Akhri Oo Ka Bogo Qaybta Labaad Ee Warbixintii Dalladda SONSAF Ka Diyaarisay Ciidanka Booliska Somaliland, Hab-dhaqankooda Iyo Duruufaha Haysta

0
134
Lawadaag Asxaabta...

Khataro badan ayaa ka iman kara, haddii la waayo ama ay wiiqanto kalsoonida ka dhaxaysa Ciidamada Booliska iyo Shacabka. Run ahaantii waxa ay ahayd wada-shaqaynta dhaqanka iyo dawladnimada sababtii sahashay hub ka dhigistii iyo qaramayntii ciidan beeleedyadii iyo maleeshiyaadkii hubaysnaa horaantii sagaashamaadkii, hase ahaatee wakhti xaadirkan dad badani waxa ay su’aal galinayaan sida uu nidaamkani u noqon karo mid waara oo damaanad qaadi kara nabad-galyada muwaadinka wakhtiga fog, maadaama oo dalka ay ku soo noq-noqdeen dagaal beeleedyo hubaysan, hay’adaha dawliga ahina aanay ku xoogganayn meelo badan oo dalka ka mid ah. Dhinaca kale, walow Somaliland ay bilowday nidaamka diiwaangalinta hubka fudud, haddana wali waxa gacmaha muwaadiniinta ku jira hub badan oo aan sifo sharci ah loo haysan.

Ujeedada warqadan xog-waranka ahi waxa weeye inay soo bandhigto caqabadaha kala duwan ee ku gadaaman ciidanka Booliska Somaliland iyo sida ay u arkaan dadwaynuhu adeegga ay qabtaan Ciidanka Booliska Somaliland.

U hogaansamidda Booliska ee Xeerka Booliska iyo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland

Si loo xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta, waa in hab-dhaqanka Ciidanka Booliska Somaliland uu ahaadaa mid waafaqsan Xeerka Booliska iyo Dastuurka Somaliland.Qodobka 3aad ee xeerka cusub ee Boolisku waxa uu si cad u tilmaamayaa ujeedooyinka Ciidanka Booliska. Faqradda 4aad ee isla qodobkaasi waxa ay leedahay “Ciidanka Booliska Somaliland waa in loo tababaraa si waafaqsan shuruucda Qaranka iyo Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Bini-aadamka”. Sidaa awgeed Ciidanka Booliska waxa marar badan lagu eedeeyay in hab-dhaqankiisu aanu waafaqsanayn Dastuurka waddanka, hase ahaatee muwaadiniin badan waxay rajaynayaan in Xeerka Booliska ee dhawaan la ansixiyay uu noqon doono wadiiqo cusub oo horseeda is bedel togan oo ku dhaca Ciidanka Booliska guud ahaan. Waxa iyana mushkiladda sii murgisay in aanu jirin nidaam iyo hab lagula xisaabtamo hab-dhaqanka Ciidanka Booliska, ha ahaato Baarlamanka Somaliland ama guddiyo kale oo Madaxbanaane. Arrintaasi waxa ay dhiiri-galisay in marar badan ay dhacaan xad-gudubyo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadiniinta Dastuurka Somaliland waxa uu si dhamaystiran u sharraxay xuquuqda muwaadiniinta dhinacyada Ammaanka, Nolosha iyo Sharaftaba. Qodobka 24aad ee Dastuurka ayaa faah-faahinaya Xaqqa Nolosha, Nabad-galyada Muwaadinka, Ixtiraamka Sharafka iyo Dambiyada ka dhanka ah Xuquuqda Aadamaha. Qodobka 25aad ee Dastuurku waxa uu isna si faah-faahsan uga hadlayaa nidaamka qofka loo xidhi karo, xabsina loogu hayn karo, sidaa awgeed, Ciidanka Booliska Somaliland waxa aanu ku boorinaynaa inay si dhammaystiran u ilaaliyaan xuquuqda muwaadiniinta ee Dastuurku u damaanad qaaday.

