Akhri “Qaraarka Maxkamadda Sare Kasoo Saartay Muranka Wasaaradda Tacliinta Iyo Dugsiyada Gaar Ah, Waa Mid Qayrul Sharci Ah” Garyaqan Yuusuf Biixi.

0
107

Akhri Si Aad U Fahanto Muranka Wasaaradda Tacliinta, Dugsiyadda Gaarka Loo Leeyahay, Maxaase Ka Qaldan Go’aanka Maxkamadda Sare

Hargeysa: Garyaqaan Yuusuf Biixi Oo oo ka tirsan Ururka Qareenadda Somaliland, islamarkaana hore u soo noqday Xeer ilaaliye ku xigeen ayaa Si Dhamaystiran Usoo Bandhigay Qaladaadka Sharci Ee ku gadaaman Muranka Wasaaradda Tacliinta, Dugsiyadd Gaarka Loo Leeyahay Iyo Qabyadda Go’aanka Maxkamadda Sare.

Lafa-gur Sharci: Lafa-Gur Sharci oo la Xidhiidha Qaraarka Maxkamadda Saaray ka soosaartey Khilaafka u dhaxeeya Dugsiyada Gaarka loo leeyahey iyo Wasaarada Waxbarashada & Sayniska oo Lagu Muransanaa.

Halkan waxa aan ku soo gudbinaya falaqeyn aan ka sameeyey Qaraarka Maamul ee ka soo baxey Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ee Sumadiisu tahey MS/GMS/G-7/523/2019 ee soo baxey 22/10/2019. Qaraarkaas oo la xidhiidhey khilaaf ka dhex taagna Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska, iyo Dugsiyada Gaarka loo leeyahey, lana xidhiidhey Xeer Nidaamiye ay Wasaaradu soo saartey oo tixraaciisu yahey moe/s/01/186/18, soona baxey 30/11/2018, inuu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada Qaranka XLR 77/2018. Iyo Go’aan Maamul oo ka soo baxey Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee tirsigiisu yahey PSc/22/09/2019, ee ku taariikhaysan 15/10/2019. Go’aankaas oo ah digniin inay dugsiyada Gaarka loo leeyahey ruqsada cusbooneysiin qaatan muddo bil Gudaheed ah, isla markaana u hogaansaman nidaamka iyo xeerarka Waxbarashada, dugsigii diida inuu ruqsada cusbooneysiinta sanadlaha ahna laga joojin doono imtixaanka Shahaadiga ah, sidoo kalena laga laalayo ruqsada waxbarasho.

Ka hor arintani inta aynaan u galin Qaraarka Maamul ee  Maxkamadda Sare,   dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxey cabashadoodan u gudbiyeen Golaha Wakiilada iyo Guurtida, oo ka soo kala saarey Go’aano ay ku sheegayan in Xeer Nidaamiyuhu Khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada. si kooban su’aashu waxey tahey Guurtida iyo Wakiilada oo leysku yidhaah Baarlamaanku ma ka go’aan gaadhi karaan hadii iskhilaaf uu ku yimaado Xeer iyo Xeer Nidaamiyihiisa? Jawaabta oo kooban waa maya, madama ay yihiin Hayad Sharci Dajin.  Waxana awoodahooga qeexaya Qodobadda 53, 54, 55, iyo 61 ee Dastuurka Qaranka Jsl.

Halkaa waxa ka muuqata marka horeba meesha ay dacwada u gudbisteen Dugsiyada Gaarka loo leeyahey inay khaldaneyd oo jidka ay ka habaabsanayen Golaha Baarlamaankuna kamuu joogsan arinkaas, kumuna koobnaan awoodahiisa Dastuuriga ah, ee wuu iska galey, go’aamana wuu ka soo saarey!., go’aanadaas oo ah kuwo baalmarsan Sharciga iyagoo ku xadgudbay Qodobada.97,98 Ee Dastuurka oo sheegaya marka hay’adaha dawlada iyo dadka shicibka ah is dacwaynayaan inay u garsoorayso Maxkamaddu ee aanay soo dhex gali Karin awood kale.

Si kastaba ha ahaatee  ugu danbeyn dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxey cabashadooda usoo gudbisteen Maxkamadda sare, oo guud ahaan marka loo eego ah meesha saxda ee ay tahey iney khilaafyada noocan oo kale ah ka go’aan gaadho, sida ku cad Qodobadda 97 iyo 98 ee Dastuurka JSL.  Balse nasiib darooyin kale oo hor leh ayaa hadana ka soo if baxey qaabka loo maamuley dacwadoodaas iyo guud ahaan sidii loo baalmaray murankii sharci.

