Aqlabiyadda Golaha Deegaanka Gabiley Oo Diyaariyay Mooshin Ka Dhan Ah Maayarkooda, Kuna Eedeeyay Inuu Ku Kacay Musuq Maasuq Uu Ku Lunsaday Lacago

0
53
Lawadaag Asxaabta...

Gabiley, July 14, 2018- (Foore)- Xildhibaan Maxamed Amiin Cali oo ka tirsan Golaha Deegaanka Gabiley ayaa shaaca ka qaaday inay Xildhibaano uu ka mid yahay ay diyaariyeen Mooshin ay xilka kaga xayuubinayaan Maayarka Golaha Deegaanka Gabiley Maxamed Aamiin Cumar,waxaana uu ku eedeeyay inuu ku kacay musuq maasuq baahsan iyo wax isdaba marin,Waxa uu sidoo kale sheegay inay tiradii la rabay ee Xildhibaanada ahaa u dhan yihiin islamarkaana ay dalbadeen Kalfadhi aan caadi ahayn oo ay Golaha kalsoonida u waydiiinayaan Maayarka,Waxa kale oo uu fariimo u diray Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Badhasaabka Gobolka Gabiley.

Xildhiban Maxamed Aamin Cali oo Warbaahinta Shalay u akhriyay Warqada ay ku dalbadeen Mooshinka Xil ka xayuubinta Maayarka iyo sababta ayaa waxa uu yidhi“Waxa wax lagu qoslo ah inuu maanta maayirkii Foojargareeyo Mooshinkii Saxaafadda iyo Cid waliba goobjooga u ahayd,ee aanu u gudbinay, maanta waxaanu halkan Bulshada uga cadaynaynaa inaanu anagu mooshinkaasi keenay,waxaan doonayaa oo aan bulshada halkan ugu soo bandhigayaa arimaha aanu u cuskanay Mooshinkayaga,anagoo eegayna Masuuliyadda naga saaran Illaalinta Hantida umadda,anagoo ogsoon inaanay suurtagal ahayn inaanu wax ka qabano Baahiyaadka Bulshada inta uu jiro Musuq maasuqa baahsan ee uu Maayarka Gabiley ku hayo Hantida umadda islamarkaana uu ku lunsanayo Malaayiin lacagtii loogu talo galay inaanu ku fulino Mashaariicda iyo adeegyada Bulshada,sidaasi darteed waxaanu go’aansanay inaanu keeno Mooshinkayaga ku saabsan Shir aan Caadi ahayn,oo codka kalsoonida loogu qaadayo Maayarka”.

Waxa kale oo uu yidhi“Anagoo Mooshinkayagan u cuskanay Qodobka 66-Aad,Farqadiis 2-Aad,oo dhigaysa qaabka iyo hanaanka loo marayo Mooshinka iyo xilka qaadiska Maayirka iyo Maayar ku xigeenka,todobadii Xildhibaan ee Sharcigani iyo Xeerkani uu waajibiyay ayaanu ku soo jeedinayay,Waa muddo sadex cisho gudahood ah,sida uu sharcigani dhigayo,haddii uu qaban waayo Waxa la wareegaya Masuuliyaddaasi Badhasaabka,haddii uu badhasaabku qaban waayo waxa ay arintaasi u taalaa oo shaqadeedii tahay Wasaaradda Arimaha Gudaha,Sharciga ayaanu u marnay”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi“Markaa waxaanu bulshada u cadaynaynaa in markii aanu aragnay Musuq Maasuqa Baahsan ee uu Maayarku ku hayo Hantida Umadda,markii aanu aragnay in qorshihii iyo arimihii wax laga qaban lahaa inuu musuqay Maayarku,anaga ayaa go’aansanay inaanu keeno Mooshinka sharciga ah oo awood noo siinaya,umaddana anaga ayaa wakiil uga ah,inaanu ilaalino Hantida umadda”. Ayuu yidhi Xildhibaankani mar uu la hadlayay Telefishanka HCTV.

Halkan Ka Daawo Hadalka Xildhibaanka:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here