Dhinaca kale, nidaamka nabad-galyo ee ku dhisan habka dhaqanka iyo ka dawliga ah oo la isku dhafay ayaa ah mid wiiqay awooddii Hay’adaha Dawliga ah, isla markaana sababay in marar badan dadku aanay sharciga u hoggaansamin. Qodobka 9aad ee Dastuurka Somaliland waxa uu caddaynayaa in nidaamka dawladnimo ee Somaliland yahay mid ku salaysan nidaamka Xisbiyada badan. Nidaam dawladeedkaasi waxa uu damaanad qaadayaa xoriyadahadalka, mudaharaadada salmiga ah, iyo saxaafad madax banaan, sidaa awgeed Ciidanka Booliska Somaliland waxa ku waajib ah in uu si feejigan u ilaaliyo xuquuqahaas, isla markaana aanu marnaba u isticmaalin rasaas nool muwaadiniin si nabad-galyo ah u mudaharaadaya.

Ugu dambayn, waxa jirta baahi wayn oo loo qabo in dawladdu aasaasto ciidan si gaar ah loo tababaray loona qalabeeyay oo ka hortaga rabshadaha. Bulshada Caalamkana waxa looga baahanyahay inay taageero dhamaystiran siiso ciidankan. Ciidanka Booliska Somaliland waa in uu ku baraarugsanaadaa in Somaliland tahay dal dimuqraadi ah oo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo madaxbanaanidoodaba uu sharcigu damaanad qaaday.

Aasaaska Guddida Cabashooyinka ka dhanka ah Ciidanka Booliska ee Heer Qaran.

Qodobka 35aad ee xeerka cusub ee Booliska Somaliland waxa uu sheegayaa aasaaska guddi madaxbanaan oo loogu talo galay inay maareeyaan cabashooyinka muwaadiniintu ka qabaan Ciidanka Booliska Somaliland. Waxa kale oo Xeerku sheegayaa in Guddidaasi ka koobnaato: Laba Xubnood oo Baarlamanka ah, Xubin Wasaaradda Arrimaha Gudaha ah, Xubin ka tirsan Ciidanka Booliska, Xubin ka tirsan Guddida Xuquuqul Iinsaanka Qaranka iyo Laba Xubnood oo ka tirsan ururka Qareenada Somaliland. Xubnahan wadartooda guud waa Toddoba Xubnood. Qodobka 36aad ee isla xeerka ayaa sii faah-faahinaya waajibaadka iyo masuuliyadda guddidan, waxa kale oo xeerku Guddida awood u siinayaa inay samaystaan xeer-nidaamiyayaal ka caawin doona gudashada waajibaadkooda.

Aasaaska guddidani waa muhiim si loo sii wanaajiyo xidhiidhka Booliska iyo Dadwaynaha, waxa kale oo arrintani kor u qaadi doontaa sumcadda Ciidanka Booliska kadib marka ay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Boolisku noqdaan kuwa lala xisaabtami karo, sharcigana u hogaansan. Sidaa awgeed, Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kaashanaya Taliska Ciidanka Booliska waxa looga baahanyahay inay bilaabaan soo xulista xubnaha guddidan si waafaqsan xeerka. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ka go’an inay taageero buuxda u fidiso guddidan, kalana shaqayso Wasiirka sidii guddidani u aasaasmi lahayd.

Doorka Bulshada Caalamka ee dib-u-habaynta Hayadaha Nabad-galyada

Waxa muuqata in Bulshada Caalamku diyaar u tahay inay taageerto nidaaamka dib-u-habaynta hay’adaha nabad-galyada. Waxa jira hay’ado kala duwan oo hoos imanaya nidaamka dib loogu habaynayo hay’adaha amaanka (Security Sector Reform) sida Ciidanka Booliska, Sirdoonka, Garsoorka iyo Ciidanka Militariga. Bulshada Caalamku waa inay sii joogtaysaa taageerada ay siinayso nidaamka dib-u habaynta hay’adaha nabad-galyada dalka, Somalilandna maadaama oo ay tahay dal ka soo doogay dagaalo, dib-u habaynta hay’adaha ammaanku waa arrin leh mudnaanta koowaad.

