Amnesty Oo Sheegtay In Xukunnadii Dilka Ahaa Ee Adduunku Hoos U Dhacday Iyo Dalka Dilka Daldalaadda Ah Ugu Badan

0
167

London (Foore)– Hay’adda Xuquuqda Aadanaha Amnesty International ee Fadhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa soo saartay warbixin ay kaga hadleyso hoos u dhac ku yimid xukunnada dilka toogashada ah ama daldalaada ah marka loo fiiriyo Sanadkii 2017.

Amnesty International ayaa sheegtay inay hoos u dhacday xukunka dilka Toogashada ah ee la fuliyey Sannadkii 2018 marka loo fiiriyo Sanadkii 2017, waxaana hoos dhaca xukunnada dilka ku yimid hoggaanka u haya dalalka China, Iiraan, Sacuudiga iyo Soomaaliya oo ahaa waddamadii hoggaanka ku hayey Xukumada dilka ah ee Caalamka ka dhaca.

Sanadkii 2017 ayaa waxaa Xukun dil ah lagu fuliyey 993 qof sida lagu sheegay Warbixinta Amnesty International, halka Sanadkii 2018 Xukuno dil ah lagu fuliyey 690 qof taasoo ka dhigan in 31% ay u dhaceyn Xukunnada dilalka ee laga fuliyo Caalamka.

Amnesty International ayaa xustay in wadamada ay kamid yihiin Belarus, Japan, Singapore, South Sudan iyo Mareykanka ay sare u kaceyn Xukunada dilka ah ee laga fuliyo.
Dalka Shiinaha ayey Hey’addu sheegtay in Xukunnada dilka ah ay hoos u dhaceen illaa 50% taasoo ka dhigan inay Shiinaha wax ka baddal ku sameysay Sharciyada xukunnada Dilka ee dalkaas u yaallay.

Sidoo kale Hey’adda ayaa Liiska Wadamada ay Xukunnada dilalka hoo u dhaceyn kusoo dartay dalalka Soomaaliya, Ciraaq iyo Pakistan.

Warbixinta Amnesty International, gaar ahaan qeybta Soomaaliya ee ka hadleyso inay Xukunada dilalka hoos u dhaceyn ayaa banaanka usoo bixisay hadal heyntii ku aadaneyd inuu Madaxweyne Farmaajo diiday saxiixa Xukunnada Dilalka maadaama uu heysto Dhalasho dalka Mareykanka.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askar, xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo dad shacab ah oo dil geystay Xukun dil ah illaa haddana ma jirto qof lagu fuliyey Xukun dil toogsho ah taasoo fududeysay inay soo bataan dilalka Muqdisho ay geystaan Shabaab iyo Ciidamada Dowladda maadaama aysan jirin xukun ay ka cabsanayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here