Ujeedada laffa gurka qoraalkani sharci lama xidhiidho inaan gudo galo dulucda la xidhiidha inay is khilaafsan yihiin Xeer-Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka ah iyo Xeerka Waxbarashada Qaranka.

Balse lafa-gurkan sharci waxa uu ku kooban tahey oo kaliya nidaamka sharci ee ay Maxkamaddu uga go’aan gaadhey Qaraarkeedan Maamul; waxana aan isku dayi doona lafagurka sharci inuu ka jawaabo  su,aalahan sharci .

  1. Qaraarkani ma yahey mid sharciga waafaqsan mise waa mid iska hor imanaya?
  2. Qaraarkan Maxkamada sare ma sameeyey tafsiir sharci oo ma ka jawaabayaa Xeerka Guud iyo xeer nidaamiyaha inay is khilaafsan yihiin iyo inay is waafaqsan yihiin iyo qodobada ka hor imanaya xeerka guud

Si aad qoraalkan u fahanto waxa aad u baahantahey inaad akhrido lifaaqa dambe ee ah Qaraarka Maamul ee ay Maxkamaddu soo saartey, madama uu yahey ka halkan aynu ku lafo gureyno.

Waana sidan faaladeyda la xidhiidha Qaraarka Maamul ee Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ee Sumadiisu tahey MS/GMS/G-7/523/2019 ee soo baxey 22/10/2019

  1. Ugu horeyn, waxaan kala cadeyn in Gudida Dugsiyada Gaarka loo leeyahey  cida lagu sheegayo ay Maxkamadda Sare Qaybteeda Idaariga u soo Gudbiyeen arji cabasho amase uu ahaa Arji dacwad furasho, sababtoo ah Qaraarka Maamul ee Maxkamadda sare waxa is dhex socda oo ka wada muuqda in meelaha qaarna ay ku sheegayso arji cabasho sida ku qoran asbaabta ugu horeysa ee qaraarka, isla markaana ay meelo kale ku sheegeyso arjiga dacwad furasho sida ka muuqata farqada 1-aad ee Go’aanka Qaraarka Maamulka ee dacwad Furashada.
  2. Maxkamaddu waxaad mooda iney aqoonsatey Gudi Dugsiyada Gaarka loo leeyahey “waxa is weydiin leh” ma jirtaa dalad ay ku midoobeen Dugsiyada Gaarka loo leeyahey, oo Gudidan siineysa jiritaan sharci[legal Entity], jawaabta oo kooban waa Maya.
  3. Nuxurka arjiga ama cabasho  noocu doonaba ha ahaade ee ay soo gudbisteen cidan lagu sheegayo Gudida Dugsiyada Gaarka loo leeyahey waxa ku xusan ee ay ka cabanayaan  waa laba arimood:
  4. Xeer Nidaamiyaha waxbarashada Gaarka ah – (ref moe/s/01/186/18, soo baxey 30/11/2018)
  5. Go’aan Maamul oo ka soo baxey Wasaarada Waxbarashada iyo Sayniska ee tirsigiisu yahey PSc/22/09/2019, ee ku taariikhaysan 15/10/2019.

    Labadan arimood ee is huwan dabeecada dacwad ee ay noqonayan waa ay kala duwan tahey (nature of the case), oo marka ay go’aanka Maamul ee Wasaarada Waxbarashada ka dacwoonayan, nooca dacwaddu waa mid Idaari ah (administrative case) waxana laga furanaya Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ah sida ku cad Qodobadda 9aad(4)(c) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka XLR 24/2003.

     

    Balse marka ay ka dacwoonayan in Xeer-Nidaamiyuhu ka hor imanayo Xeerka Waxbarashada Qaranka XLR 772018. Gaar ahaan qodobadda 4aad, 5aad (2), 10aad (1), 11aad (8,10,11), 14aad, 15aad, 16aad (8,10), 17aad (3) iyo 23aad. Dacwaddan nooceedu waa mid la xidhiidha fasiraad sharci, madama loo baahanyahey inay Maxkamaddu eegto kana soo saarto fasiraad la xidhiidha in Xeer Nidaamiyuhu uu ka hor imanayo Xeerka Waxbarasahda iyo inkale.  dacwadaas oo hoos tageysa Maxkamadda Dastuuriga ah, sida ku cad Qodobka 6aad (4)(b) ee Xeerka Nidaamka Garsoorka XLR 24/2003, oo dhigaya “inay macnayso fasirtana Dastuurka iyo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmayo, marka laysku qabto ujeedadooda”

     

    Labada dacwaddood ee qaybaha kala duwan ee Maxkamadda kala hoos tagaya ayey meel isku geeyeen Gudidaa Dugsiyada Gaarka ah cida sheeganeysa, taasi oo marka horeba nidaam daro ah.