Dawladda Somaliland ayaa ibo-furtay habka qiimaynta Hay’adaha Ammaanka (Security Sector Assessment) bishii 12aad ee 2011, iyadoo la kaashanaysa UNPOS iyo UK. Dhinaca kale, Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyo Bulshada Caalamka ayaa marar badan oo kala dambeeyay falanqeeyay caqabadaha hor taagan nidaamka dib u habaynta Hay’adaha Ammaanka iyo baahida deg-dega ah ee loo qabo sidii loo aasaasi lahaa Guddida Madaxa-banaan ee maaraynta cabashooyinka dadwaynuhu ka qabaan Ciidanka Booliska.

Ka qayb qaadashada Bulshada Rayidka ah ee nidaamka dib u habaynta Hay’adaha Ammaanka

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ka walaacsantahay hab-dhaqanka Ciidanka Booliska Somaliland gaar ahaan wakhtiyada mudaharaadyada iyo xilliyada eedaysanayaasha la xidhayo. Bulshada Rayidka ahi waxa kale oo ay war-war ka muujinaysa maqnaanshaha Guddi looga dacwoodo xadgudubyada Ciidanka Booliska Somaliland. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay diyaar u tahay inay kala shaqayso Ciidanka Booliska Somaliland dhinacyada isla wadaagidda xogta, is xilqaamka dadwaynaha ee ilaalinta nabad-galyada, iyo ka taageeridda Ciidanka Booliska dhanka shuruucda iyo siyaasadaha dib u habayneed.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay rumaysantahay in wada shaqayn dhex marta Ciidanka Booliska iyo Bulshada Rayidka ahi ay qayb ka noqon karto is faham wanaagsan oo dhex mara Ciidanka Booliska iyo dadwaynaha, iyo waliba in la xaqiijiyo in xuquuqaha muwaadiniintu ay yihiin kuwo la ilaaliyay. Wakhti xaadirkan waxa nasiib darro ah in aanu wax xidhiidh ahi ka dhaxayn Ciiidanka Booliska iyo Bulshada Rayidka ah.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay u doodaysaa dawlad wanaag, deganaanshaha, horumarka, ilaalinta xuquuqda aadamaha iyo madax banaanida saxaafadda. Bulshada Rayidka ahi waxa kale oo ay u taaganyihiin sidii hay’adaha dawliga ah loogu soo dabaali lahaa inay noqdaan kuwo dimuqraadi ah, daah furan isla markaana lala xisaabtami karo. Dhinaca kale, Bulshada Rayidka ahi waxa ay ku boorinayaan qaybaha kala duwan ee Ciidanka Boolisku inay wada shaqayn joogto ah la yeeshaan ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Gaba-gabo

Iyada oo ay jiraan caqabado badan, haddana, Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu sameeyay horumar muuqda, marka loo eego waddan ka soo kabanaya burbur laxaad leh iyo dagaalo sokeeye.

Dedaalada loogu jiro dib u habayn lagu sameeyo hay’adaha ammaanka dalku waa mid faa’iido badan leh oo xoojin doona hay’adaha dawliga ah, kana dhigi doona kuwo shaqadooda u guta si heer sare ah isla markaana lala xisaabtami karo, iyagoo joogtaynaya ku dhaqanka sharciga, sinnaanta muwaadniinta, nabad galyada iyo ammaanka muwaadiniinta iyo ixtiraamka Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland iyo baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadamaha.

Wakhti xaadirkan in la maal-geliyo ciidanka Booliska Somaliland waxa ay saamayn wayn oo togan ku yeelan doontaa nabad galyada mustaqbalka fog ee dalka. Haddii Ciidanka Booliska Somaliland uu ogolaado madalo ay ku doodaan Ciidanka Booliska iyo dadwaynuhu waxa ay arrintaasi xoojin doontaa kalsoonida iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa Ciidanka Booliska iyo dadwaynaha. Ugu dambayn Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay marwalba diyaar u tahay inay taageerto dedaaada loogu jirto dib u habaynta hay’adaha nabadgalyada dalka, gaar ahaan Hay’adda Booliska, maadaama oo Ciidanka Boolisku yahay tiirka ugu wayn nabad galyada, amaanka iyo deganaanshaha dalka, iyo waliba albaabka ugu horeeya ee nidaamka cadaaladda.

