Andreas Pereira Oo Ka Warbixiyay In Talo Uu Ka Diiday Jose Mourinho Ay Tahay Sirta Ka Dambeysa Hormarka Uu Sameeyay

0
55
Lawadaag Asxaabta...

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Manchester United Andreas Pereira ayaa sheegay shalay oo Jimce ahayd, in amaahdii uu ugu biiray kooxaha Granada iyo Valencia labadii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay, in ay si weyn uga caawisay in uu hormar kaga sameeyo kooxda u tartameysa horyaalka Premier League. Andreas Pereira oo haatan da’adiisu tahay 22 jir ayaa kulankiisa ugu horyaalka Premier League wuxuu kaga soo muuqday kooxda Manchester United jimcihii lasoo dhaafay waxayna guul ka gaadheen Leicester City.

wuxuuna amaan ka helay tababare Jose Mourinho, kulamadii diyaar garoowga ee kahor xili ciyaareedka cusub. Ciyaaryahankan ayaa sheegay inuu iska diiday talada macalinkiisa si uu kooxda u sii joogo, sanadkii hore, laakiin wuxuu go’aansaday inuu ugu dhaqaaqo kooxda Valencia heshiis amaah ah, wuxuuna muujiyay sida uu ugu saxnaa go’aankii uu qaatay. Xidiaga khadka dhexe kooxda Manchester United ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” ee dalka England wuxuu ku sheegay:

“Waxay ahayd arin aad u adag inaan gaaro go’aankan, marka uu kaa codsado Mourinho oo ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan aduunka inaad joogto, laakiin aad go’aansato inaad baxdo, waxaan u maleenayaa inuu yahay go’aan aad u adag”. Andreas Pereira ayaa wuxuu hadalkiisa intaas sii raaciyay: “Waxaan ka walwalsanaa talaabadan aan qaaday, laakiin waa mid faa’iido badan leh, waxaan ku qaatay sanad wanaagsan kooxda Valencia, qaab ciyaareedkeyga xili ciyaareedkan aad ayuu u hormaray, marka loo fiiriyo kii lasoo dhaafay”. Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa rajeynaya inuu booskiisa sii wado shaxda Manchester United, kadib kulankooda  labaad ay xili ciyaareedkan kula ciyaari doonaan horyaalka Premier League kooxda Brighton & Hove Albion maalinka Axada ee Berri ah oo ay isku beegan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here