     

    Maxkamadduna kuma ay xusin Qaraarkeeda in labada arimood ee ay ka cabanayaan ay tahey laba arimood oo aan hal dacwad la wadaajin karin madama uu kala duwan yahey dabeecadooda dacwad ahaaneed.

     

    Waxa arin lala yaabo ah, arinta la xidhiidha ka cabashada Go’aanka Maamul ee Wasaarada Waxbarashada ay Maxkamaddu xustey in Wasaaradu awood u leedahey wax ka qabashadeeda, isla markaana ay Maxkamaddu Wasaarada u deysay iney ka go’aan gaadho, sida ka muuqata farqadda 1aad ee go’aanka Qaraarka Maamul. Taa oo macnaheedu yahey Wasaarada Go’aankeeda waa ay ku socon kartaa fulintiisa waana ay hakin karta madama go’aanka Wasaarada loo daayey waxka qabashadiisa. Waxana xusid mudan in go’aanka Wasaaradu ee cusbooneysiinta Ruqsada ee sanadlaha ah ay ka mid tahey waxyaalaha ay diidanayan dugsiyada gaarka loo leeyahey qaar ka mid ah, waana qodobadda xeernidaamiyaha ku jira ee khilaafku ka taaganyahey, gaar ahaan qodobka 5 ee Xeer Nidaamiyaha.

     

    Maxkamadu go’aankeeda la xidhiidha arinka xeer Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahey, kuna fareyso Wasaarada Waxbarashadu inay dib u eegis ay ku sameyso Xeernidaamiyahaas.

     

    Taas macnaheedu waxay noqoneysa in  dacwaddi idaariga aheyd Maxkamaddu waa ay diidey, balse mid aan idaari aheyn oo la xidhiidha fasaarida sharci ee inay is khilaafsan yihiin Xeer-nidaamiyaha iyo Xeerka Waxbarasahadu ay go’aan ka soo saartey. Iyadoo adeegsaneysa magaca Maxkamadda Sare Qaybta Idaariga ah, hadaba su’aashu waxay ma arin idaari ah ba marka dacwadu la xidhiidho in Xeer Nidaamiye ka hor imanayo ama khilaafsanyahey Xeerki asalka u ahaa?

     

    Waa arin is diido ah, madama uu Qaraarkani ka soo baxey Maxkamadda Sare qaybta Idaariga ah, go’aankuna u la xidhiidho arin ay aheyd in fasiraad Maxkamadda Dastuuriga ah ka soo saarto iney is khilaafsan yihiin Xeer Nidaamiyaha iyo Xeerka Waxabrasahda iyo inkale.

     

  6. Waxa kale oo is khilaafsan iney Maxkamadu Qaraariso in Go’aankana wasaarada loo daayey wax ka qabashadiisa, halka  xeer nidaamiyahana dib ha loo eego la farayo Wasaarada iyadoo lagu ciladeynayo inuu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada waa laba arimood oo iska hor imanaya, madama go’aanka qayb ka mid ahi Xeer Nidaamiyaha ku dhisantahey. Oo uu leeyahehey “Dugsiga ruqsada sanadlaha ah diida, imtixaanada shahaadiga ah ayaa laga joojin isla markaana ruqsadana dugsina waa laga laali!.

  7. waxa kale oo arin lala yaabo ah, in Maxkamadda Sare  ay Qaraarisey iney Diidey Arjiga dacwad furashada ee ay soo gudbisteen Gudida  Dugsiyada Gaarka loo leeyahey. Halka ay ka raacisey hadana iney qayb ahaan ogaalatey cabashadooda. Taa macnaheedu waxa ay tahey inay is khilaafsan yihiin farqada 1aad iyo farqadaha 2aad iyo 3aad ee isla go’aanka Qaraarka Maamul ee Maxkamaddu.

    Sababtoo ah  nidaamka sharci ee dacwad furashadu waxa uu si kooban yahey iney Maxkamaddu ka ogalaato ama ka diido cida u soo gudbisata dacwadd, iyada oo loo eegayo sharciga.

    Hadii la ogaalado nuxurka dacwadda ayaa la gudo galaya iyo arinta muranku ka taagan yahey, balse hadii la diido arjiga dacwad furashada  dhinicii soo gudbistey halkaa ayey ku xidhmeysaa dacwadu loomana galayo nuxurka cabashada ee dhinacaasi soo gudbistey.

    Sidaa awgeed sharciga ayey  khilaafsan tahey inay Maxkamadda Sare iyada oo diidey arjigi dacwadd furashada, hadana labadii arimood ee looga soo dacwoodey ay mid ahaan u xukuntey oo ah in Xeer-Nidaamiyaha dib loo eego oo uu khilaafsanyahey Xeerka Waxbarashada.

