Barcelona vs Espanyol – Kulanka Catalan Derby, Shaxda Macquulka Ahda Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dhaawacyada iyo Ganaaxya

0
167

Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaynaysa kooxda ay dariska yihiin isla markaana ay sida wayn u xifiltamaan ee Espanyol waxayna wada ciyarayaan kulanka 29 aad ee horyaalka La Liga. Kadib kulamadii caalamiga ahaa, Barcelona ayaa doonaysa in ay sii joogtayso 10 kii dhibcood ee ay hogaanka La Liga ku soo hayeen.

Barcelona ayaa ka hor kulamadii caalamiga ahaa waxay sii heshay fursad wayn kadib markii ay guul ka soo gaadhay Real Betis isla markaana ay Atletico Madrid guuldaro kala kulantay kooxda Athlitic Bilbao waxayna hadda kooxda Valverde haysataa fursad ay ku difaacan karto koobka La Liga.

Kooxaha gobolka Catalonia ka wada dhisan ee Barcelona iyo Espanyol waxaa ka dhexaysa colaad aad u wayn waxayna jamaahiirta Barca guul ay ka gaadheen Espanyol ay ula mid tahay sida marka ay guulaystaan kulanka El Clasico-da oo kale.

Sanadihii la soo dhaafay Barcelona ayaa dhibaato wayn ku soo haysay Espanyol waxayna haddaba ku jiraan kaalmo aad u kala duwan marka la eego kala saraynta horyaalka La Liga.

Barcelona ayaa kaalinta kowaad ee La liga ugu jirta 66 dhibcood inta aan kulankan la ciyaarin halka Espanyol ay Camp Nou iskeenayso iyada oo kaalinta 13 aad ku jirta isla markaana haysata 34 dhibcood oo kaliya.

Wararka Labada Kooxood Ee Ka Hor Kulankan:

Ernesto Valverde ayaa go’aan ka gaadhi doono haddii ay Lionel Messi iyo Luis Suarez fursad u heli doonaan in ay ciyaaraan kulanka Catalan Derby kadib dhaawacyo kala duwan oo ay la soo dhibtoonayeen intii lagu jiray kulamadii caalamiga ahaa.

Luis Suarez ayuu dhaawac ku soo gaadhay guushii Real Betis taas oo keentay in aanu qayb ka noqon waajibaadkii xulka qarankiisa Uruguay halka Lionel Messi uu dhaawac ku soo gaadhay kulankii xulkiisa Argentina ee Venezuala laakiin waxaa la filayaa in qayb ka noqon doonaan kulanka Catalan Derby inkasta oo aan la hubin haddii ay shaxda ku soo bilaaban doonaan.

Laakiin Ousmane Dembele ayaa seegaya kulanka Espanyol isaga oo aan wali ka soo kabsan dhaawicii ku soo gaadhay kulankii Lyon ee UEFA Champions league waxa kale oo Barcelona ka maqnaan doona xidigaha kala ah Jasper Cillessen, Rafinha, Jeison Murillo, Jean-Clair Todibo iyo Thomas Vermaelen.

Ernesto Valverde ayaa xaqiijiyay in ay maamuli doonaan daqiiqadaha uu Lionel Messi ciyaari doono inta xili ciyaareedkan ka hadhsan maadaama oo ay doonayaan in waqti kasta oo suurtogal ah uu daqiiqado nasan karo si ay saddexda koob ugu guulaysan karaan.

Malcom iyo Boateng ayaa heegan ugu jiri doona in shaxda Valverde ku soo bilawdaan haddii macalinka reer Spain uu go’aan ku gaadho in Messi ama Suarez aanu shaxdiisa ku soo bilaabin.

Dhinaca kooxda Espanyol waxa maqnaan doona ama uu shaki ku jiraa saddexda xidig ee kala ah  Sergi Darder, Facundo Ferreyra iyo Javi Puado.

XOGTA KULANKA:

Tartanka: Kulanka 29 aad ee La Liga

Kulanka: Barcelona Vs Espanyol

Garoonka: Camp Nou

Waqtiga: 6:15 Galabnimo Ee Saacada Geeska Afrika

Garsooraha: Carlos Del Cerro Grande

Shaxaha Macquulka Ah Ee Barcelona Vs Espanyol:

Barcelona (4-3-3): Ter Stegen; Roberto, Piqué, Lenglet, Alba; Rakitic, Busquets, Arthur; Coutinho, Lionel Messi, Luis Suárez.

Espanyol (4-4-2): López; Rosales, Naldo, Hermoso, Dídac; Melendo, Sánchez, Granero, Roca; Iglesias, Wu Lei

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here