Akhri Oo Ka Bogo Khudbad Dhinacyo Badan Taabanaysa Oo Uu Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Shalay Warbaahinta U Jeediyay, Kaganna Hadlay Xaaladdo Door Ah Oo Dalka Ka Taagan

0
66
Lawadaag Asxaabta...

Hargeysa, July 21, 2018- (Foore)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro Waxa uu shalay Warbaahinta u jeediyay Khudbad Dhinacyo badan taabanaysa taasi oo uu kaga hadlay,Xaalada Guud ee Dalka sida,Dagaalka Tukoraq,Shaqaaqada Ceel Afweyn,Kooxdii Dhawaan Ergada Ugu tagtay Puntland,Shirkii Brussels loogu qabtay Maamuladda Soomaaliya ee ay ka qayb galeen Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galayd, iyo arimo kale oo Xasaasi ah oo dalka ka taagan.

Shir jaraa’id oo uu shalay Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku qabtay Guriga uu ka degan yahay  Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay Warbaahinta waxaana uu ku bilaabay sidan:

Hordhac:

Salaamu Caleykum waraxmatullahi Wabarakaatuhu. Jimce wanaagsan, waxaan saaka saxaafadda ugu yeedhay in aan ka hadlo laba arrimood oo kala ah guddidda doorashooyinka qaranka iyo arrimaha doorashada, iyo xaaladda guud ee dalka.

Balse aan erey ibo-fur u noqon doono ama xasuus iyo kaftan noqon doona hadalkayga aan ka horeysiiyo labada mawduuc.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Xisbiga KULMIYE waxa ay ku ololayeeyeen: ‘’ Cirro iyo Xisbiga WADDANI laguma aamino karo dalka”.  arrintaasi gabay bay ahayd. Jawaabta Gabaygana waxaa lala sugaa xilli ku munaasib ah. Hase yeeshee gefka ay galeen anigu gali maayo, odhana maayo: ‘’ Muuse Biixi iyo KULMIYE dalka laguma aamino karo ee aan ka qabanno”. Waxa aanse leeyahay Muuse iyo KULMIYE xaaladda dalku ku jiro ee dhaqaalo darro ah, maamul habacsanaan ah, iyo kala qeybsanaanta umadda iyaga ayaa ka mas’uul ah, qarrankuna jihadda uu ku socdaa maanta jiho sax ah maaha, waxaana ku sii socodka jidkaasi keeni karaa dumis qaran.

Ereyadaas waxa aan ku kabayaa fariin aan u dirayo taageerayaasha Xisbiga WADDANI dhamaantood meel kasta oo ay joogaan; waxaan leeyahay damaca Xisbiga WADDANI ee kursiga Madaxweynuhu wuu ka weynyahay kii hore, rejada guushuna way ka weyntahay tii hore, hawsha ina hortaalaana way ka weyn tahay tii hore, feejignaanta ina sugeysaana way ka weyn tahay tii hore.

Ararta waxaan kaga baxayaa xikmad uu ka tagay Madaxweyne Obama, Xiligii ololaha Madaxtooytada Marayakan isaga markaas la hadlaya Madaxweyne Donald Trump oo madaxweyenimo u tartamayey, waxa uu yidhi: “If you have to win a campaign by dividing people, you are not going to be able to govern them, you will not be able to unite them later”.

Komishanka iyo Doorashooyinka:

Waxa aan u gondo degeyaa sababta kowaad een aan maanta isugu kiin yeedhay waanse koobayaa; waxa ayna tahay in aan ereyo ka idhaahdo Guddida doorashooyinka Qaran-ka iyo doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Golayaasha deegaanka.

Xisbiga WADDANI isaga oo sababeeyey waxa uu kalsoonidii kala noqday Guddida Doorashooyinka Qaranka taariikhdu markii ay ahayd 22-kii -bishii  Saddexaad ee sannadkan 2018-ka isaga oo u maray dariiqa sharcigu tilmaamay. Waxa la yaab leh in aan komishanku kalsooni kala noqoshada Xisbiga WADDANI waxba ka soo qaadin, hawshiina si caadiya isaga wato ilaa hadda.

