“Anigu Illaa 1992-Kii Somaliland Siyaabo Kale Duwan Ayaan Uga Soo Shaqeeyay, Mar Aan Siyaasad Kujiray Iyo Maraan Xubin Firfircoon Ahaa, Maanta Maalin Ay Kaga Xun Tahay Majirto”…….Guddoomiye Faysal Cali Waraabe

0
52
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 7, 2018- (Foore)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaarid ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa ka dayriyay Xaalada ay maanta Somaliland marayso siyaasad ahaan iyo diblomaasiyad ahaan, waxa kale oo uu Xisbiyadda KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyay inay nidaam qabiil doorashada ku soo ololeeyeen islamarkaana ay arintaasi saamayn xun ku yeelatay Geedi socodkii Somaliland oo shirkaasi Gacan libaax ku soo gabagaboobay uu tusaale u yahay,waxa kale oo uu ka hadlay Dagaalka Tukoraq ee ay Ciidamada Somaliland iyo Soomaaliya isku hor fadhiyaan.

Eng Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa u ugu horayn hadalkiisa ku bilaabay sidan“Labada Xisbi ee WADDANI Iyo  KULMIYE Qabiil ayay ku ololeeyeen,kii waayay waakaasi fadhiistay Shirkii Gacan libaax,kii kalena waaka Madaxtooyadda Fadhiya,Markaa labadaasi Qabiil sidii aan iskugu keeni lahayn ayaa loo baahan yahay,yaanay inagu dumine,oo qoloda Madaxtooyaddu hakasoo dejiso dad  gacan libaax Markaa inagu aan isku samayno ayaa loo baahan yahay, Anigu Illaa 1992-Kii Somaliland Siyaabo Kale Duwan Ayaan Uga Soo Shaqeeyay,Mar Aan Siyaasad Kujiray Iyo Maraan Xubin Firfircoon Ahaa,Maanta Maalin Ay Kaga Xun Tahay Majirto”.

Waxa kale oo uu yidhi“hadda dagaal ayaan kujirnaa,Qoloda aan la dagaalamaynaa dad iyo haween iyo sheekhba dagaalka way kujiraan,inaga arintaasi inagumaba jirto,oo maba ogin, wadaadkeenii waxa uu leeyahay Dagaalka hala joojiyo,Kii xagaasi kasoo jeedayna waa uu usoo cabaynayaa, Suldaankeenii waxa uu leeyahay Dagaalka hala joojiyo, kii xagaasina sahaydii ayuu u soo wadaa, markaa dhinaca shacbiga iyo Diblomaasiyadda labadiiba waa la inagaga horeeyaa,oo dhinaca abaabulka diblomaasiyadda iyo hawlaha kaleba waa la inagaga horeeyaa, oo inagii dhibanaha ahaa ee la soo weerarayay ayaa la inaga dhigay inaan inagu dhibta gaysanayno”. Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here