Baarlamanka Jigjiga Oo Baddalay Calankii Kililka Magacyda Dawladda Iyo Xisbigana Ka Saaray Magacii Itoobiya Iyo ESTV Oo Saaray Soomaaliyeey Toosoo

0
73
Lawadaag Asxaabta...

Jigjiga, September 8, 2018- (Foore)- Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo kulan muhiim ah isugu yimid shalay oo Jimce ahayd ayaa waxa ay ku ansixiyey go’aanno lagu tilmaamay kuwo masiiri ah oo la hadal hayey in ay go’aan ka gaadhaan tan iyo markii la magacaabay madaxweynaha cusub ee dawlad Deegaanka Soomaalida Mudane Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar).

Baarlamaanka Dawlad Deegaanka oo shalay subax yeeshay fadhi aan caadi ahayn, ayaa sidoo kale waxay ku doorteen afhayeenka baarlamaanka oo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas) iyo sidoo kale Cabdillaahi Siciid Cumar oo isna loo doortay guddoomiyaha maxkamadda guud ee dawlad Deegaanka Soomaalida.

Xubnaha baarlamaanku waxay isku raaceen in magaca dawlad deegaanku uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya.

Waxay kaloo isku raaceen calanka dawlad-deegaanka oo noqonaya mid saddex qayd oo Casaan, Cgaar iyo Caddaan ah ka kooban dhnaca midigna saddex xagal ay ka muuqato xiddigta cad ee shanta gees leh oo ku dhex jirta midabka buluugga ah.

Calankan ayaa ahaa kii laga isticmaali jiray dawlad deegaanka Soomaalida markii la aasaasay ee, waxaase beddelay madaxweynihii hore ee dhawaan xilka ka dagay Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dawlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeedhi doono Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaalida. Halkii uu hore uga ahaa Xisbiga Dimuquraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya.

Dhamaan qodobbadaas ayaa lagu ansixiyey si aqlabiyad ah oo aanay jirin cid diidday iyo cid ka hor timid ama ka aamustay tooni.

Xubnaha baarlamaanka Maamulka Deegaanku waxay in muddo ah ka doodayeen wax ka beddelka heesta calanka iyo maalinta fasaxa, waxayna ugu dambayntii ku heshiiyeen in arrimahaas loo saaro guddi ka soo talo bixiya waxa laga yeelayo ansixintoodana dib loo dhigo.

Qorshayaashan ayaa la hadal hayey tan iyo markii uu hogaanka qabtay Mustafe Cagjar oo noqday ninka baddalay Madaxweynihii hore Cabdi Maxamuud Cumar oo wakhtigan dacwadi kaga socoto Magaalada Addis Ababa.

Dhinaca kale Telefishanka dawlad deegaanka ayaa shalay laga saaray muuqaalka calankan cusub ee la soo celiyey oo ay ku ladheen heesta “Soomaaliyeey Toosoo, Toosoo Isku Tiirsada” oo inta badan laga saari jiray dalkaasi Soomaaliya. Lamase oga in heestan ay u qaadan doonaan baarlamanku iyo in kale.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here