Barcelona Oo Garoonkeeda Iyo Hareerihiisa Ka Qodaysa 30-Kun Oo Xabaalood Oo Lagu Aaso Taageerayaasha Daacadda U Ah

0
154
Lawadaag Asxaabta...

Masuuliyiinta kooxda kubadda cagta wadanka Spain ee Barcelona ayaa go’aan ku gaadhay in ay taageerayaashooda mukhlisiinta ah ee aadka ugu daacad ah kooxda ay ku dadaalaan sidii aanay marnaba kooxdooda uga fogaadeen xataa marka ay geeriyooodaan iyaga oo go’aan ku gaadhay in ay xabaalo ka diyaariyaan dhinacyada hoose ee garoonka kooxda Barcelona oo lagu magacaabo Nou Camp.

Afhayeenka Xafiiska guddoomiyaha kooxda Barcelona iyo xoghayaha guddida Fulinta ee kooxda Barcelona oo shalay si wada jir ah Barcelona ugu qabtay shir jaraa’id ayaa saxaafadda u soo bandhigay qorshe ay ku doonayaan in ay ugu yaraan 500 oo xabaalood oo loo diyaariyey qaab casri ah laga qodi doono meel aad ugu dhaw rukumada dhinaca galbeed illaa woqooyi ee badka uu ku fadhiyo Garoonka weyn ee kooxda Barcelona Camp Nou, xabaalahaasi oo loo diyaarin doono taageerayaasha waaweyn ee taariikhda ma guurtada ah ku leh kooxda Barceona gaar ahaan odayaasha iyo islaamaha duqoobay ee taageerada kooxda ku caano maalay.

Saraakiisha Barcelona ee shirkan jaraa’id qabtay ayaa saxaafadda u sheegay in ay sannadkan iyo sannadaha soo socda maamulka kooxda u qorshaysan tahay in ay garoonka Barcelona hareerihiisa ka dhisaan ugu yaraan 30-kun oo xabaalood si taageerayaasha kooxda ee caanka ah loogu aaso. Josep Ramon Vidal oo ah maamulaha dhinaca taageerayaasha ee kooxda Barcelona ayaa sheegay in maamulka kooxdu go’aankan qaatay kadib markii ay soo badatay soona noqnoqotay dalabka ka imanaya taageerayaasha koooxda gaar ahaan kuwooda da’da weyn oo ku dardaarmaya in lagu aaso agagaarka garoonka kooxdooda Barcelona ee ay aadka u jecel yihiin.

Vidal waxa uu sheegay in goobta xabaalaha loo diyaariyey ee garoonka Barcelona ku yaalla loo bixiyey magaca “Memorial spies Barcelona FC” waxaana xabaasha kali ah qofku siisanayaa inta u dhaxaysa 4 illaa 6-kun oo Yuuro, waxaana qof kastaa xabaashaasi loo ogol yahay muddo u dhaxaysa 50-99 sano iyada oo wixii intaa ka dambeeya lafaha qofka laga saari doono meel kalena la gayn doono. Waxa xusid mudan in kooxo kale oo waaweyn oo kubadda cagta ahi leeyihii xabaalo u gaar ah taageerayaashooda waxaana naadiyada siyaasaddan ku dhaqma ka mid ah: kooxaha reer Jarmal ee Schalke iyo Hamburg iyo kooxda kubadda cagta wadanka Argentine ee Boca Juniors oo iyadu leh xabaalaha ugu weyn ee koox kubadda cagta ahi u samaysay taageerayaasheeda. Xabaalahan ayaa ah kuwo kaliya lagu aasayo taageerayaasha kooxahan iyada oo aan loo ogolayn qof kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here