Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo Laba Arrin Mid Uun Ku Sifeeyay Ujeedada Wakhtigan Xukuumadda Ay Dibadda Uga Oo Baxday Dayn 80-Milyan Oo Ay Xukuumaddii Hore Ka Tagtay

0
60
Lawadaag Asxaabta...

“Waxa Jira Laba Nooc Oo Tuuganimadda Ah, Mid Si Toos Ah Ayuu U Xadaa Wixii Markaa Yaalla. Hadaba Waxa Jira Tuug Nooc Kale Ah..

Hargeysa, February 7, 2019- (Foore)- Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen Oo ka mid ah Siyaasiyiinta Waa weyn ee Somaliland, islamarkaana ka tirsan Xisbi Xaakimka Talada Dalka haya ee Kulmiye ayaa si gaar ah uga hadlay Dayntan 80-Milyan ee Dollar ah ee hadda ka soo baxday Xukuumadda ee la sheegay inay kala wareegtay Xukuumaddii hore ee waliba hadal haynta badan abuurtay. Kadib markii uu Qarxiyay Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka tirsan Gudida dabagalka Hantida Qaranka ee Golaha Wakiiladda, Dayn dhan 80-Milyan oo dollar ah oo ay Xukuumaddani la daalaa dhacayso oo ay kala wareegtay Xukuumaddii hore, sheegayna in Wasiir sacad oo ay kulan la qaateen oo markaa barbarkiisa taagnaa uu arintani u sheegay ayaa waxa durbadii soo baxay Guux iyo sawaxan ay Xukuumaddu ka xumaatay qaabka arintaasi loo sheegay. Waxa kale oo si weyn loogu faaqiday baraha Xidhiidhka bulshada iyadoo doodo badani ka dhasheen sababta uu Madaxweyne Biixi u sheegi waayay dayntan ee uu u qarsaday iyo sida aanay wali Xukuumaddu u jeclayn inay Bulshada tafaasiil kasiiso arintani. Dareeni kala duwan ayaa ka dhashay.

Hadaba Aqooyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Qoraal kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebookga ee uu Bulshada kala xidhiidho waxa uu si cajiib ah oo maldahan uga hadlay Dayntani hadal haynta badan keentay ee waliba ay Xukuumaddii hore dafirtay ee ay sheegtay inaanay wax dayn ah oo ay ku wareejisay jirin Xukuumaddan. Waxa uu ku masalay Nooc Tuuganimada ka mid ah inay tahay, isagoo sheegay inay aduunyada jiraan laba khidadood oo Tuuganimada lagu arooriyo, isagoo qoraalkiisa ku sheegay inay tani u sansaan egtahay Nooca ugu halista badan Tuuganimadda ee waliba Hanti badan lagu dhici karo.

Waxa uu u dhigay Qoraalkiisa sidan“Waxa Jira Laba Nooc Oo Tuuganimadda Ah, Mid Si Toos Ah Ayuu U Xadaa Wixii Markaa Yaalla. Hadaba Waxa Jira Tuug Nooc Kale Ah Oo Isagu Intaanu Waxba Xadin Qorshaheeda Sii Bilaaba Oo Dadka Ka Sii Dhaadhiciya Inay Lacagtaasi Maqan Tahay. Hadaba Nooca Danbe Ayaa Khatar Ah, Hungurigiisuna Wuu Ka Weyn Yahay Tuuga Waxa Yaala Xada. Hadabba Waxba Garan Maynee Si Alle U Daa”. Ayuu ku yidhi Qoraalkiisa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here