Xisbigu waxa uu caddeynayaa in aanu waxba ka ogeyn qaybna aanan ka ahayn wixii ay sameeyeen komishinku ka dib 22-kii bishii saddexaad 2018.  sii wadashadda howlaha KDQ ee uu ka maqan yahay xisbiga ugu weyn Mucaaradka Somaliland waa gef, meel ka dhac iyo sharci darro, waxa aan uga digeynaa KDQ sii wadashadda howshaas haddii ay tahay xeer, magacaabis xubno muhiim ah ama shaqaale halbowle ah.

War-saxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyada JSL dhawaan waxaa lagu sheegay in Komishanku soo diyaariyey xeerka doorashooyinka, axsaabtuna ka qayb qaateen, golaha wasiiraduna ansixiyeen ka dibna Golaha Wakiilada u gudbiyeen.

Waxa aan shacbiga Somaliland, xukuumadda talada haysa, Golaha Wakiilada, Golaha Guurtida iyo daneeyayaasha doorashooyinka halkan uga cadeynayaa in aan Xisbiga WADDANi qayb ka ahayn xeerkan iyo wax kasta oo komishanku uu sameeyey ka dib markii xisbigu kalsoonida kala noqday bishii saddexaad 2018.

Waxaa Xisbiga WADDANI Bishii saddexaad 2018 Madaxweynaha JSL u jeediyey in doorashooyinku inoogu qabsoomaan waqtigoodda; isla markaana la beddelo komishankan hadda jooga lana magacaabo komishan cusub oo dheelitiran, waxa aanu u aragnaa joogista Komishankan in macnaheeddu yahay doorasho yaaney qabsoomin, mas’uuliyaddeedana waxaa qaaddaya madaxweynaha.  Marar badan baa Muuse Biix iyo KULMIYE ka hor inta aannu kursiga fuullin ku eedeeyeen Gudoomiyahii Golaha Wakiilada oo aan anigu xiligaa ahaa ayaa hortaagnaa in xeerka doorashada baarlamaanka la sameeyo, maanta yaa hortaagan?

Maanta Muuse waa Madaxweyne ahna Gudoomiyaha KULMIYE, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Baashe Waa Kulmiye, Gudoomiye ku xigeenka 1aad iyo 2aad Axmed Yasin iyo Dr Cali Yuusuf waa KULMIYE, waxaa kale oo intaas sii dheer in ka badan 55 xildhibaan ee golaha wakiiladda ay KULMIYE yihiin.  Maanta haddii doorashaddu dib u dhacdo, haddii kootadda la ansixin waayo, haddii saami qeybsiga go’aan laga gaadhi waayo, lana tixgelin waayo tabashadda beelaha darafyada, waxaa masuuliyaddaa iska leh oo aan lala wadaageyn Madaxweyne Muuse iyo Xisbiga taladda haya ee KULMIYE.

Arrinta saami qaybsiga xiligii Madaxweyne Siilaanyo waxa aynu ogeyn in doorashadda Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiilada la kala saaro xukuumaddii KULMIYE ku sababaysay in Madaxweynuhu magacaabi doono guddi qaran oo xal u raadisa arrimaha saami qaybsiga, markii lagu guuleystay in doorashada la kala reebana halkii lagama qaadin.

Wallaalayaal Maadaama aan muddo dheer oday ka ahaa Golaha Wakiilada JSL waxa aan qabaa in aan Goluhu xal u heli karin arrinta saami qaybsiga kursaasta Golaha Wakiilada ee arrintani aanay ka maarmayn go’aan adag oo Madaxweynuhu ka qaato si aan doorashooyinku dib ugu dhicin.  Madaxweynaha waxa aanu u gudbinay asbaabihii komishanka aanu kalsoonidda ugala noqonay ee sharci iyo maamul, waxaana kuwaas sii kabay Barnaamijka baadi goob, oo ahaa barnaamij baadhiseed oo madax- banaan. barnaamijkani isna waxa uu daboolka ka qaaday cadeymo iyo dhacdooyin badan oo kaabay kuwii hore ee uu xisbiga WADDANI shacbiga u soo bandhigay kuwaas oo dhammantood ka marag furaya in aan komishinkan lagu kalsoonaan Karin dhexdhexaadnimaddisa, garsoor aan kalsooni haysan aanu garniqi karin waa heshiis caalami ah.

