Aqoon Yahankii Ambaday- Qalinka: Cabdicasiis Maxamuud Yuusuf (Zaciim)

0
31
Lawadaag Asxaabta...

Sannadkii hore jiif ayuu ku laastay isaga oo nafta ku sasabaya wakhtibadan ayaad wax soo baranaysaye naso. Hooyaddii iyo Aabbihii may baran Qalin iyo Qoraaltoona, waxay u haystaan haddii uu ruuxu Tacliin iyo Dhigaal barto in uu hore ka Shaqo tagayo.

Aabbihii waa nin weyn oo hawl gab ah, waa Farsamo yaqaan Muruq-maal ah, waa Foormaan maalin kaliya aan ku qadin Muruqiisa, hase ahaatee hadda Xooggiisii waa Cimriyey, Xoog iyo Xiniin wixii uu hayey waxa uu  galiyey Wiilkiisa siddii uu ulla qaybsan lahaa aynigiisa, filkiisa, asaagii, qayrkii Ceelka Tacliinta iyo ku tartanka horumarka nolosha Bulsho.

Isna kama dhaggo adaygin maalinkaliya lagumana canaanan sagsaag amma googaysnimo dhinaca Waxbarasho, diranne Tacliimeed ayuu ahaa, muddiic waalid ayuu ahaa, maalinta uu Qalin badashay ayaa nasasho kuugu horaysa ayuu islahaa Aabbihii, Sanadkii labada ayuu fooda galiyey, hadana kii saddexaad ayaa ku dhaafay isaga oo aan koobshaaha caday. oo aan wali Shaqo helin, Shaqo la’aantu waa Cudur haleela qofka shaqada waaya, waxa ay saamayn ku samaysaa qofka shaqada beela. waxa laga yaabaa nolosha qof ka oo hanaan u taalay in ay hab kale u dhigto.

Hadduu Guriga joogo, iyo hadduu Suuqqa joogaba, diiqad nafeed ayuu dareemaa. hase ahaatee awal markii uu iskuulka iyo Jaamacada waday wuxuu ahaa Suldaan boqran, hadda wuu dhameeyey Jaamacaddii. Shaqona ma hayo Sannadkii hore waxa uu ku ididiiloon jiray baray khayr noqon, Sannad markii uu suuqqa u soo baxay ayuu wax badan bartay, awal Xaalkiisu waxa uu ahaa Cun, Cab, xidho, Baro oo Dadaal, ogobeey iyaba waa hawl mashquul keedda iyo hawsheeda le iyaduba, Sannado badan ayuu ku hawlanaa. maa uu aqoon meel laga shaqo raadsado. iyo si loo Shaqo raad sado midna. markii uu Jamacadda dhameeyey ayuu bilaabay Fikir shaqo raadis, goobkasta, Gidaar walba, wuxuu dhigay Waraaqihiisa shaqo raadis. Hay’ad wal iyo Shirkad walba wuu dhigay Shahaadooyinkiisii, Maankiisa waxa ku jira siyar oo sahal ah uun baa laguu soo wici Shaqana waad heli maadaama aad tahay nin aqoon le, mana yaqaan qaabka la isku Shaqaalaysiiyo in ay ka duwan tahay midan uu isagu wax u raadinayo,oo ah Cv ku meel mar, yaab!.

Nimankii ay isku Fasalka ahaayeen ayuu arkaa iyaga oo fadhiya Boosas sarsare oo Shaqo ah, amma Hay’ado madax ka ah wuu yaabaa wuxuu fahmi kari waayaa sabata Saaxiibaddii  Shaqo u heleen isna uu Shaqo u waayey, marka uu waydiiyo ee uu yidhaa “Jaalle yaal sidee ayaad shaqadan ku hesheen”? waxa ay ugu jawaaban “walaal waxa uu ahaa Boos la soo xayaysiiyey dabadeedna anna waan soo codsanay imtixaan ayaannu galay waan ku soo baxay bacdigeed”. waa miskiin daacad ah run ayuu uga qaataa, ma dareensana in inta qoorta la soo qabtay qaraabo kiil iyo eex lagu geeyey, imtixaan macal qabadana laga qaaday.

Wuxuu saluuggaa Tacliintii aqoontii uu ku soo qaatay Iskuulada, Jaamacadaha iyo sababta uu ugu soo bixi la’aayahay.

Baahiyaha wiilka hadda nooli waa ka baahiyo badan yahay kii hore tusaale, wuxuu u baahan yahaya basraac, baalash, lacag Telefoo oo kala ah “internet charge”, “prepare charge” iyo shaah. waa inta joogtada ah,waliba waa wiilka aan balwada iyo balaayada qabin, kaa hadalkiisa daa!.

Cadaadiska waxa kaga dara  islaamaha Hooyadii soo booqana ee leh wiilkaagi ma shaqeeyaa? maya! wali shaqo ma helin. oo ina hebal iyo ina hebalba sawkuwa shaqeeya ee reerkoodii keenay, laakin waa iska calaf wuu iska heli doonaa ayuu daarada iyo daaqadaha ka maqlaa, marka uu guriga joogo. hadduu is yidhaa, yara bax oo meelahaa bal koob yar oo qaxwe ah jac ka soo sii, jeebkiisa way is daayeen gacantaba in galiyo mar uu qalin amma war qad kala soo baxayo mooyee. subxaanak yaa cadiim! raga bahashu u daranaa waa shaqo la’aanta e, waalidkii waa ka xishoodaa in uu wax waydiiyo. halkaa marka uu marayo ayuu bilaabaa Su’aalo tirto beel ah hal celintoodana ay ku keento Kasmadiisa tahliwaa aan ka ahayn in khaladka in saaro dalka iyo in uu canaanto madaxda dadka iyo dalka, waxa gasha cadho, buuq iyo dabeeco xummo iyo buuftaan nafeed.waa halka ay ku kala hadhaan dhalintu mar ka ay duruuftaasi  soo food saarto, mid ayey u leexisaa balwado iyo wax kale, halka qaar ay adkaystaan.

Intaa waxa xigta in uu ka shakiyo Tacliintii uu Sannado badan uu u guuro bahalaynayay, marka uu ku soo bixi waayaba hal Imtixaan, halka ay inamadii uu ka tacliin iyo mustawe wanaagsanaa Xafiis Kursi weyn ayey kolba dhinac isugu wareejinayo,waxa uu isku laab qaboojiyaa waa Qoraal waxani, Qoraal xagee ah? Samada, haa samo aa!

Hal Imtixaan kuma soo baxo, kamana ilbaxo xaraynteeda, Caaqil, Suldaan, Siyaasi ma yaqaan ka wasteeya meel u shaqo tago, marka ay Nuur iyo Naaleeye ay wada Sheekaysanayaan waa laba ay isku Fasal ahaayeene mid waliba waxa uu yidhaa, “waar orodoo Caaqilkiina amma Suldaankiina, amma Siyaasigiina u yeedho meel uun haku geeyee”. odayga reer kayagu waxna ma qorro waxna ma akhriyo, sideen isku daba wadaa oday aan waxna qorin waxna akhriyin anoo intaasoo dhan wax soo dhiganayay?. Hadaba waa yeelkaaye soo leef Hawada.

Ugudanbayntii muddo marka uu intaa ku jiro ee waxna isbadali waayaan waa uu tacabiraa  oo biimeeyaa Naftiisa iskuna dhigaa haadda iyo libaax-badeeda badwaynta iyo saxaraha liibiya.
Qore Abdi-azis (Zaciimka)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here