Ardaydii Ugu Horraysay Ee Barta Maamulka Madaarrada Iyo Dekedaha Oo Ka Qalin Jabiyey Koolajka Xirfadaha Ee European Collage

0
149
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, October 08, 2018- (Foore)- In ka badan Labaatan arday oo wiilal iyo habloba isugu jira ayaa markii ugu horraysay taariikhda Somaliland waxa ay barteen xirfadda Maamulka Madaarrada iyo Dekadaha kuwaasi oo maanta shahaahadooyinka aqoonta ay barteena ka qaatay Koolajka caanka ah ee European Collage, waxaana xafladda qalin jabinta ardaydaasi oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee Caasimadda Hargeysa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, Agaasimihii hore ee Duulista Hawada Somaliland, Masuuliyiinta xisbiyada Qaranka Somaliland, Xildhibaano, masuuliyiin ka kala socotay hay’adaha waddaniga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo marti sharaf kale.

Xafladdan oo ahayd tii ugu horraysay ee lagu soo ban dhigo arday baratay xirfadda Maamulka Madaarrada iyo Dekedaha ayaa waxa suurta galiyey Maamulka Koolajkan Mudane Cumar Muuse iyo macallimiinta Koolajkaasi ka hawl gasha oo noqday Koolaj si weyn uga qayb qaatay shaqo abuurka iyo sidii uu dhallinyarada u bari lahaa xirfado ay si degdeg ah ugu shaqo tagaan. Waxaana hore Koolajkan uga baxay in ka badan 200 oo arday oo dhammaantood bartay xirfado qaali ah oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maamuuska Huteellada, Cuntooyinka kala duwan sida loo kariyo iyo xirfado kale oo ay ka mid yihiin farsamada qalabka soollarta iyo dhismaha.

Xafladda maanta ardaydan lagu guddoonsiiyey waxa hadallo kooban ka soo jeediyey Madaxweynaha Koolajka Prof. Cumar Muuse Kaahin, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Hogaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, Maxamuud Raage oo KULMIYE ka socday, Agaasimihii hore ee wasaaradda Duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax, Marwo Rooda Axmed Yaasiin oo ka socotay Komishanka Xuquuqal Insaanka, waalidiinta ardayda, ardayda qalin jabisay iyo marti sharaf kale oo badan.

Dhammaan masuuliyiintani waxa ay isku raaceen oo iska daba mareen Muhiimadda uu Koolajkani ku soo kordhiyay dalka iyo aqoonta xirfadda ah ee uu ardayda barayo taasi oo keentay in ay markaaba shaqo u helaan si degdeg ah wakhti kumannaan arday ah oo jaamacadaha waddanka wax ka bartay maanta camal la’aan ba’an ku sugan yihiin. waxaana wax lagu farxo noqotay in ardaydan maanta qalin jabisay ay ka shaqo gali doonaan durba Shirkadda caalamiga ah ee DPWORD ee maamusha marsada caalamiga ah ee Berbera.

Waxaana gabogabadii halkaasi shahaadooyinka aqoonta ay barteen lagu guddoonsiiyey 25-kii arday ee dhammaystay aqoonta ay qaateen.

Halkan ka Daawo Hadallada Masuuliyiinta Iyo Sawirrada Xafladda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here