Komishanka kalsoonidii waan kala noqonay hawshiina si caadi buu isaga wataa, Madaxweynaha qoraal baan u qoray wax garawshiiyo ahi kama iman, waxa ay ergo nooga timi Akaademiyadda Nabadda iyo Horumarka Somaliland (APD) oo nagu wargeliyey inay arkeen Madaxweynaha oo uu ogol yahay in laga wada hadlo beddelka xubnaha komishanka iyo arrimaha doorashooyinka la xidhiidha. Arrintaasina ilaa hadda wax horumar ah lagama gaadhin.

Jidka noo hadhay ka Xisbi ahaan waa in aan la hadlno shacbiga reer Somaliland gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga WADDANI kana tashano talaabada aan qaadeyno. Hase yeeshee, ka hor inta aanaan shacbiga ama taageerayaasha la hadal, waxa aanu rabnaa in aanu bixino fursad kale si xal looga gaadho bedelka komishanka si doorasho dalka uga qabsoonto, waxa aan diyaar u ahay Gudoomiye ahaan in aan ka wada haddalno arrinta komishanka Madaxweyne Muuse.

Wallaayaal Xisbiga WADDANI waxa uu baadi goobayaa cadaalad (justice) iyo daah- furnaan (transparancy) iyo wax wada lahaansho.  Xisbiga WADDANI hay’ad ama shakhsiyaad gaar ah oo uu cadaawad u hayaa ma jirto. Waxa uu doonayaa in komishanku ku shaqeeyo dhexdhexaadnimo, daahfuraan iyo xubno isu dheelitiran. Si danayeeyayaasha caalamiga ahi xog-ogaal ugu noqdaan daahfurnaanta hannaankeenna doorasho, Xisbiga WADDANI waxa uu si buuxda u taageeray ka qayb galka doorashooyinka ee goobjoogayaasha caalamiga ah (International observers). Waxa aanse ku talinaynaa in qaabka xulashada goojoogayaasha, xogta iyo maamuulkooduba daah furnaado. Tirada goobjoogayaasha caalamiga ah ee yimaadda waa ay yartahay, doorashaddii dhaweyd waxaa yimid 60 qof, taasi waxa ay sababtay in aanay in badan xog ogaal u noqon karin dhacdooyin iyo gefef badan oo dhaca. 27 goobood bay joogeen furitaankooda, 30 goobood bay joogeen xidhitaankii halka 12 goobood joogeen xiligii tirinta iyada oo ay 1642 goobood doorashadu ka socotay sida ay ku sheegeen warbixintooddii.

XAALADDA GUUD EE SOMALILAND

Arrimaha Dibadda:

Wallaalayaal maanta dalkii waxaa ku habsaday maamul xumo baahsan, xukuumadda hadda jirtana waxay albaabadda u laabtay dhammaan hannaankii Somaliland ku socotay ee ahayd hiigsiga dowladnimo qaangaadh ah iyo helidda ictiraaf caalami ah. Waxa maanta meeshii ugu hooseysay maraysa siyassaddii arrimaha dibadda Somaliland oo go’doon siyaasi ah sii galaysa maalinba maalinta ka danbeysa, waxaa soo baxaya sawirro muujinaya in Somaliland meeqaamkeeddii hoos u sii socdo.  Qalabka warbaahinta maalmahan ugu danbeeyey waxa aynu kala soconay dhacdooyin ku ugub ah Somaliland. Waxaa ka mid ah in wafdi reer Somaliland ah booqasho ku tegay Puntland iyada oo xukuumadduna ka warqabtay tegidoodda sida ay ku sheegtay warsaxaafadeedkii ka soo baxay madaxtooyaddda kunta tilmaantay dad is xilqaamay.