    Halka mid kala labaadna ay Wasaarada u xukuntey oo ay Wasaaraduna go’aankeeda si wadan karto, madama Wasaarada loo daayey arinkaas. Oo ay Maxkamadu Qaraarisey inay Wasaaradu u madax banaantahey Go’aankeeda maamul.

  8. Waxa intaa dheer Go’aanka Qaraarka Maxkamaddu dhinac wuxuu dalbanayey u xukuntey, Madaama loo xukumey in Xeernidaamiyihi ay lahaayeen ma waafaqsan Xeerka Waxbarashada lagu raacey. Hadana ay Maxkamaddu ka dhigeyso dacwad ay diidey arjigooda. Hadii aynu si kooban u eegno ujeedada dacwadd furashada ee ay lahayeen Gudidaas  lagu sheegay Dugsiyada Gaarka ah waxey aheyd in xeer nidaamiyaha laga dhigo mid khilaafsan Xeerka Waxbarashada. sidaas darteed Go’aanka Maxkamaddu wuxuu ka dhigan yahey arjigii dacwaddana waan kaa  diidey hadaad Gudidaas tihiin, waxaad rabteena waan idin xukumey .
  9. Waxa kale oo xusid mudan inaaney cadeyn Qodobadda dib u eegista u baahan  ee ku jira Xeer-Nidaamayaha ee ay Maxkamaddu go’aamisey iney ka hor imanayaan Xeerka Waxbarashada  iyo sababta loogu aqoonsadey qodobadaas iney ka hor imanayan Xeerka Waxbarashada;
  10. Sidoo kale waxa khaldan qaar ka mid ah Qodobada loo adeegsadey Qaraarka, oo uu ugu horeeyo Qodobka 159XHM, oo ka hadlaya in Garsooruhu weydiinayo qoraalada been ee dhinac soo gudbisto inuu ku adkeysanayo in dacwadiisa uu u isticmaalayo iyo inuu ka tanaasulayo oo laga saaro cadeymaha uu soo gudbistey. Waxa arin lala yaabo ah sababta ay Maxkamaddu ugu adeegsatey qodobkan oo kale Qaraarkeeda?
  11. Waxa kale oo xusid mudan in Gudoomiyaha Maxkamadda sare u ku lifaaqey Qaraarkan Maamul warqad uu faafinayo oo ujeedeeda uu ka dhigey Gudbin Qaraar Maamul. Warqadaas uu ku lifaaqey oo sharciyan meel ay ka waafaqsantahey aaney jirin, oo Qaraarada ka soo baxa Maxkamaddaha Guud ahaan loo qaybiyo dhinacyada ay quseyso. Hadana waxa intaa dheer in warqada lifaaqa ee Gudoomiyaha uu ku darey natiijo dheeraad ah oo ah inuu farayo Wasaarada inaan lagu fulin Xeer Nidaamiyaha ilaa inta dib u eegis ay ku sameynayan Wasaaradu.
  12. Ugu danbeyntii, dacwaddan dhinac kaliya ayuunba arji soo gudbistey, oo ah Guddidaa isku sheegay Waxbarashada Gaarka ah, wax laga diido iyo wax laga yeelaba waa laga dhigey, waxa cad inaan dhinaci kale loo yeedhin, isla markaana aan la siin wax fursad ah oo ay kaga jawaaban waxyalaha lagaga cabanayo. Taasina waa mid ka hor imaneysa danta cadaalada “principles of Natural justice” iyo Qodobka 28 ee Dastuurka Qaranka JSL.

Waxana walibana sidaan hore ku soo sheegnay loo xukumey dhinaca kaliya madama wixii ay codsanayen ee ahaa Xeer Nidaamiyaha Waxbarashada Gaarka loo leeyahey inuu ka hor imanayo Xeerka Waxbarasahda. 

Qaraarkan maamulna maaha mid xaliyey khilaafka sharci ee taagan balse waa mid soodhaha muranka sharci si kumeel gaadh ah u dejinaya , khilaafkuna wuu taagan yahay ilaa iminka.

Intaas ayaa ugu waaweyn Galdoolooyinka ka muuqda Qaraarka 3 page ah iyo Warqada faafinta ah ee u Gudoomiyaha Maxkamadda Sare raaciyeyba ee hoos ku lifaaqan .

No photo description available.

Image may contain: text

Image may contain: text

Xaqsoore Waa Alle

Garyaqaan : Yuusuf Biixi Muxumed

Garyaqaan Yusuf Biixi Muhumed

CEO & Chairman

Talosan Law Firm & Legal Services

Tel: +252 63 4411351/0654411351

Skype: yuusufbiixi84

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here