Arday Jaamacadeed Oo Safar Dalxiis Ah Kharashaadkiisii Ugu Tabarucay Nadiifiyihii Jaamacadooda Iyo Ammaanta Ay Ku Heleen

0
84
Lawadaag Asxaabta...

Nin nadiifiye ka ah jaamacad ayaa dalxiis u tagay dalka Jamaica ka dib markii arday ay u aruuriyeen 1,500 oo giniga istarliinka ah. Arrintaasi oo noqotay mid ay badiba warbaahinta waddanka Ingiriisku gaar ahaan iyo guud ahaan warbaahinta dunidu aad uga warrameen.

Ninkan ayaa dalxiis u baxay markii koobaad muddo toban sano ah isaga oo aan marnaba filayn in uu dalxiiskaasi u tagi doono dalka uu asal ahaan ka soo jeeday maadaama uu yahay nin sabool ah oo aan iska bixin karayn takaaliifta safarka.

Arday lagu qiyaasay 230 oo dhigata jaamacadda University of Bristol ayaa lacagtan isku dardaray waxayna dalxiis ugu direen Herman Gordon iyo xaaskiisa Denise. Si ay uga caawiyaan in ay fasaxooda soo raaxaystaan oo ay dalxiis u tagaan Jamaica.

Gordon ayaa yidhi “Allaha idin barakeeyo dhammaantiin. Idinkoo dhan hortiina ayaad ka heli doontaan, waxaana dareemayaa maalqabeennimo”.

Muuqaal laga duubay nadiifiyaha oo farxad la ilmaynaya markii loo sheegay in dalxiis la gaynayo ayay dadku aad isula wadaageen bishii Juun ee aan soo dhaafnay. Gordon oo ka mid ah nadiifiyeyaasha jaamacadda Bristol University ayaa halkaas ka shaqeeyay 12 sano, xaaskiisuna waxay ku noolayd magaalada Montego Bay ee dalka Jamaica.

Denise ayaa u mahad celisay ardayda “waxaan idiinka mahad celinayaa haddiya aad aniga iyo Herman na siiseen” ayay tidhi Qoraal baraha bulshada la soo dhigay ayaa lagu qoray Gordon “waa qofka ugu farxadda badan ee aan waligay la kulmay” waxaana intaas lagu daray haddii aad rabto in aad muusooto aadoo daqiiqad ama labo la kulan.

Hadi Al-Zubaidi oo 20 jir ah oo caafimaadka ka barta Bristol ayaa maalintii labaadna isaga oo magaca qarinaya sheegay in uu lacag u aruurinayo”. Lacagtii uu qabsaday in uu aruurinayana hal toddobaad ayuu ku helay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here