Waxaa sidoo kale Bruesless ka socday shir caalami ah oo lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya, oo ay xukuumaddeenu sheegtay in aanay ka qeybgaleyn cid ay u wakiilatayna aysan jirin, hase yeeshee ay ka qeybgaleen Gudoomiyaha Xisbiga UCID iyo madaxweynaha Khaatumo   lana kulmeen madaxweynaha Soomaaliya.

Waxa aan si baahsan ula soconay arrimaha maamulka hawadda Soomaaliya in ay gacanta Somaliland ka baxeen, waxaa la sheegayaa in saraakiil waaxda socdaalka Soomaaliya soo magacawday Hargeysa joogaan.  Arrimahaasi waxa ay muujinayaan dareen ah in xukuumaddu raali ka tahay in Somaliland la gaadhsiiyo meeqaam maamul goboleed, Kulmiyow qaranimaddii miyaad ka noqoteen? Xukuumadda goloyaasha iyo shacbiga ha u soo bandhigto haddii isbeddel ku yimi siyaasaddii arrimaha dibedda iyo gudahaba ee Somaliland. Arrimahaas kor ku xusan waxa ay rejo beel ka dhigayaan shacbigii samirka badnaa ee 27-kaa sanno ka dhursugayey dal la aqoonsan yahay oo caalamka kamid ah. go’doonkaas iyo rejo beelnimaddaasna mas’uuliyaddeedda waxaa qaaddaya xukuumadda Kulmiye ee haatan taladda haysa.

Arrimaha Gudaha:

Colaadda Ceelafweyn:

Xisbiga WADDANI waxa uu bogaadin iyo mahadnaq u dirayaa dhammaan ergooyinka ka qayb qaadanaya nabadeynta colaadda Ceel Afweyn, waa masiibo qarran, waxa aan ilaahay uga baryeynaa in Ergaddu ku guuleystaan soo afjaridda xiisadaha colaadeed ee deegaankaas ka aloosan. Labada beelood ee dirirtu ka dhaxaysana waxa aan ugu baaqeynaa in ay u hogaansamaan go’aanka ergada nabadda. Xukuumadda Somaliland-na waxa aan ugu baaqeynaa fullin degdeg go’aamadda nabadda si xal kama dambeys looga gaadho colaaddaas soo noqnoqotay.

Xaaladda Tukaraq:

Iyadda oo aan lagu xadgubeyn sharafta iyo qarannimadda Somaliland waxa aan ugu baaqeynaa dhinacyadda Somaliland iyo Puntland in xaalad kasta oo nabad lagu gaadhi karo aan dagaal lagu beddelin. Shacbigu labada dhinac ba nabad, nolol iyo horumar buu u baahan yahay. Waxa aan soo jeedinayaa si colaadaha loo soo afjaro, in fursad iyo jawi wada haddal la abuuro lana suurtogeliyo in dib loo bilaabo waddahadaladdii Soomaaliya iyo Somaliland lagana wada hadalno daminta colaadaha.

Heshiisyadda Khaatumo:

Iyada oo la ixgelinayo duruufaha siyaasaddeed iyo amni ee xiligan aan ku jirno, waxa aanu u aragnaa in ay aad muhiim ugu tahay qaranimadda iyo midnimadda Somaliland dhammaystirka heshiiska Somaliland iyo maamulka khaatumo, waxa aanu xukuumadda u jeedinaynaa in qabyadda heshiiskan la dhammaystiro.

 

Wabillaahi Tawfiiq.

Dr Abdirahman Mohamed Abdillahi Cirro

Waddani Party Chairman

Cabdiqaadir Salaax Iidle

Waddani National Party

Xoghayaha gaarka ah ee Gud Xisbiga WADDANI

Cellphone: +25263-4442442

Hargeisa – Somaliland.

Halkan Ka Daawo Hadalka Guddoomiye Cirro:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here