goof Jabhadaasi ka aasaasantay,waxaanu ogayn in Maamulkii Degmada Ceerigaabo,Waxgaradkii,Saraakiishii,Taliye Qaybeedyadii iyo Xildhibaanadii Beesha Garxajis Bari la baxday inay Deegaanka GOOF iskugu tagtay, in taliye Qaybeedyaddii dhex fadhiyeen,in Madaxdii Xisbiga WADDANI dhex fadhiyeen,in nimankaasi halkay nabad kaga dhawaaqi lahaayeen,Nimanka Goof fadhiya iyo Ciidamadoodana kala diri lahaayeen,Wixii dambiilayaal ahna soo qab qaban lahaayeen, inay Nimankaasi ku dhawaaqeen isagoo maayarkii Degmadda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur uu dhex fadhiyo”

Waxa kale oo uu yidhi: “Inay ku dhawaaqeen inay isku mid yihiin, inay jabhadaasi taageersan yihiin,inay isku fikir yihiin inay dagaalkaasi kuwada jiraan,inay Colaad halkaasi ka iclaamiyeen,Shirkii kale ee ka dhacay meesha la yidhaa Gacan libaax,isaguna waxa uu iclaamiyay oo ay gabo gabadiisii ay noqotay oo ka soo baxday in Suldaanka Guud ee Beelaha Garxajis uu Iclaamiyay inay dagaalkaasi ku biirayaan,Tolkoodna ay garab istaagayaan,Waxaan markaa anigu halkan ka cadaynayaa in dagaalkaasi dagaal Garxajis yahay in dagaal siyaasadeed uu yahay, In Suldaanku horena ay ugu jireen Boqolaal kun oo dollar iyo Boqolaal Milyanna ay ku kharash gareeyeen, Hub iyo Saannadna ay Bixiyeen,in Tujaarta ugu waa weyn ee Hudheelada ugu waa weyn Hargeysa ku lihi ay Boqolaalka kun oo Dollar ku bixisay, in Qurbajoogu Boqolaal Kun oo Dollar ku bixiyay,inay arintaasi u mici lisanayeen,Dagaalkaasi saddexda sannadood ka socdayna ay iyagu wadeen,oo aanay hadda ku biirin eh ay arintaasi hore u  jirtay”.

Sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Waxaa kale oo aan la yaabanahay in Xukuumaddii Wadanka maamulkiisa iyo Nabadgalyadiisa haysatay in Gobolkaasi Sanaag ay kuwareejisay Jabhaddaasi,in shaqaalihii dawladu Nimanka Jabhadda aasaasay ay yihiin,in saraakiishii Biciido ee Nimankaasi wax ka qaban lahaana lasoo badelay,Waxaan halkan fariin uga dirayaa Beesha Harti iyo Puntland,Garaadada iyo Salaadiinta, Waxaan leeyahay Cabdi-Weli Gaas, Iyo Boqorada,Beeshii ayaanu nahay xiligii Siyaad Barre ka baxay ee la jabiyay Nabadgalyada Sugtay,ee iyadoo Kumaan kun ku kala dhinteen Gar adag shirka ku qabatay,ee Nabadgalyada maanta Puntland kujirta u sabab ahayd,Waxaanu idiin sheegaynaa oo aanu idinka codsanaynaa,Hubkaa aad soo bixinaysaan Dawladda Somaliland lagu weerari maayo ee Reerkaasi Biciido la yidhaa ayaa lagu weerarayaa, naga eed la’aada oo arintaasi waxaad ka gashaan Nabad ha ahaato”.

Ninkan sheegay in uu u hadlayo beesha Biciide ayaa waxa uu hadalkiisa intaasi ku daray: “Fariintaasi waxaan u dirayaa Garaadad,Dawladda Cabdiweli Gaas iyo Dawlada Faderaalka,iyo Boqorada uu ugu horeeyo Boqor Burhaan,nimankaasi hubka aad siinaysaa iyo waxa aad siinaysaan naga joojiya,Meeshaas laba beelood ayaa isku dilaya, Dawlad Somaliland ah Hub lagu weerarayo oo aad soo bixinaysaan majirto iyagana intaasi ayaan gaadhsiinnayaa. Madaxweyne Muuse Biixi-na waxa aan leeyahay, Gobolkii Jabhad ayaa la wareegtay,Dilkii labaadna way ka samaysay,Natiijadii labadaasi shir ka soo baxday iyo Suldaan Maxamed Cabdiqaadir wixii uu sheegayayna fulinteedii Shalay ayay dhacday,Ninbaa halkaasi lagu dilay Reer Miyi ah oo Dhaan wata oo la jarjaray, oo meel laga aaso la waayay,Ninkii horena Deegaanka Ceeryaan ayaa lagu dilay,Gobolkii Jabhad ayaa la wareegtay oo aad ku wareejiseen ah ama wax ka qabta,Anagana Saraakiishayadii waxay ku dhimanayaan Furinta hore ee Tukoraq, Raggii ragaasi la midka ahaa ee Saraakiisha ahaa ee Ciidanka Qaranka ka goostayna Waakaas reer Miyiga Dhaanka Wada Laynaya, Waa kuwaa Ragga Tuuladdda Jooga ku laynaya, waa kuwaa wareegaya ee Xasuuqa gaysanaya ee Baabuurta ku baadhanaya Balcade iyo Karamaan,arintaasi waa inay si deg deg ah Xukuumaddu uga qabato,ama dadkani afbay ku wada hadlaan Colaad ama Nabad haku heshiiyaane, waa inay iskaga hor baydhaa”..ayuu hadalkiisa ku soo gabogabeeyey ninkaasi u hadlay beel ka mid ah beelaha Sanaag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here