Talo Soo Jeedin

Aasaasidda Guddida cabashooyinka ka dhanka ah Ciidanka Booliska ee Heer Qaran ee Xeerka Boolisku waajibiyay in la sameeyo. Guddidaas oo maamuli doonta cabashooyinka dadwaynaha, waxa ayna door muhiim ah ka ciyaari dontaa sidii Ciidanka Booliska Somaliland u noqon lahaa mid daah-furan oo lala xisaabtami karo, sidoo kale waxa ay arintani wadada u xaadhi doontaa in qiimayn joogto ah lagu sameeyo shaqada Ciidanka Booliska si loo hubiyo u hogaansamidda ciidanka Booliska ee xeerka cusub ee booliska iyo Dastuurka.

Si loo hirgaliyo xeerka booliska No.63/2013 waxa jira tiro xeernidaamiyaal ah kuwaas oo gabi ahaantood u baahan in la curiyo. Inta aan xeer nidaamiyayaashaa la abuurin ku dhaqanka Xeerka cusub ee Boolisku waxa uu ahaan doonaa mid aan si dhamaystiran u fulin. Xeer-nidamiyaashu waxay booliska iyo daneeyayaasha kaleba ka caawinayaan inay si waafi ah u fahmaan Xeerka iyo qaabka loo dhaqan-galinayaba.

Dib u habaynta hay’adaha nabad-galyadu waa u muhiim waddamada ka soo gudbay marxaladda dagaalada iyo colaadda, maxaa yeelay waxa ay ka taageeraysaa sidii hay’adaha hirgaliya ku dhaqanka sharcigau noqon lahaayeen kuwo leh isla-xisaabtan hufan oo sax ah.Tan iyo ibo furkii nidaamka dib u habaynta hay’adaha nabad galyada ee 2011 ma ay jirin wax qiimayn ah sidoo kale ma jirin qorshayaal lagu hirgalinayo dib u habaynta hay’adaha nabadgalyada, ma aanu jirin rabitaan dhab ah oo ka imanayay dhanka masuuliyiinta ay hawshani khusayso.

Warbixintani waxa ay ku talinaysaa in la sameeyo qiimayn guud oo Bulshada Caalamku taageerto oo dib loogu qiimaynayo nidaamka dib u habaynta hay’adaha nabadgalyada dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Somaliland.

Kordhinta iyo tayaynta tababarka Ciidanka Booliska, horumarinta qalabka ciidanka gaar ahaanagabka lagaga hortago mudaharaadada, kor u qaaddida xirfadda baadhitaanka dambiyada iyo casriyaynta iyo kordhinta Xarumaha Booliska ee dalka. Korukaca, tayaynta iyo daadajinta hawlgalada boolisku waxay xaqiijin doonaan himilada dadka reer Somaliland ee ah inay ku noolaadaan dal nabdoon, dimuqraadi ah, oo uu ka hirgalo isku xukunka sharcigu. Dawlada Somaliland iyo bulshada caalamku waa inay xoogga saraan kor u qaadista tayada iyo daryeelka Ciidanka Booliska.

Kor u qaadidda iyo tayaynta shuruudaha lagu shaqaalaysiiyo xubnaha Ciidanka Booliska Somaliland, iyo wanaajinta xidhiidhka ka dhaxeeya Ciidanka Booliska iyo Bulshada Rayidka ah ee Somaliland iyada oo la abuurayo wada xaajoodyo furan oo dhex mara Ciidanka Booliska iyo Dadwaynaha reer Somaliland.

In la bilaabo wada-hadalo ku saabsan nidaamka dib u habaynta Hay’adaha nabadgalyadu waxa ay Meesha ka saari doontaa mad-madow kasta oo laga qabi karo Ciidanka Booliska, waxa aanay soo dedejin doontaa dib u habayn togan oo ku timaadda Hay’adaha nabad-galyada. Somaliland wakhti xaadirkan waa waddan himiladiisu tahay sidii mashaariic waawayn oo maal-gashi uu usoo jiidan lahaa, hase ahaatee arrintaasi waxa ay u baahantahay in marka hore la tayeeyo lana horumariyo hay’adaha sharciga fuliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here